fb

Adigoo Waxbo Hubsan Hadii Aad Meel Walbo Ku Deg Degto Akhriso Qormadan Ku Sahleyso Inaad Noqoto Mid Hubsiino Ku Dhaqaaqo.

Published: August 30, 2016, 10:00 am

Dhamaanteen waxa aynu ka cabanaynaa u fiirsi la’aan gaar ahaan xilliyadan dambe ee ay soo bateen waxyaabaha maskaxda qofka jeediya, arinakan oo inoo hor seeda inaynu awood u yeelan kari wayno hawlo lagama maarmaan an sida wax akhris, wax cusub inaynu soo saarno ama arimo muhiim ah oo aynu qaban lahayn inaynu ka jeedsano.

Sidaa awgeed Kobciye.com waxa ay kuusoo bandhigaysaa qodobbadan 6da ah oo kugu garab galaya sidii aad u kordhin lahayd awoodaada u fiirsiga, si aad u qabatid hawl kaste oo aad u baahantahay.. Ka Faaidaysi Wacan.

1. Soo jeed iyo foojignaan: U fiirso marka ay maskaxdaadu ka jeedsanayso hawshii aad gacanta ku haysay una baqoolayso waxyaabaha qofka jeediya sida mareegaha bulshada ee Facebook ama qalabbada kala duwan sida Mobileka iyo Computerka, u fiirso siday maskaxdaadu uga wareegayso hawl uguna wareegayso hawl kale waqti aad u yar gudihii, hadii aad u fiirsan kala wareegaas waligaa dhibkani kaama hadhi doono, u fiirsigan hadii aad maanta ka bilawdid maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii kordhi doonaa, waxaanaad ka adkaan doontaa ugu dambayntii maskaxdada.

2. Baro arimaha maskaxdaada jeedinaya: Waa lagama maarmaan inaad ogaato waxyaabaha maskaxdaada jeedinaya, maxay ka cararaysaa maskaxdu inay qabato, se xagay u orodaa?

3. Awoodaada iskugu keen arin kaliya: Marka hore samayso liis ay kuugu qoran yihiin shaqooyinka aad qabanaysaa, liiska lambarro u samee kadib hawl ba hawsha ay ka muhiim santahay qabo, adigoo awoodaada oo dhan iskugu gaynaya hawsha aad xilligaasi qabanaysid.

4. Iska fogee wax kaste oo ku mashquulinaya: Iska dami waxyaabaha ku mashquulinaya hadii aanay jirin baahi daran oo aad u qabtaa, sida Mobilekaaga ama Computerkaba si aad awooda u saarto hawsha aad gacanta ku haysid.

5. Ku buuxso saacada jalaska leh 20 daqiiqo, muddadaas wax kale ha u jeedsan haba yaraatee hana u gudbin shaqo kale oo liiska kuugu taalla, makra aad dhamaysid muddadan waxa aad dooran kartaa hawl kale, balse qaado muddo 10 daqiiqo ah ood maskaxda nasiso, waqti kadib waxa kuu suurto galaya inaad yarayso muddada nasashada balse hadda sidaas ku bilaw.

6. Maskaxdaadu waxay isku dayi doontaa inay kaa orodo waana qayb kamid ah dhibaatada ufiirsi la’aanta, waxa ay la ordaysaa waa rabitaan la’aan aanay doonayn inay aad u fikirto ama enerji bexiso, wax dhib ah ma laha, dhag ha u dhigin ilaa aad hawshaada ka dhamaynaysid.
Arimahan anynu kor ku xusnay waxa ay dawo ka yihiin u fiirsi la’aanta, balse waxa qofka ku dhaqmaya looga baahan yahay inuu joogteeyo waayo Rooma maalin laguma dhisin, maalin kaste joogtee kadibna bal eeg halka aad ku fashilanto, waxba ha is dhiibin hadii aad inta hore la qabsan kari waydo, ku cel celi illaa inta ay caado kaa noqonayso.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply