fb

Wax Badan Ka Baro Halista Uu Leeyahay Maandooriyaha Sunta Cagaaran Ee Qaadka

Published: March 15, 2014, 4:29 pm

Qaadku waa Geed ka baxa dhulal kala duwan,waana Geed muuqaalkiisu u eegyahay cagaar-hurdi mararka qaarna cagaar-doog u eg,waana geed inta badan ka baxa Wadamada bariga Africa qaar ka mid ah,Yemen iyo meello kale sida Afghanistan,Waxa laga yaabaa hadaad aragto Qaadka bidhaantiisa oo kaliya uusan ku cajab galin foolxumadiisa awadeed,waana shay aan arag lahayn oo aan indhaha u roonayn.qofka iibiya ama ka ganacsada waxa la yiraahdaa: QAADLE  qofka isticmaalana waxa la yidhaahdaa MUQAYIL wixii intaas ka sii hooseeyaana way ka sii liitaan magac ahaan,macno ahaan iyo maqaam ahaanba.

Culimada caafimaadku waxay sheegeen Qaadka in ay jiraan maadooyin kiimikaad oo halis galiyaan habka wareega dhiiga,neerfaha,hab dhiska dheef-shiidka iyo saameyn xooggan oo ay ku yeeshaan xididada maskaxda. Maadada inta badan la sheego in ay sababto waxa ay ku sheegaan MARQAAN(waalli) ayaa lagu sheegaa in ay tahay ta loo yaqaano (Cathinon).. hadaba marka la marqaamo maxaa la dareemaa amma qofku siduu noqdaa?

Aan tusaale u soo qaadano nin kan oo yiri “waan shaqaynayay isla mar ahaantaana waan qayilayay kadibna anigoo marqaansan ayaan kacay oo aan doontay suuli ku taalo goobta shaqada ama (public toilet) wuxuu yiri markii aan albaabka ka soo galay suulidii ayaa indhahaygu waxay qabanayeen dad badan oo meesha ku sugan,anigoo marqaankii ku mashquulsan maskaxdayduna kala shaandhaynayso mashquul iyo waxyaabo badan oo isku mar  kulmayo ayaan doonay ayuu yiri in aan gallo suulig ayaa intii aanan galin marka aan dhex marayo ayuu yiri meeshii biyaha aan ka qaadan lahaa ayaa waxa dhacday aniga oo aan is ogayn ayaan mar kaliya arkay ayuu dadkii meesha ku sugnaa oo ila yaaban!!

Ka dib ayaan hoos isku fiiriyay mise waaban is qaawiyay oo halkii aan biyaha ka qaadan lahaa ayaan surwaalkii aan xirnaa iska bixiyay banaanka!!  u fiirso halkan,mawjadihii iska hor imanaye ee mashquulka ahaa ayaa dareenkiisii ka dhigay mid aan kala garan waxa uu sameynayo.

Marqaanka oo ah nooc waali oo kale ah,kaas oo qofka ku ridaya in uu mashquullo maskaxdiisuna soo dayso hormones xawli ah oo khal khal ku ridaya miyirka qofka daciifinayana dareenkiisa. Waxkastoo ka dhasha isticmaalka caleenta Qaadka waxaan ku tilmaami karnaa qaxar iyo foolxumo,dadka isticmaala geedkaasna waxa in badan lagu arkaa waxyaabo aad u cajiib badan ,waxyaabahaas qaarkood oo in aad rumaysato ay kugu adkaanayso, hadaba inta badan dadka Qaadka cuna oo lagu arko wax a ka mid ah waswaaska(shakiga) dadka aqoonta u leh dhibaatooyinka qaadkana waxay sheegaan shakigu in uu ka mid yahay calaamadaha lagu garto qofka Muqayilka ah!.

Waxa kale oo shakiga had iyo jeer bar bar socda wal wal iyo degenaan la’aan qofka laga dareemo,sidoo kale waxa iyaduna jirta in uu noqonayo qofka qabatima cunista Qaadku,mid ay ku yaryihiin,dulqaadka,hubsashada iyo xasuusta hadaan ka sii warrano dhibaatada Qaadka,waxyaabaha dhaawaca nafsaaniga ah kugu ridaya waxa ka mid ah markaad si buuxda ugu kuur-gasho waxa ka dhasha caadaysiga iyo isticmaalka joogtada ah ee Geedkan. Illaahay (subxaanahu wa tacaalaa) fadligiisa waxa ka mid ah in uu Basharka ku galladaystay Nicmooyin fara badan,waxaana ka mid ah; caqliga,cilmiga iyo garashada uu kaga duwan yahay dadka kale,

Dhibaatooyinkaas waxa ka mid ah maskaxda oo uu khal khal ku abuuro,mid nafsaani ah oo qofka u horseeda waalli iyo kuwo kale oo badan. Markaan si dhab ah ugu kuur galnay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee uu gaysto qaadku waxyaabihii noo soo baxay waxa ka mid ah:- dadka isticmaala qaadku dhammaan waxay ka siman yihiin aragti qarracan ah oo wajigooda ka muuqata iyo dareen naxariistu ku yar tahay oo laga dheehan karo muuqaalkooda kore,

dadka Qaadka isticmaalaa uu had iyo jeer maskixiyan u yahay mid wal walsan  oo aan degenayn,isla mar ahaantaana ay ku yaryihiin calaamadaha xasiloonida nolosha oo dhan. Waana wax iska cad in qaadku uu qofka markiiba ku yeesho saameyn maskaxeed oo ilaa xad uu noqonayo mid markasta miyirkiisu aanu dheelitirnayn dhanka nafsadana maadaama uu qaadku qofka ka qaado dhawr shay oo marka hore caadiyan iskaaba sida;wakhtiga,hurdada,cuntada iyo dhaqdhaqaaqa caadiga ah,waxa markiiba qofka si tartiib-tartiib ah uga suuliya waaxyo dhan oo sabab u noqon lahaa in ay noloshiisu caadi noqoto.

sidoo kale qofku marka uu qaad cuno ma hello hurdo si uu caafimaadkiisu iskugu dheellitirmo  marka uu hurdo waayo waxa uu lumiyaa tamartii iyo dareenkii caafimaad ee saxda ahaa ka dibna wuxuu noqdaa mid caajis,caro iyo daal fara badani dul dego.

islamar ahaantana qofka marka uu noqdo mid qaadka si joogto ah u isticmaala wuxuu ka go’aa cuntada iyo waxyaabaha nafta u keena nafaqada iyo energy-ga ka dibna waxa ku adkaata qofka in uu hawlihiisa gutto,sida in uu shaqaysto,cibaadaysto amma dadka la qaybsado meertada nolosha.

Isku xirka guud iyo saameynta uu  jiritaanka nolasha  bulshada ku leeyahay qaadku waxay caddaynaysaa wax badan oo la yaraysanayay waxyeelada geedkaasi in ay maanta ka dhigtay magaciisa wax iska caadi ah,halka khasaarihiisana aan ku qiyaasi karno kan ugu daran ee haysta dadka Soomaaliyeed maanta.

Sababtuna waxay tahay,maadaama laga horumaro maskaxda,cilmiga iyo baraarugsanaanta,geedkaana waxa uu noqday ka dumiyay baabi’iyayna wax kasta oo ay bulshada ku dheefsan laheyd oo ay horumar ku gaari lahaayeen sidaas ayuuna ku noqday kii sababay silica iyo curyaanimada dalkeena sidaas awgeed, dhammaan dadka Soomaaliyeed ayay tahay in ay indhaha u kala furaan kuna arkaan waxyeelada aan xadka lahayn ee uu u gaystay dadka Geedkani,waxaana hubaal ah hadii sida uu hadda xaalku yahay uun lagu sii socdo in la arki doono waxyaabo ka waynaada qiyaasta iyo cabirka Maskaxda Bani’aadamka oo ka dhasha isticmaalka Maan-dooriyahan dhibta badan.

maalin walba u baahan yahay aduun iyo lacag uu ku gato qofka cuna. Waxaan leenahay sharafta qofka markay ay timaado ma jiro hal dhibic oo u baaqi noqonaysa qofka cuna qaadka sababtuna waxay tahay muqayilka markiisa horeba waa hawl-gab,waxaana hawl-gab ka dhigay soo-jeedka habeenkii ah masuuliyad-darro reerkiisa iyo naftiisa ah,wax-qabad la’aan muranka iyo macno darrada oo camal u ah iyo cibaado la’aan oo ah tan ugu daran. Waa tan uuAbshir Bacadle lahaa illaah ha u naxariistee:

Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh,
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh

Dhanka wakhtiga hadaan ka hadalno wakhtigu sidiisaba waa nimco uu Allaah bixiyo qofka wakhti haystana waxa kaliya la gudboon in uu dhanka wanaagsan uga faa’idaysto maadaama uu fursad haysto fursaduna aanay mar walba joogayn, waxa aad u nasiib darro ah dad Illaahay wakhti siiyay oo wakhtigoodii dhammaantiis ku bixinaya in ay Qaad cunaan,waana wax macruuf ah dadka qaadka cuna waxay ugu jecel yihiin in ay wakhti u hellaan maalaayacni, hawaawi iyo huuhaa ku fadhiyaan iyagoo madadaalo ka dhiganaya waxa meeqaankan leh.

Waxa sidoo kale aad looga war hayaa wax kasta oo uu qofku ka faa’idaysan lahaaba in uu seejinayo,wuxuu qaadku keenaa qasaaraha ugu badan ee burburka reeraha,ka dhaqaalaha,ka caafimaadka,ka wax-tarka iyo wax kasta oo qofka anfici lahaa.

hadaba waxaan  ku soo gaba gabayn lahaa; walaalaha uu qaatay qaadka  in Ilaahay subxaana wa tacaalaa loo baryo in uu ka xoreeyo cadawga nafahooda ku habsaday,in qof kasta oo aaminsan in uu yahay wax iska caadi ah oo la sameyn karo looga digo,in dadka lagu baraarujiyo laysna tuso  in uu yahay wax nusqaan ah oo aan u qalmin Bani’aadamka ay sharaftiisu sarreyso iyo in aynaan marnaba ilaawin geedkaasi in uu yahay macsi sidaasi awgeed aan la dhayalsan khatartiisa oo markasta taas maanka lagu hayo,

Allaahna subxaanahu wa tacaalaa umadeena ha ka daweeyo geedkan wax kasta kharibaya ee dhibaatada badan, Allaah dhammaanteen ha na tusiyo xumaantiisa hana inoogu bedelo wax khayr leh. Aamiin yaa Rabi.

Qaadku waa Geed ka baxa dhulal kala duwan,waana Geed muuqaalkiisu u eegyahay cagaar-hurdi mararka qaarna cagaar-doog u eeg,waana geed inta badan ka baxa Wadamada bariga Africa qaar ka mid ah,Yemen iyo meello kale sida Afghanistan sida la sheego.Waxa laga yaabaa hadaad aragto Qaadka bidhaantiisa oo kaliya,in ay  kuugu uusan ku cajab galin foolxumadiisa awadeed,waana shay aan arag lahayn oo aan indhaha u roonayn.qofka iibiya ama ka ganacsada waxa la yiraahdaa: QAADLE  qofka isticmaalana waxa la yidhaahdaa MUQAYIL wixii intaas ka sii hooseeyaana way ka sii liitaan magac ahaan,macno ahaan iyo maqaam ahaanba.

Culimada caafimaadku waxay sheegeen Qaadka in ay jiraan maadooyin kiimikaad oo halis galiyaan habka wareega dhiiga,neerfaha,habka dheef-shiidka iyo saameyn xooggan oo ay ku yeeshaan xididada maskaxda. Maadada inta badan la sheego in ay sababto waxa ay ku sheegaan MARQAAN(waalli) ayaa lagu sheegaa in ay tahay ta loo yaqaano (Cathinon).. hadaba marka la marqaamo maxaa la dareemaa amma qofku siduu noqdaa?

Aan tusaale u soo qaadano nin kan oo yiri “waan shaqaynayay isla mar ahaantaana waan qayilayay kadibna anigoo marqaansan ayaan kacay oo aan doontay suuli ku taalo goobta shaqada ama (public toilet) wuxuu yiri markii aan albaabka ka soo galay suulidii ayaa indhahaygu waxay qabanayeen dad badan oo meesha ku sugan,anigoo marqaankii ku mashquulsan maskaxdayduna kala shaandhaynayso mashquul iyo waxyaabo badan oo isku mar  kulmayo ayaan doonay ayuu yiri in aan gallo suulig ayaa intii aanan galin marka aan dhex marayo ayuu yiri meeshii biyaha aan ka qaadan lahaa ayaa waxa dhacday aniga oo aan is ogayn ayaan mar kaliya arkay ayuu dadkii meesha ku sugnaa oo ila yaaban!!

Ka dib ayaan hoos isku fiiriyay mise waaban is qaawiyay oo halkii aan biyaha ka qaadan lahaa ayaan surwaalkii aan xirnaa iska bixiyay banaanka!!  u fiirso halkan,mawjadihii iska hor imanaye ee mashquulka ahaa ayaa dareenkiisii ka dhigay mid aan kala garan waxa uu sameynayo.

Marqaanka oo ah nooc waali oo kale ah,kaas oo qofka ku ridaya in uu mashquullo maskaxdiisuna soo dayso hormones xawli ah oo khal khal ku ridaya miyirka qofka daciifinayana dareenkiisa. Waxkastoo ka dhasha isticmaalka caleenta Qaadka waxaan ku tilmaami karnaa qaxar iyo foolxumo,dadka isticmaala geedkaasna waxa in badan lagu arkaa waxyaabo aad u cajiib badan,waxyaabahaas qaarkood oo in aad rumaysato ay kugu adkaanayso, hadaba inta badan dadka Qaadka cuna oo lagu arko wax a ka mid ah waswaaska(shakiga) dadka aqoonta u leh dhibaatooyinka qaadkana waxay sheegaan shakigu in uu ka mid yahay calaamadaha lagu garto qofka Muqayilka ah!.

Waxa kale oo shakiga had iyo jeer bar bar socda wal wal iyo degenaan la’aan qofka laga dareemo,sidoo kale waxa iyaduna jirta in uu noqonayo qofka qabatima cunista Qaadku,mid ay ku yaryihiin,dulqaadka,hubsashada iyo xasuusta hadaan ka sii warrano dhibaatada Qaadka,waxyaabaha dhaawaca nafsaaniga ah kugu ridaya waxa ka mid ah markaad si buuxda ugu kuur-gasho waxa ka dhasha caadaysiga iyo isticmaalka joogtada ah ee Geedkan. Illaahay (subxaanahu wa tacaalaa) fadligiisa waxa ka mid ah in uu Basharka ku galladaystay Nicmooyin fara badan,waxaana ka mid ah; caqliga,cilmiga iyo garashada uu kaga duwan yahay dadka kale,

Dhibaatooyinkaas waxa ka mid ah maskaxda oo uu khal khal ku abuuro,mid nafsaani ah oo qofka u horseeda waalli iyo kuwo kale oo badan. Markaan si dhab ah ugu kuur galnay dhibaatooyinka dhinaca caafimaadka ah ee uu gaysto qaadku waxyaabihii noo soo baxay waxa ka mid ah:- dadka isticmaala qaadku dhammaan waxay ka siman yihiin aragti qarracan ah oo wajigooda ka muuqata iyo dareen naxariistu ku yar tahay oo laga dheehan karo muuqaalkooda kore,

dadka Qaadka isticmaalaa uu had iyo jeer maskixiyan u yahay mid wal walsan  oo aan degenayn,isla mar ahaantaana ay ku yaryihiin calaamadaha xasiloonida nolosha oo dhan. Waana wax iska cad in qaadku uu qofka markiiba ku yeesho saameyn maskaxeed oo ilaa xad uu noqonayo mid markasta miyirkiisu aanu dheelitirnayn dhanka nafsadana maadaama uu qaadku qofka ka qaado dhawr shay oo marka hore caadiyan iskaaba sida;wakhtiga,hurdada,cuntada iyo dhaqdhaqaaqa caadiga ah,waxa markiiba qofka si tartiib-tartiib ah uga suuliya waaxyo dhan oo sabab u noqon lahaa in ay noloshiisu caadi noqoto.

sidoo kale qofku marka uu qaad cuno ma hello hurdo si uu caafimaadkiisu iskugu dheellitirmo  marka uu hurdo waayo waxa uu lumiyaa tamartii iyo dareenkii caafimaad ee saxda ahaa ka dibna wuxuu noqdaa mid caajis,caro iyo daal fara badani dul dego.  islamar ahaantana qofka marka uu noqdo mid qaadka si joogto ah u isticmaala wuxuu ka go’aa cuntada iyo waxyaabaha nafta u keena nafaqada iyo energy-ga ka dibna waxa ku adkaata qofka in uu hawlihiisa gutto,sida in uu shaqaysto,cibaadaysto amma dadka la qaybsado meertada nolosha.

Isku xirka guud iyo saameynta uu  jiritaanka nolasha  bulshada ku leeyahay qaadku waxay caddaynaysaa wax badan oo la yaraysanayay waxyeelada geedkaasi in ay maanta ka dhigtay magaciisa wax iska caadi ah,halka khasaarihiisana aan ku qiyaasi karno kan ugu daran ee haysta dadka Soomaaliyeed maanta. Sababtuna waxay tahay,maadaama laga horumaro maskaxda,cilmiga iyo baraarugsanaanta,geedkaana waxa uu noqday ka dumiyay baabi’iyayna wax kasta oo ay bulshada ku dheefsan laheyd oo ay horumar ku gaari lahaayeen sidaas ayuuna ku noqday kii sababay silica iyo curyaanimada dalkeena sidaas awgeed,

dhammaan dadka Soomaaliyeed ayay tahay in ay indhaha u kala furaan kuna arkaan waxyeelada aan xadka lahayn ee uu u gaystay dadka Geedkani,waxaana hubaal ah hadii sida uu hadda xaalku yahay uun lagu sii socdo in la arki doono waxyaabo ka waynaada qiyaasta iyo cabirka Maskaxda Bani’aadamka oo ka dhasha isticmaalka Maan-dooriyahan dhibta badan.

maalin walba u baahan yahay aduun iyo lacag uu ku gato qofka cuna. Waxaan leenahay sharafta qofka markay ay timaado ma jiro hal dhibic oo u baaqi noqonaysa qofka cuna qaadka sababtuna waxay tahay muqayilka markiisa horeba waa hawl-gab,waxaana hawl-gab ka dhigay soo-jeedka habeenkii ah masuuliyad-darro reerkiisa iyo naftiisa ah,wax-qabad la’aan muranka iyo macno darrada oo camal u ah iyo cibaado la’aan oo ah tan ugu daran. Waa tan uuAbshir Bacadle lahaa illaah ha u naxariistee:

Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh,

Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh,
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh

Dhanka wakhtiga hadaan ka hadalno wakhtigu sidiisaba waa nimco uu Allaah bixiyo qofka wakhti haystana waxa kaliya la gudboon in uu dhanka wanaagsan uga faa’idaysto maadaama uu fursad haysto fursaduna aanay mar walba joogayn, waxa aad u nasiib darro ah dad Illaahay wakhti siiyay oo wakhtigoodii dhammaantiis ku bixinaya in ay Qaad cunaan,waana wax macruuf ah dadka qaadka cuna waxay ugu jecel yihiin in ay wakhti u hellaan maalaayacni, hawaawi iyo huuhaa ku fadhiyaan iyagoo madadaalo ka dhiganaya waxa meeqaankan leh. Waxa sidoo kale aad looga war hayaa wax kasta oo uu qofku ka faa’idaysan lahaaba in uu seejinayo,wuxuu qaadku keenaa qasaaraha ugu badan ee burburka reeraha,ka dhaqaalaha,ka caafimaadka,ka wax-tarka iyo wax kasta oo qofka anfici lahaa.

hadaba waxaan  ku soo gaba gabayn lahaa; walaalaha uu qaatay qaadka  in Ilaahay subxaana wa tacaalaa loo baryo in uu ka xoreeyo cadawga nafahooda ku habsaday,in qof kasta oo aaminsan in uu yahay wax iska caadi ah oo la sameyn karo looga digo,in dadka lagu baraarujiyo laysna tuso  in uu yahay wax nusqaan ah oo aan u qalmin Bani’aadamka ay sharaftiisu sarreyso iyo in aynaan marnaba ilaawin geedkaasi in uu yahay macsi sidaasi awgeed aan la dhayalsan khatartiisa oo markasta taas maanka lagu hayo,Allaahna subxaanahu wa tacaalaa umadeena ha ka daweeyo geedkan wax kasta kharibaya ee dhibaatada badan, Allaah dhammaanteen ha na tusiyo xumaantiisa hana inoogu bedelo wax khayr leh. Aamiin yaa Rabi.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply