fb

Akhriso Oo Wax Badan Ka Ogoow Sideed Walxaato Oo Kamid Ah Fadliga Bisha Ramadaan.

Published: June 25, 2014, 11:10 am

Ramadaanka waa Bishaa ugu Kheyrka badan Bilaha oo dhan, Ramadaanka Tobankiisa hore waaNaxriis, Tobanka Dhexenaa waa Dembi Dhaaf,

Tobanka ugu Dambeeyana waa Naarta oo leyska Xoreeyo, sidaasi darteed aan ka Faa’ideysano Walaalaha Muslimka ahoow, Hadduu jiro Qof Walaalkaaga ah oo Dhib kuu geystay ama Dembi kaa galay,

Iska Cafi si uu Adigana ilaaheey Dembigaada kuugu Dhaafo, ha Moodin inuu Qofkaasi uu kaa Guuleystay, ee mar walba Ogoow inaad Adiga ka Guuleysatay Rabbi Xagiisa.

1. waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada.
2. waa Bisha Cibaadada iyo Dambi Dhaafka.
3. waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha.
4. waa Bisha Qur’aanka Kariimka uu soo degay.
5. waa Bisha ay ku Dhex jirto Habeen ka Khayr badan Kun Habeen.
6. Waa Bisha Shayaadiinta la Xirxiro.
7. Waa Bisha Albaabka Janada la Furo.
8. Waa Bisha Albaabka Naarta la Xiro.
===============================
(ILAAHOOW CAAFIMAAD NAGU GAARSII).
W/Q Mohamed Abdullahi Ali


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply