JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Barlin Adawe Oo Ah Gabar Ku Nool Muqdisho Ayaa Sameysay Naxariis Ka Dhalatay Qiso Cajiib ah..

Published: September 30, 2016, 9:01 pm

Waxey aheyd dhacdo dhaqaajisay dareenkeyga markii aan ka akhristay Bogga aay Facebook-a ku leedahay gabadha dareenkeedu siiyay iney u naxariisato walaalkeed.

Gabadhan ku magacaaban Barlin Adawe kolka aay isticmaaleyso aalada lagu xiriiro ee facebooka, oo aan filayo magacaasi inuu yahay midkeeda saxda ah ayaa shabakada kobciye.com usoo xulatay in aay qoraalkaasi iyo sawiradaasi la wadaagto kumanaanka kun ee ku xiran boga kobciye.com

Hadaba daawo sawirada iyo qoraalkii aay bogeeda kusoo qortay gabadhan soomaaliyeed..


Wiilkaa yar waxaan isku baraney Albaabka danbe ee Iskool Yasin Osman maalin duhur aad ay qoroxdu u kululeyd! Markaan gaariga ku ag marey oo ay indhihiisa iyo kuweeyga isku dhaceen ayaa wadnahayga isiin waayey inaan sidaa kaga sii dhaqaaqo? intaan gaarigii joojiney gadaal u noqdey ayaan waxaan weeydiiyey magaciisa iyo halka uu Xamar ka degenyahay! WUXUU igu dhahay EX KONTROLL BALCAD! ILINAA IGA SOO DAADATEY WLHI.anna gaari qaboojiye leh Ayaan ku raaxeeysanaaya isna cadceedaa kulul ayuu gurguuranaayaa? Isbarasho ka dib waxa uu ka mid noqdey sida caruurtaan aan dhalay gaarigaa oo aan hooyadeey u soo gadey kuna yaraadey ayaan ku hadiyey A/fatah waxaan u dalbey moto automatic ah ?Insha allaah waxaan awoodana waan ku taageerayaa intaan noolahay! Intaan Xamar ku bartaan ugu jeclahay? Maahan sababta aan u soo qaatey ha lagaa ogaado ee wlhi oo ilaahi oo talaahi waa KUWA IGULA NOOL MUQDISHO FBF ILA AH OO MADAX IYO SHACABA LEH OO DAAHARA KU DHISANAYAA MALYUUMAADKA DOLLAR OO GAWAARIDA DUNIDA UGU QAALISAN KU RAAXEEYSANAAYAA INAY OGAADAAN IN AYSAN DAARTAA QABRIGA LA GALIDOONIN EE WAXA KA HOREEYA ÅY TAHAY WIXII AAD SADAQEEYSATO!

Haddii halkii Qof oo soomaali ah isku dayo inuu gacan qabto walaalaheena naafada ah walaahi inaan la arkeen soomaali naafo ah oo dayacan ! Ha laysku gargaaro waaye ujeedkeeyga !

1 2 3 4


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.