fb

Dhageyso: Taariikh Nololeedkii Saxaabada Rasuulka Scw Iyo Qisadii Cajiibka Aheyd Ee Cabdullaahi Binu Mascuud..

Published: July 13, 2014, 12:31 pm

CABDULLAAHI BINU MASCUUD (15)

“QOFKII JECEL INUU AQRIYO QUR’AANKA ISAGOO QOYAN SIDII UU U SOO DEGAY OO KALE , HA U AQRIYO AKHRINTA INA UMMI CABDI.” XADDIIS

Kulankii ugu horeeyay ee uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay Rasuulka (scw)

Wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa mid aanan qaan gaarin maalintaas. Wuxuu magaallada Makka golaheeda ku foofinayay xoolo, weliba isagoo dadka ka fog. Wuxuu kaxeenayay xeen arri ah oo uu daajinayay, waxaana arrigaas lahaa ninkii la oran jiray Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka waxay ugu yeeri jireen ”ina ummi Cabdi”, hase ahaatee magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdullaahi, aabihiisna Mascuud.

Wiilkan wuxuu maqli jiray wararka ku saabsan Nebiga la filayo in laga soo dhex saaro tolkiisa. Ma uusan sii daneynin arrintan iyada ah, iyadoo ay ugu wacneyd labo arrimood. Waa tan koowaade, isagoo da’yaraa iyo isagoo ka fogaa mujtamaca reer Makka. Wuxuu ka caadi dhigtay inuu kaxeeyo arrigii uu lahaa Cuqba laga billaabo xilliga subaxa horemana soo noqon jirin ilaa laga gaaro habeenka. Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay wiilkii reer Makaad, waa Cabdullaahi Binu Mascuudee labo nin oo da’ dhexaad ah ayna ka muuqato akhyaarnimo iyo degganaansho, kuwaasoo ku soo socda dhinaciisa meel fog.

Wuxuu kaloo arkay inay nimankii ay aad u daalanaayeen, dhinaca kalena uu harraadkii iyo oonkii hayey darteed ay ka qallalaan bishimihii iyo dhuuntii. Labadii nin markii ay u yimaadeen wiilkii yaraa way salaameen, waxayna ku yiraahdeen: ”wiilyahoow, waxaad arrigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga, sidoo kalena aan ku qoyno xididdayada qalalay”. Wiilkii ayaa wuxuu ku yiri: ”ma sameynayo, maxaa yeelay arriga ma lihi oo waa la igu amaanaystay”.

Labadii nin ma aynan dhibsan hadalkii uu wiilkii yaraa yiri, waxaana wejiyadoodii ka muuqday raalli ahaansho ay wiilka u qabaan. Mid ka mid ah labadii nin ayaa wuxuu wiilkii ku yiri, waxaad i tustaa neef ari ah oo aan weli qoodhii saaran, wiilkii yaraa wuxuu ishaaray waxar yar. Ninkii ayaa u dhaqaaqay xaggii waxarta isagoo sibra xiray, wuxuu salaaxay candhadeedii isagoo xusaya magaca Alle.

Mid ka mid ah mucjisooyinkii Rasuulka (scw)

Wiilkii yaraa oo yaaban ayaa eegay ninkii isagoo ku leh: ” goormay waxarihii yar yaraa ee aan weligood saaran orgiyadii inay caano keenaan?!”. Hase ahaatee, wax yar kama soo wareegan jeer uu neefkii candhadiisii soo weynaado, dabadeedna soo burqadaan caanihii oo fara badan oo aan kala go’ lahayn.

Ninkii kale ayaa wuxuu soo qaaday weel isagoo weelkii ka buuxiyay caanihii, ka dibna wuxuu isagii iyo saaxiibkiisba ay dhameen caanihii, wiilkii yaraana waxay waraabiyeen caanihii, isagoo aanan rumeysanaynin waxa uu arkay.

Wiilkii yaraa wuxuu yiri, markii aan caanihii ka dharagnay ayaa wuxuu ninkii barakaysnaa ku yiri neefkii ariga: ”is duuduub” oo sidaadii hore noqo, isla markiiba candhadii ayaa sideedii hore noqotay. Markay arrintu halkaa mareyso ayaa waxaan ku iri ninkii barakeysnaa: ”waxaad i bartaa ereyadii aad tiri”. Wuxuu igu yiri, waxaad tahay wiil wax la baray.

Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Ninkii la barakeeyay ee aan ka soo hadalnay wuxuu ahaa Rasuulka (scw) oo sameeyay falkaas mucjiso, ninkii la socdayna wuxuu ahaa Abiibakar Assidiiq. Maalintaas ay ka baxayeen magaallada Makka golaheeda waxaa sabab u ahaa iyagoo ka cararay gaaladii Qureysh rafaadkii ay u gaysatay xumaantiisa iyo dhibaatooyinkii darnaa ee ay la maageen iyaga.

Sidii uu wiilkii yaraa uu u jeclaaday Rasuulka iyo saaxiibkiisa, ayaa misna Rasuulka (scw) iyo siixiibkiisaba u jeclaadeen wiilkii yaraa, iyagoo aad ula dhacay amaano wanaagiisa iyo go’aankiisii adkaa, waxayna ku ogaadeen inuu yahay wiil kheyr qaba.

Kama soo wareegan muddo dheer jeer uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud durbadiiba ka islaamo, wuxuuna naftiisa u bandhigay inuu u adeego Rasuulka, isagoo Rasuulkana (scw) ka ogolaaday arrinkaa.

Cabdullaahi Binu Mascuud oo soo islaamaya

Maalintaa wixii ka danbeeyay, wuxuu wiilkii nasiibka badnaa ka gudbay shaqadii foofinta arriga, isagoo noqday adeegaha inta uu Eebbe (sw) abuuray sayidkooda. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu naftiisa ku laasimiyay ag joogidda Rasuulka (scw) sida qofka iyo harkiisaba aynan u kala harin.

Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo, marka uu gurigiisa joogo iyo marka uu socotada yahayba. Wuu toosin jiray haddii uu seexdo, marka uu Rasuulka (scw) qubeysanayana wuu asturi jiray. Kabaha ayuu u gelin jiray, kolka uu Rasuulka (scw) doono inuu baxo, sidoo kalena kabaha ayuu ka bixin jiray kolka uu doono inuu aqalka soo galo.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu Rasuulka (scw) u qaadi jiray cadeyga iyo usha, qolka uu doonayo inuu galana isagaa ku hormari jiray kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin.

Wuxuu ku barbaaray gurigii Nebiga (scw), wuxuuna noqday xooghayihii sirta Nebiga

Rasuulka (scw) aad ayuu u jeclaan jiray Cabdullaahi Ibnu Mascuud, wuxuuna u fasaxay inuu u soo galo xilligii uu Cabdullaahi jeclaysto, wuxuu kaloo Rasuulka (scw) u fasaxay inuu is-dul-istaago siraha Nebiga (scw), isagoo uusan Rasuulka arrinkaa dhibsan, dhinaca kalena aan ka cabsan Cabdullahi inay arrintaas wax denbi ah kaga timaaddo, jeer maalintii danbe looga bixiyay xooghayihii sirta Nebiga (scw).

Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu ku barbaaray gurigii Rasuulka (scw), wuxuu qaatay hanuunkii Rasuulka (scw), sidoo kalena wuxuu ka akhlaaq qaatay sifooyinkii suubanaa ee Rasuulka (scw), wuxuu Rasuulka kaga dayday dhammaan astaamihiisii wanaagsanaa, ilaa laga yiraahdo: ”Cabdullaahi wuxuu aad ugu eg yahay Rasuulka (scw) xagga hanuunka iyo xagga muuqaalkaba”.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu ka soo baxay madrasadii Rasuulka (scw), wuxuuna ka mid ahaa saxaabada kuwooda ugu aqoonta badan xagga aqriska wacan ee qur’aanka, wuxuu kaloo ahaa saxaabada kuwooda ugu fahmada badan xagga macnaha qur’aanka, dhinaca kalena ugu aqoonta badan ula jeeddada loo soo dejiyay shareecada Islaamka.

Waxaana arrimahan noo caddeynaya sheekadii ninkii qaabilay Cumar Binu Khadaab (rc) isagoo istaagan Carafa, wuxuuna ku yiri: ”waxaan ka imid -amiirkii mu’miniintoow-magaallada Kuufa, waxaana magaallada uga soo tagay nin misxafyada dadka kor ahaan uga yeerinaya (isagoo aanan eegin misxafka).

Cumar ayaa si siyaado leh uga carooday hadalkii, wuxuuna yiri: ”waa kuma ninkaas?!”. Ninkii ayaa wuxuu yiri ninkaas waa Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Markii uu Cumar maqlay hadalkan, waxaa dentay caradiisii, wuxuuna ku soo laabtay xaaladdii uu markii hore ku sugnaa, dabadeedna wuxuu Cumar yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye, garan maayo inuu jiro qof Cabdullaahi Binu Mascuud kaga xaqnimo badan inuu qur’aanka dusha ka aqriyo, arrinkaasna sheeko ayaan ka hayaa.

Cumar hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu yiri:”Rasuulka Alle (scw) ayaa wuxuu habeyn ku fiidsanayay guriga Abuubakar (rc), waxayna ka wada xaajoonayeen danaha muslimiinta, markaas iyada ahaydna waan la joogay. Rasuulka (scw) ayaa baxay, dabadeedna waan ka daba baxnay. Isla markiiba waxaan la kulanay nin salaad u taagan, kaasoo aanan garan kuu yahay.

Rasuulka (scw) ayaa istaagay isagoo dhageysanaya ninkii tukanayay, ka dibna innaga ayuu na soo jileecay isagoo Rasuulka (scw) leh: ” Qofkii jecel inuu aqriyo qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u soo degay oo kale, ha u aqriyo akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu Mascuude)”, intaa ka dib Cabdullaahi Binu Mascuud wuu fariistay isagoo duceysanaya, Rasuulkuna (scw) uu ku leeyahay: ”weydiiso waa lagu siine….weydiiso waa lagu siine”. Cumar ayaa wuxuu yiri, waxaan naftayda ku iri wallaahi inaan ku kallihi doono berito Cabdullaahi Binu Mascuud si aan ugu bishaareeyo aamiinta Rasuulka (scw) ee uu ducadiisa u yiri (ducada Nebigana waa la ajiibaa).

Subixii markii la gaaray, waxaan ku kallahay Cabdullaahi Binu Mascuud, waana u bishaareeyay, hase ahaatee waxaan ogaaday inuu Abuubakar iigaga hormaray bishaareenta. Sidaas ayeey asxaabta ugu tartami jireen sameynta falalka wanaagsan,.

Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya sidii uu Abuubakar ugu dadaali jiray u tartamidda camal falka kheyrka wuxuu yiri: ”wallaahi ayaan ku dhaartaye weligeey Abuubakar kheyrka ulama tartamin illaa wuu iga badin jiray”.

Aqoontii xeesha dheereed ee Cabdullaahi Binu Mascuud

Cilmiga Cabdullaahi Binu Mascuud ee la xiriira aqoonta kitaabka Alle wuxuu gaaray inuu naftiisa ku oran jiray:”Ilaaha xaqa ah ayaan ku dhaaranayaaye, ma soo degin aayad qur’aan ah illaa haddey jirto waxaan ogahay halka ay ku soo degtay, waxaan kaloo ogahay sababta ay ku soo degtay, haddii aan ogahay inuu jiro qof qur’aanka iga yaqaana oo ay suurtagal tahay inaan u tago waan u tagi lahaa”.

Hadalkan uu Cabdullaahi Binu Mascuud yiri ma ahayn mid uu si ka bad-badin ahaan uu u leeyahay, oo waaba kan Cumar Binu Khadaab (rc) oo la kulmay dad socoto ah isagoo safar ku jira, iyadoo habeenka mugdigiisana uu qarinayo aragtida dadka. Dadkii socotada ahaa ee ay Cumar iska hor yimaadeen ayaa waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Mascuud (rc).

Cumar ayaa wuxuu amray nin si uu ugu dhawaaqo dadkaas socotada ah, ninkii ayaa isagoo dadkii socotada ahaa u dhawaaqaya yiri: ”inteed ka timaadeen?. Cabdullaahi ayaa si is qarin ahaan ugu jawaabay isagoo leh: ”dooxada fog”. Cumar ayaa weydiiyay dadkii socotadaa ahaa, isagoo leh: ”inteed u soctaan?”.

Cabdullaahi Binu Mascuud oo jawaabaya ayaa yiri: ”gurigii gaboobay (kacbada)”. Cumar ayaa wuxuu dadkii la socday ku yiri, dadkani waxaa ku jira caalim ah…, wuxuuna amray nin kale in su’aalo diineed la weydiiyo.

Nin ayaa dhawaaqay isagoo su’aashan weydiinaya: ”qur’aanka aayadee ugu weyn?”. Cabdullaahi ayaa ugu jawaabay aayadda magaceeda la yiraahdo aayatul-kursi-, uuna Alle ku leeyahay: ”Alle Ilaah aan isaga ahayn ma jiro, waana Ilaaha nool, makhluuqaadkana maamula.

Ma qabato lulmo iyo hurdo toona, waxaa u sugnaaday waxa ku sugan cirarka iyo dhulka….. (aayadda 254, suuradda al-baqara)”. Ninkii ayaa mar labaad weydiiyay su’aal kale, wuxuuna yiri: ”qur’aanka aayadee ugu xikmad badan?”

Cabdullaahi ayaa yiri waa aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Eebe wuxuu farayaa caddaalad, samafal iyo qaraabada wax siintooda, wuxuuna Eebbe reebi xumaan, munkar iyo gardarro, wuu idin waaninayaa si aad u xasuusataan” (aayadda 90, suurada Al-naxl).

Cumar ayaa misna ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu kulmin badan, wuxuuna Cabdullaahi yiri aayadda uu Alle ku leeyahay: ”ruuxii wax yar oo kheyr fala wuu arki, ruuxiise wax yar oo shar sameeyana wuu arki” (aayadaha 7-8, suuradda Az-zalzalah). Cumar ayaa haddana ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu cabsida badan.

Cabdullaahi ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: ”arrinku ma ahan sida aad yididdiilanaysaan iyo sida ay yididdiilanayaan ahlu-kitaabka midna, ruuxii sameeya xumaan waa laga abaal marin, mana helayo Eebbe sokodiis wali iyo gargaare toona” (aayadda 123, suuradda Annisaa.).

Cumar ayaa ninkii ku yiri, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu rajada badan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: ”Nebiyoow waxaad ku tiraahdaa addoomadayda ku xad gudbay naftooda ha ka quusanina naxariista Eebbe, Eebbe waa kan dhaafa denbiyada dhammaantood, waana danbi dhaafbadane weliba naxariis badan” (aayadda 53, suuradda Az-zumar).

Cumar Binu Khadaab oo aad u jeclaystay ninkii su’aalaha ka jawaabayay, ayaa wuxuu dadkii socotada weydiiyay su’aashan: ”ma waxaa idinla socda Cabdullaahi Ibnu Mascuud?!”.

Dadkii socotada ahaa ayaa yiri haa oo waxaa nala socda Cabdullaahi, isaga ayuuna ahaa qofkii su’aalaha ka jawaabayay. Cilmiga xeesha dheer, cibaado badnida iyo adduunyo naceybka Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxaa weheliyay oo intaas u dheereed isagoo ahaa geesi halyeey ah, lehna go’aan adag, wacdarro la yaab leh la soo baxa markay xaaladdu qadhaadhaato.

Wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahra aqriska qur’aanka

Waxaa taas ku deeqsiinaya, inuu Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahray aqriska qur’aanka Rasuulka Alle (scw) gadaashiis, iyadoo ay gaaladii qureyshna ay arkayaan.

Maalin ayaa waxaa magaallada Makka ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw) -wakhtigaasna waxay ahaayeen kuwo aan awood lahayn oo tiro yar – waxay is yiraahdeen, wallaahi gaaladii qureysh weli ma aynan maqlin iyadoo qur’aanka kor ahaan loo aqrinayo, ee yaa maanta intuu baxo qureysh maqashiinaya qur’aanka!?.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri annigaa maqashiinaya qur’aanka. Saxaabadii ayaa ku yiri, adiga qureysh waan kaaga baqaynaa, ee waxaan doonaynaa nin ay tolkiisa ay meesha joogaan, kuwaasoo ilaaliya oo ka qabta haddey xummaan la doonaan.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri, anniga ii dhaafa kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa shartooda iga reebaya ina ilaalinaya.

Goor barqin subax ah ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo kallahay masjidkii Xaramka ilaa uu ka yimaado goobta maqaamkii Nebi Ibraahim (cs), markaas iyada ahna ay gaaladii qureyshna ay fadhiyaan Kacbada hareeraheeda. Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan.

Qureysh ayaa dhageysatay qur’aanka, waxayna yiraahdeen, muxuu leeyahay kii ina Ummu Cabdi ahaa, habaar ha ku dhacee?! Qaar ka mid ah gaaladii qureysh ayaa yiri, wuxuu aqrinayaa qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi Muxammad ee qur’aanka ah.

Gaaladii ma aynan sugin inta uu ka dhameenayo aqriska qur’aanka’e, way ku soo qamaameen waxayna bilaabeen inay ka garaacaan wejiga weliba isagoo aqrinaya qur’aanka ilaa uu ka gaaray aqriskii qur’aanka intii uu Eebbe ka doono inuu aqriyo. Dabadeedna wuxuu u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yiri, sidan ayaan kaaga cabsanaynay.

Cabdullaahi ayaa yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle iyaga ayaa hadda iga tabardaran anniga, haddaad doontaana berito ayaan sidan oo kale ugula kallahayaa. Asxaabtii ayaa Cabdullaahi ku yiri, maya, intaas ayaa kuugu filan, waxaana xaqiiqo ah inaad maqashiisay waxay dhibsadaan.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, kolkii uu bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u yimid Cusmaan Binu Cafaan, wuxuuna ku yiri: ”maxaad ka sheegaynaysaa?”

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: ”denbigayga ayaan ka sheeganayaa”.

Cusmaan Binu Cafaan: ”maxaad u baahan tahay?”

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: ”Naxariista Rabbigay”.

Cusmaan Binu Cafaan: ”mushaarkii aad sannado kahor diiday inaad qaadato ma kuu amraa in lagu siiyo?”

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: ”uma baahni mushaarkaas”

Cusmaan Binu Cafaan: ”haddaba, gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga gadaashaa”

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray inay habeen kasta aqriyaan suuradda Al-waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii aqriya habeen kasta suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii”

Markii la gaaray habeenkii, ruuxdii Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxay haleeshay saaxiibkii sareeyay (Ilaah), isagoo carabkiisana ka qoyan yahay xuska Alle, waa qur’aanka’e. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Cabdullaahi Ibnu Mascuud, innagana nagu sugo wadiiqadii suubanaha Rasuulka Muxammad (scw) iyo saxaabada intuba aamiin.

Faldan Share Dheh Oo Gaarsii Walaalaha Soomaaliyeed.

Qore: Ibraahim Saalax Aaden


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply