fb

Habeenkii Marka Aad U Diyaar Garowdid Inaad Seexato Akhriso Ducadaan.

Published: October 19, 2015, 8:57 pm

Baraa Ibn Caazib RC, Wuxuu yiri: Nebigaa CSW, ayaa ii Dardaarmay oo igu yiri:- Markii aad Seexanaysid Habeenkii ku Duceyso Ducadaan:-

Allaahumma Aslamtu Nafsii ileyka, Wawajahtu Wajhii ileyka, Wafawwad-tu Amrii ileyka, Walja’tu Dahrii ileyka, Raqbatan wa Rahbatan ileyka, Laa Maljaa Walaa Manjaa Minka illaa ileyka, Aamantu Bikitaabika Alladii Anzalta, Wanabiyyaka Alladii Arsalta.

Oo Macnaheedu yahay:- Alloow adaan Naftayda kuu Dhiibey, Wejigayga kuu Jeediyey, Arrinkayga kuu Bandhigay, Dhabarkayga ku Magan Geliyey, Cabsi iyo Rajo aan kugu Qabo awgeed meel loo Hirtaa oo lagaaga Carari karo iyo meel la Nabad galo midna ma jirto Xaggaaga maahee. Waxaan Rumeeyey Kitaabka aad soo Dejisey iyo Nebiga aad soo Dirsatay.

Marka haddaad Habeenkaa Dhimato waxaad Dhiman Adigoo la mid ah Cunug Xalay Dhashay oo Dembi aan laheyn oo kale. Haddii uu Waagu kuu Beryana Khayr buu Kuula Beryayaa. (Waxaa Weriyey Bukhaari & Muslim).


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply