fb

Cajiib Dowlada Hlland Oo La Filayo Sharci Dunida Ka Yaabin Doono Iney Soo Saarto..

Published: October 16, 2016, 1:13 am

Dawlada dalkaasi Holland ayaa wadda qorshe ay ku samaynayso sharci ogolaanaaya inuu qofku is dili karo ,sidoo kalena ay dhakhaatiirtu dili karto ,iyada oo sharcigaasi la doonaayo in la horgeeyo Barlamaanka dalkaasi Holland.

Sharcigan ayaa dhigaaya in qofku is dili karto haddii uu arko inuu dhimanaayo , sidoo kalena uu is dili karo haddii uu jiro xanuun aanu ka bogsan karayn oo dhib ku haya naftiisa, waxaanu qofkaasi adeegsanayaa dhakhaatiirta caafimaadka oo iyagu noqonaaya kuwa dilaaya ama dilkaasi fulinaaya.

Sharcigan ayaa soo dhaafay sharci sameeyeyaasha dalkaasi , iyaga oo u gudbiyey khubaro ku takhasusay cilmi nafsiga, waxaana la filayaa in toos loo ansixiyo sannadka inagu soo socda ee 2017 ka.

Wadankan Netherland ama Holland ayaa noqonaaya wadankii ugu horeeyey ee soo saara sharci ogolaanaaya in qofka la dili karo ,haddii ay jirto rajo la’aan ah inuu sii noolaanaayo ama kazoo kabanaayo xanuun ku dhacay oo dhibaato jidheed soo gaadhsiinaaya.

Waxa kale oo uu sharcigani dhigayaa in aanu is dili Karin qofka uu ku dhaco xanuun uu kazoo kaban karo ama uu ka dawoobi karo , kaas oo la hubo, waxa kale oo iyaguna jira dad kale oo uu diidaayo in la laayo ama ay is dilaan.

Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Hollan Skhyeer oo la hadlaayey warbaahinta RIA Novosti oo uu warkan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in sharcigan uu ogolaanaayo in ay dadka waaweyn laftoodu is dili karaan , iyaga oo goobaha caafimaadka tegaaya, laakiin ay jirto da’ la ogol yahay in laysku dilo.

Daraasaddii ugu dambaysay ee lagu sameeyo dadka dalkaasi isku dila sannadkii ina dhaafay ee 2015 kii ayaa ahaa 5000 oo qof ,kuwaas oo siyaalo kala duwan isu dilay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply