fb

Cajiib:- Ciidamada Wadooyinka Ee Imaaraadka Oo Loo Bedelaayo Askar Robit Ah.

Published: October 22, 2016, 2:05 pm

Ciidamada wadooyinka ka hawl gala magaalada Dubai iyo dalkaasi Imaaraadka ayaa la filayaa in loo bedelo ciidamo Robot ah, kuwaas oo u shaqayn doona sida caadiga ah ee ay ciidamadaasi u shaqeeyaan, iyada oo lagula socon doono shaqadooda Computers iyo sidoo kalena Camer-daha wadooyinka ku xidhan.

Qandaraaska ciidamadan Robot ka ah lagu samaynaayo waxa qaadatay shirkadda lagu magcaabo Gulf Information Technology (GITEX), waxaanu awood u lee yahay  inuu qofka salaami karo iyo inuu gacantiisa ku qabsan karo Liisanka gaadhigaasi.

Isaga oo eegaaya Liisankaasi, waxaana indhihiisa ku xidhan qalab si fudud u eegi kara Liiska lambarkiisa iyo xiliga uu dhacaayo, iyada oo maskaxdiisana la geliyey Chip yar oo isna lagu shubay dhamaan lambaradda iyo liisamada gawaadhida magaalada.

Waxa uu sidoo kale si fudud u garan karaa sawiradda ku yaala liisamada iyo qofka wejigiisa oo uu isu eegaayo, sida lagu daabacay wargeyska Gulf Business oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Kobciye.com isaga oo intaas ku daray inuu calaamado kala duwan bixin karo marka uu aqoonsado in aanu qofkani isagii ahayn iyo sidoo kalena in uu liisankaasi dhacayba.

Qalabkan Robots ka ah waxa lagula  socon doonaa Computers yaala qaybaha kala duwan ee magaalada Dubai , gaar ahaana saldhigyada Ciidamada wadooyinka iyo ciidamada Booliska , iyada oo lagu salaynaayo hadba halka ay ku taalo wadada uu ka shaqaynaayo ,waxaana ugu badan Computers ka la isticmaali doono nooca IBM ka loo yaqanao.

Waxa kale oo loo adeegsan doona  isticmaalka Robot kan Google oo isna lagu Adjust garayn doono Robot kan ,waxaana si fudud loogula shaqayn doonaa GPRS ka.

Madaxa Technology-ga ee ciidamada Police ka magaalada Dubai oo ka hadlay qalabkan ayaa sheegay in ay rajaynayaan  inay u isticmaalaan marka ugu horeysa isticmaalka qalabkan goobaha ay yimaadaan dadka dalxiiseyaasha ahi, iyada oo isticmaalkiisa ay bilaabi doonaan sannadka 2017 ka,waxa kale oo uu sheegay inay rajaynayaan in ay sannadka 2020 ka rajaynayaan inay ku fidiyaan gebi ahaanba dalka qalabkan.

Shirkadda GITEX ayaa sannad ka hor waxay samaysay Robot kale oo dadka dalxiiseyaasha ah ka caawinaaya inuu hago oo geeyo meelaha dukaamada waaweyn ah , sidoo kalena si fudud u geynaaya waddooyinka kala duwan ee magaalada oo aanay kala garanayn.

Waxa kale oo la diyaarinayaa siday saraakiisha ciidamada Police ku sheegeen taleefan gaar aha oo magaalada dhexdeeda lagu xidhi doono, kaas oo si fudud loogala xidhiidhi karo xarumaha ciidamada.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply