fb

Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka derbiga ee Manchester United vs Liverpool.

Published: March 16, 2014, 9:20 am

Man United ayaa garoonkeeda ku soo dhaweyneysa toddobaadkan laba kulan oo natiijo wanaagsan ay ugu fadhiyaan jamaahiirtooda, kan hore waa Liverpool oo ay la ciyaarayaan Premier league iyo kan Olympiakos oo ay Arbacada kula ciyaarayaan lugta labaad ee Champions league.

Man United waxaa dhaawac ugu maqnaanaya Javier Hernandez iyo Jonny Evans, dhanka Liverpool iyagana waxaa ka dhaawacan Jose Enrique iyo Sebastian Coates.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Manchester United ayaa badisay siddeed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier league garoonkeeda ay kula ciyaartay Liverpool, waxaa laga badiyay hal jeer, siddeedna iyadaa ayaa ka badisay Reds ma jirin wax barbaro ah.

Daniel Sturridge ayaa gool ka dhalinayay Man United labadii ciyaar ee ugu dambeeyay oo dhexmaray Red Devils iyo Reds horyaalka Premier league.

Robin van Persie ayaa lix gool ka dhaliyay Liverpool toddobadii ciyaar ee ugu dambeeyay uu ka soo bilowday garoonka.

Liverpool ayaa dhalisay xagaagan qeybta hore ee ciyaarta 47 gool oo Premier league ah waxaa ay hal gool dheer tahay Man United inta gool ee iyagana qeybta hore ay ku dhaliyeen.

Kulanka kooxahan Man United iyo Liverpool ku dhexmaray Premier league ayaa waxaa lagu bixiyay 14-kaarka guduudka ama roose, waxaa ay lix ka hooseeyaan kulanka Everton iyo Liverpool oo lagu bixiyay 20 roose ah.

Kaliya kooxda Arsenal ayaa shabaqeeda ka ilaashatay Liverpool 14-kii kulan ee Premier league oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Liverpool ayaa lagu abaalmariyay rogoorayaasha ugu badan kooxaha Premier league xagaagan taas oo ah toddobo rigoore.

Manchester United loogama dhigan rigoore iyadoo lagu ciyaarayo Old Trafford Premier league tan iyo 31-ka bishii December 2011, markaas oo Blackburn Rovers loo dhigay gool kulaad.

Man United ayaa badisay afartii ciyaar ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Liverpool.

Sidoo kale Man United ayaa wada badisay lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Liverpool ha ahaato Premier league ama koobab kale, waxaana ciyaar kasta ay ku badineysay (3-2, 2-1 ama 1-0).

Kaliya labo ciyaar oo ka mid ah 27 –kulan ee ugu dambeeyay oo dhexmaray kooxahan horyaalka ayaa ku dhammaaday barbaro, markii ugu dambeysay ee kooxahan dhibco ay ku kala qeybsadaan garoonka Old Trafford waxaa ay aheyd bishii March sanadkii 2000.

Liverpool ayaa 4-1 ugu soo badisay Man United Old Trafford bishii March 2009-kii, taas oo aheyd guusha kaliya ee ay ku soo helaan halkaas ugu badnaan mudo tobban sano ah.

Robin van Persie ayaa lagu wadaa inuu safto kulankiisii 250-aad ee horyaalka Premier league.

Reds ayaa guuldarro la’aan ah sagaal kulan oo Premier league ah, toddobo ka mid ah waa ay badisay sagaalkaas.

Kaddib 28 kulan Premier league oo la ciyaaraya Liverpool ayaa ah kooxda goolasha ugu badan dhalisay waana 73-gool, waxa ay afar gool dheer yihiin Man City oo dhalisay xagaagan 69-gool oo Premier league ah.

Kulankan waxaa ka soo muuqanaya saddex ciyaaryahan oo si toos ugu lug lahaa goolasha ugu badan ee xagaagan laga dhaliyay Premier league, walibana caawiyayaal ah, waxaa ay kala yihiin Suarez, Sturridge iyo Rooney.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Manchester United vs Liverpool

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Mark Clattenburg

Maalinta: Axad

Saacadda: 4:30 galabnimo geeska Afrika

Taariikhda: 16/03/2014

Natiijada shantii ciyaar ee ugu dambeeyay kooxahan:-

England – Capital One Cup(League Cup) ‎(CCUP)‎ Sep 25, 2013 Man Utd. 1 – Liverpool 0

England – Premier League ‎(EPL)‎ Sep 1, 2013 Liverpool 1 – Man Utd. 0

England – Premier League ‎(EPL)‎ Jan 13, 2013 Man Utd. 2 – Liverpool 1

England – Premier League ‎(EPL)‎ Sep 23, 2012 Liverpool 1 – Man Utd. 2

England – Premier League ‎(EPL)‎ Feb 11, 2012 Man Utd. 2 – Liverpool 1

W/D: Maxamed Qadar Ibraahim Daahir


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply