fb

Barashada Cilmiga Ayaa Dadka Reer Yurub Ka Saartay Xilligii Nadaafad Darrada…

Published: September 23, 2016, 4:14 pm

Qarnigii 19naad, ayaa ay magaalooyinka Yurub bilaabeen in ay adeegsadaan habab gaar ah oo ay ku kala saaryaaan biyaha la isticmaalay ee wasakhda ah iyo kuwa la cabbi karo, intii ka horreysay se’ Yurub biyaha biyo ayuun baa ay u ahaayeen oo nadiif iyo wasakh uma ay kala lahayn.

Sida uu Sandor Marai ku sheegayo buuggiisa, ‘Qiraallo Burjuwaasi’ Xilliyadaas ayaa ay dalka Ingiriiska aad ugu soo bateen suuliyada, oo dusha sare lagaga qori jiray VC, sidoo kale waxaa xilliyadaa Ingiriiska ka bilowday ol’olayaal lagu dhiirrigelinayo nadaafadda oo ay ka mid ahaayeen bandhigyo waaweyn iyo shirar ama kulamo dadka loogu sharraxayo hadba waxyaabaha ku soo kordha hababka nadaafadda ee dadka ku cusbaa, waxaa la curiyey dawooyin ku liddi ah xanuunno badan oo dadka dhammeeyey, sida cudurrada Daacuunka, Shuban biyoodka, caseeyaha oo ah cudur afka qalaad lagu yidhaahdo Yellow fever oo kaneecadu gudbiso iyo cudurka Tiifowga (Typhus).

Sidoo kale dadkii Yurub markii uu cilmiga Saynisku kor u kacay waxa ay fahmeen in biyuhu aanay u xumayn sida ay moodayaan, iyo in ay suurtogal tahay in cudurro badan oo ay ku madheen lagaga hortegi karo habab fudud oo ay ka mid tahay gacmaha oo la maydho cuntada ka hor, iyo marka suuliga laga soo baxo. Intaa wixii ka dambaysayna dadkii Yurub waxa ay saaxiib dhow la’ noqdeen saabuunta oo markan ka hor ay u yaqaanneen cadowga jidhka.

Sannadkii 1847kii ayaa saynisyahankii weynaa ee u dhashay Hungary, Ignaz Semmelweis waxa uu helay sababaha keena xumadda dilaaga ah iyo dawadeeda oo ah in la ilaaliyo nadaafadda. Sannadkii 1868kiina saynisyahankii kale ee Scotland u dhashay, Joseph Lister ayaa isna helay hababka loo dabargoyn karo jeermiska iyo kaalinta ay dabargoyntaasi ku yeelanayso xakamaynta geerida qalniinka kadib dhacda. Cilmigan soo kordhay iyo fahamkan ka soo baxay baadhitaannada cilmiga ah ayaa aakhirkii sabab u noqday in dhakhaatiirta iyo dadka caadiga ah ee Yurub ay si isku mid ah ugu qancaan in biyuhu aanay dhib ku keenin caafimaadka, balse marar badan caawiyaanba.

Si kastaba ha ahaato ee weli qarnigii labaatanaad cabsida biyuhu waa ay ka sii jirtay Yurub, gaar ahaan dadka caamada ah iyo dhulka baadiyaha ah, laakiin taasina maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii yaraanaysay illaa heer ay maanta uu Yurub ku dhammaystirmay hayaankii ilbaxnimada ee ka soo dhex kacay kudaafadda, saxaradaha iyo maydka dadka ee daaqadaha laga soo tuuri jiray, illaa halka ya maanta marayso ee nadaafadda dunida oo dhan ay astaan ugu tahay, xeerarka adag ee ciqaabeedna lagu soo rogo ruux kasta oo ku kaca fal nadaafad darro.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.