JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Biyaha Badan Ee Maalin Walbo Aad Cabtaa Iyo Waxyaabaha Aay U Qaban Karaan Jirka Iyo Maskaxdaba..

Published: December 12, 2016, 1:18 pm

Maskaxda ayaa lagu qiyaasay in 80%  ay ka kooban tahay biyo, sidaas darteedna haddii qofku uu isticmaalo cabist biyaha badan waxay taasi dhiirigelinaysa shaqada maskaxda. Waxa kale ay biyaha badani ka caawinayaan kana hortgeyaan xanuunada maskaxda ku dhaca ee  qaliinka keena. Dhakaahtiirta cilmi baadhistaan sameeyay ayaa ku taliyay in ugu yaraan maalintii la cabo laba litir oo biyo ah .

Waxa kale oo maskaxda saamayn toos ah ku leh cuntada uu qofku qaato, kuwaasi oo hawlqabadka maskaxda caawinaya. Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxdaada, taasi oo si weyn u caawinaysa xusuusta maskaxda iyo hawlqabadkeeda.

Cunto dheelitiran ayaa ah tan lagula taliyo dadka, waxase jira cuntooyin si gaar ah waxtar ugu leh  shaqada maskaxda kuwaasi  oo loo yaqaano cuntada maskaxda, sida Kaluunka gaar ahaan noocyada Salmon, Saradine, Tuna, Herring, Mackerel iyo Ansjos, dhamaan Khudaarta kala duwan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply