JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

CAJIIIB:- Dadka Safarada Gala Oo Loo Soo Saaray Shandad Iskeed U Raacaysa..

Published: November 20, 2016, 11:46 pm

Dadka safarada badan ayaa la rajaynayaa inay ka raystaan shandadihii ay qaadan jireen ee ka lumi jiray, iyaga oo hadda helaaya shandad taasi ka duwan, taas oo ay adag tahay inay ka luntaa.

Shandadan ayaa ah mid qofka leh daba soconaysa, waana mid loo sameeyey habka robot ka oo kale ,iyada oo la saaxiibaysa qofka sita, waxaana lagu xidhayaa Lambar awood u siinaaya inay tagto ama u raacdo qofka meel walba oo uu tago, sidoo kalena waxay awood u yeelanaysaa inay korto meelaha dhaadheer ee salaamaduna ay ku jiraan.

Shandadan ayaa ah mid u shaqaynaysa habka gawaadhida is wada oo kale ,iyada oo xagga hoose ku leh taayiro yar yar , kuwaas oo ah kuwa u saamaxaaya inay socoto, waxaanu qofku awood u lee yahay inuu siduu doono u maamuli karo  shandadaasi, isaga oo sidoo kalena ku joojin kara kuna dhaqaajin kara Mobile kiisa oo uu ku shubaayo Program awood u siinaaya iinuu maamulo shandadaasi.

dadka-safarada-gala-310x175Shirkadda samaysay shandadan oo u waramaysay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay webka kobciye.com ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan lumitaanadii iyo murankii faraha badnaa ee ka iman jiray shandadaha xiliyadda ay dadku socdaalada ku jiraan.

Shandadan ayaa sidoo kale lagu maamuli karaa taabashada qofka,iyada oo lagu ridi karo waxyaalaha qalabka caafimaad kamid yahay iyo waxyaalo dhaawac u geysan kara ama iyagu wax ku noqon kara shandadaha caadiga ah ,waxaanu hadda qiimeheedu marayaa $399 Dollar.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply