fb

Waxyaabaha U Horseeda Ruuxa In Uu Noqdo Qof Wax Soo Saar Badan “Horumarka Shaqsiga”.

Published: March 15, 2014, 1:40 pm

Wax soo saark shaqada iyo kartida aad leedahay ayaa ah waxa qayb wayn ka qaata hawada aad neefsanayso iyo kulaylka meesha aad ka shaqaynayso.

Shirkada la yiraa PH ayaa baaritaan ku samaysay si ay u ogaato waxa kor u qaadaya wax soo saarka shaqaalaha wadanka Sweden.

Hadii aad moodayso in amaan, isku shaandhaynta shaqaalaha iyo “feedback” talo siin ay kor u qaadayaan wax soosaarka sidaa maaha arinku. balse xaqiiqdu ay tahay in ay hawada uu neefsanayo ee ku jirta meesha uu qofku ka shaqaynayo tahay waxyaalaha ugu muhiimsan ee kor u qaadaya wax soosaarka shaqaalaha.

Shirkad la yiraa Cint oo baaritaan ku samaysa suuqa shaqada ayaa baaritaan ay u samaysay shirkada HP ku waraysatay 300 oo qof. Waxa ayna waydiisay waxa ugu muhiimsan ee kor u qaadi kara wax soosaarkooda.
Dadkii la waraystay maa aysan dhihin waxa kor u qaadaya wax soo saarkayaga sida naloola dhaqmo iyo waqti badan oo aan shaqayno, laakiin in aan helo kaffe kulul oo hada la kariyay, geedo badan oo ubax ah, sida meesha loo goglay iyo fursada ay u heli karaan tababar jimicsi.

Waxa ay shaqaaluhu boqolkiiba 90 ku tilmaameen hawada iyo cimilada meesha laga shaqaynayo in ay tahay ta ugu muhiimsan. Hore ayaa waxa baaritaano la sameeyay lagu sheegay in dadka ku nool waqooyiga Yurub uu wax soo saarkoodu ugu fiican yahay marka ay ku shaqaynayaa meel cimiladeedu tahay inta u dhexaysa 18 – 20 digrii, hadii uu kulaylkuna ka saro maro 27 digrii uu wax soosaarku hoos ugu dhacayo boqlkiiba 50.

Waxa kale oo wax soosaarka aad ugu muhiim ah, kaalinta labaadna galay burka iyo shaaha subaxdii, laga helayo meesha laga shaqaynayo, kaalinta sedexaadna waxa galay wada shaqaaynta shaqaalaha, kaalinta afaraadna waxa galay kafee ama qaxwo kulul oo markaa la sameeyay. Intaa waxii ka dambeeya ayaa noqonaya sida meesha loo qurxiyo, biyo qabow oo nadiif ah, dhirta ubaxa ee meesha taal iyo waqti la qaadashada asxaabta shaqada ka dib.

Waxa hore soomaalidu waxey tiraahda   balan habeen  kac arooryo ayuu leeyahay” oo ah in qofka qorshaysta habeenkii waxa uu maalinta  qabanayo uu u tooso dadntiisa. Taasina ay dhaxalsiiso horumar.

Takale hadii aad tahay qof hore u toosa aroor walba , marka uu toosana aad u firfircoon ayaa waxa aad ka dadaal badnaanaysaa kuwa dhabanka ku sii dhejiya sariirta.

Dadka aad u fir fircoon waaberiga ayaa ah kuwo hela shaqooyin heer sare ah, lehna shirkado waaweyn marka loo eego kuwa jecel in ay subaxdii sii jiifaan. Mana aha oo kaliya in ay yihiin kuwo haleelaya shaqada u taala, horena u dhameeya,  balse ay yihiin kuwo dadaal badan sameeya. Waana kuwa doonaya in ay wax kaga bedalaan dadaalkooda nolosha iyo meesha ay degan yihiin.

Sida uu sheegay profesarka u dhashay Jarmalka ee la yiraa Cristoph Randler ayaa dadka subaxdii frifircoon waxa ay waxbarashada ka gaadhaan heer sare, kana qaataan shahaadooyin sarsare. Mar hadii ay yihiin kuwo sii og wax soo socda oo ka sii tashta, qorshana ka sii sameysta si ay u xaliyaan arimaha la soo gudboonaada ayaa waxa ay noqdaan kuwo had iyo jeer guulaysta.

Faraqa u dhexeeya dadka habeenkii firfircoon iyo kuwa subaxdii firfircoon ayaa ah dadka subaxdii firfircoon in ay subax walba toosaan waqti isku mid ah, halka kuwa habeenkii firfircoona ay jecelyihiin in ay sii hurdaan arooryada ay fasaxa yihiin.

balse waxba ha ka xumaan hadii aad tahay mid habeenkii firfircoon. Daraasada badan ayaa waxa lagu ogaaday in dadka habeenkii firfircoon ay yihiin kuwo caqli badan, kana halabuur iyo farxad badan kuwa subaxdii firfircoon.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply