fb

Baro Hababka Ugu Wanaagsan Uguna Dareenka Ee Aad Lamaanahaaga Habeenkii U Mac-salaameyneysid..

Published: September 10, 2016, 10:00 pm

Markaan waxaan soo qaadaneynaa jumlado ku qaali ah lamaanaha xiliga aay is macsalaameynayaaa, kobciyemedia.com ayaa kuusoo gudbineyso qodobo aad ka hesho xiliga aad macsalaameyneysid lamaanahaada.

Waad ugu diri kartaa qaab SMS ah fariin qoraaleed lamaanahaaga xiliga aad mac salaameyneysid habeenkii marka jiif loo diyaar garoobo, kobciyemedia.com iyo macsalaameyntee idiin kugu talo gashay…

Waad soo weeso qaadatay, hurdo ayaad dareemeysaaa, indhaha waad isku xirtay, afka makala qaadi kafrtid shanqarta iyo hadalkaba waa ku dhibayaaa, waa xiliga aan u jeclahay xabiibi inaad barkato gacanteyda oo aad ku hurudo anoo daawanayo wejigaaga neeftaadana qaadanayo.

Markii aan jiifka isku diyaariyay oo aan soo koray joodarigeyga ayaan ku tabay meel aan kaa dayin maleh, qolkana waa mugdi waxaan u dhaqaaqay inaan daaqada furo waxaa kasoo galay hawo aad u macaan iyo iftiin, daaqada ayaan madaxa usoo dhaweysta, waxaan arkay adigoo iiga dhex baaqayo daruuraha iyo dayaxa dhexdiisa, hawada socotay ayaan shumiskeyga kugu soo dhiibay kadibne hurdo helay.

Xabiibi waxaan ahay darawalka diyaarada, marka sariirta jiifka imoow, indhaha xero, hab sii barkintaada mar dhow diyaarada waa kaceysaaa.

Waa habeen macaan badan, Bisha waxaan ku iri ii waardiyeey habeenkii oo dhan macaantadeyda aan ka fogahay, dabeysha waxaan ku iri xabiibteyda wixii murug ah aay dareemeyso badaha uqaad, xidigahana waxaan ku iri habeenkii oo dhan u iftiima, waan kujeclahay hurdo macaan xabiibi.

Sariirta baan dul imaaday, waxaan eegay saacada, waa xiligii jiifka, maskaxdeyda waxey is weeydiisay lamaanahaaga sidee maantay aay kusoo gudubtay, haddana farxad iyo cibaado baan kuu rajeyay, hurdo macaan xubi.

Habeenkuu waa jawi degan wax shanqar ah malahan, mana hurdi karo, waxaan sugayaa in mobile-keyga fariin kusoo dhacdo, fariintaasoo ii wado shumis midkii aan ku hurdi lahaaaa, umaaaaaaac habeen wanaagsan xabiibi.

Indhaha kala qaad kahor intaadan hurdin eeg dayaxa wuu iftiimayaaa, eeg xidigaha waa dhalaalayaaan, anigana anigoo kaa fog ayaan eegayaaa sidaan u arko ayaad u aragtaa, ma anagaa kala fog xabiibi keliya qolfaheena ayaa kala fog.

Maadaama aan kaa fogahay Caawa markaa aado sariirta, waxaan kuusoo diray, Labo kabileey oo si adag ku waardiyeeyo & xoogaa reer aakhiraad ah oo kuu cayaaro oo ku mashquuliyo illaaa inta aad kahurudo.’

Barnaamijyada kobciyemedia.com hadii aad kaheshay boga aan facebook ku leenahay like dheh, waxaad ka eegtaa dhanka midig ee hoose facebook like.

W/D Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.