JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Cajiib:- Hooyo Aragtay Wejiga Wiilkeedii Geeriyooday Oo Nin Kale Dhakhaatiirtu Ku Beereen..

Published: December 13, 2016, 11:46 pm

Hooyo u dhalatay gobalka Ohio ee dalka Maraykan ayaa oohin kalgacal leh iyo dareen waalidnimo oo yaab leh u muujisay wiil lagu beeray wejiga wiil ay dhashay oo sannad ka hor  geeriyooday.

Hooyo Nancy Millar ayaa sida sawirka ka muuqata iyada oo kalgacalka xusuusta wiilkeeda la ilmaynaysa waxa ay dhunkasho ka turjumaysa dareenka hooyonimo ku qaabishay Hardson oo ah 42 sano jir oo dhowaan dhakhaatiirtu ku guulaysteen in ay ku xidhaan wejiga wiilkeedii David Rubio oo caan ku ahaa ciyaaraha baaskiil kaxaynta, kaas oo  sannadkii hore isaga oo 26 jir ah geeriyooday.

Hardson oo ka tirsanaan jiray shaqaalaha dab-damiska ee dalka Maraykanka ayaa uu gebi ahaana maqaarka wejigiisu gubtay, muuqaalkiisuna is beddelay kadib markii uu dhaawac xun oo gubasho ahi ka soo gaadhay guri gubtay oo ay isaga iyo kooxdiisu bakhtiinayeen sannadkii 2001dii. Hardson oo ka hadlay dareenkiisa la kulanka wiilka uu wejigiisa xidhan yahay hooyadii, ayaa sheegay in uu ahaa kulan dareensiiyey in ay qoys yihiin oo kale.

Hooyadan oo uu dareenkeeda taabtay wejiga ay aadka u garanayso ee wiilkeeda geeriyooday ayaa muujisay dareen ah in ilmaheedii dib nolosha ugu soo noqday oo kale. Nancy waxa ay hore u fulisay dardaaranka wiilkeeda geeriyooday oo ahaa in lagu tabaruco wadnihiisa, labadiisa kelyood, iyo wejigiisa, arrintaas oo lagu tilmaamay tabaruc bani’aadamnimo oo dunida dhif ku ah.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply