JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Cajiib Waxyaabahaan Yaabka Leh Ee Ragga Soomaaliyeed Doonayaan, Maka Helayaan Dumarkooda…!!

Published: December 10, 2016, 1:41 pm

WAANO KU SOCOTA RAGGA:

– Ninku wuxuu rabaa naag dhowrsan oo indhaha laabata,asagana indhiisa dumarka kale kama laabanayo.

– Ninku Wuxuu rabaa naag aan niman kale saaxiib la ahayn asagane asxaabtiisa waxa ay u badanyihiin haween kale.

– Ninku wuxuu rabaa naag asaga ay ugu horeyso jacaylkiisa oo niman kale aan soo jeclaanin , asagane waxaa uu sameynayaa xiriiro xaaraan ah oo naago kale horey ula soo sameeyay.

– Ninku wuxuu rabaa naag aan facebook ugu darsanayn wax nin ah xitaa qaraabadeed , asagane waxaa ugu jirta facebook ama aaladaha xiriirka bulshada naago fara badan,qaar uu like u saaro ,qaar uu share gareeyo sawiradooda,qaar uu comments ka bixiyo asaga oo soo qorayo ereyo aan ilaah raali ka ahayn.

Hadaba ninyahow hadaad rabto marwo wanaagsan marka hore naftaada hagaaji oo ka reeb waxyaabaha aan kor ku soo xusnay si ay u wanaagsanaato naagtaada.

Ogow ilaahey waxa uu yiri(الطيبون للطيبات),hadaba hadaad adigu tahay ruux wanaagsan waxaad heleysaa qof wanaagsan,taas shaki kuma jiro ilaaheyga na abuurtay ayaa noo sheegay.

W.Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Kala xiriir e-mail: deeq1982@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply