fb

Xikmado Ku Saabsan Jaceylka:- Xushmad La’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel La’aan, Jaceylku Waa Caajis…

Published: March 18, 2014, 12:01 am

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bogga Kobciye.com nala wadaaga shantan qoddob oo ah kuwa lagu kasban karo Jecelkaaga.

1. Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

2. Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficilo si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya. Jaceylku waa ficil.

3. Dadka xusuusta gaarka ah ku reeba noloshaada waa dadka ku jeclaaday xilli aadan ahayn qof la jeclaan karo, jaceylkana waxba ka aqoon.

4. Qof wuxuu si rasmi ah kuu jecel yahay marki ay murugo u tahay inuu ku waayo, shaqadiisuna tahay inuu ku daryeelo, noloshiisana tahay inuu ku jeclaado.

5. Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo.

W/Q: Farah Cawaash


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply