fb

Wax Badan Ka Baro Dhaqamada Dhalinta Qurbaha Oo Aad La Yaabi Doonto..

Published: March 20, 2014, 3:51 pm

Burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya kadib ummaddii waa kala hayaantay qof walbana meeshii uu laha naftaad ku badbaadin kartaa ayuu wajiga xijiyay isagoo aan u meel dayin meesha uu tagaayo dhul gaal iyo mid muslim miday tahayba sababtuna waxay ahayd naftu orod bay kugu aamintaa ee horta meel un salka la hel deeto aadba u meel dayatide.

Meelihii aadka loogu soo hayaamay waxaa ka mid ah wadamada galbeedka oo runtii aanu ka dhaxalnay dhaqamo inaanu maqalno mooyaane aanan ku dhaqankooda ebidkeen arag horaase loo yiri NImaan dhul marin dhaayo maleh , ugu horreyn wadamadaan waxaa laga isticmaalaa eray dhagahaaga aad ugu soo laalaaban doona maqalkiisuna uu kugu badan doono eraygaas waa DIMUQRAADIYAD inta caqliga iyo kartida liidatana ay u yaqaanaan horumar balse cagsigeeda ah duf iyo nolol xumo.

Waxaad arkaysa qof badweyn dabaashay oo haddana hirkii ku harqaday macnaha xumaantii badhtankeeda fadhiya oo haddaad damacdo inaad wax u sheegto kugu oranaya sidaan DIMUQRAADIYADAA qabta ee oday waad dambeysaaye soo meyro oo nolosha la qabso!

Wadamadaan reer galbeedku sida ay isu yaqaaniin waa wadamo horumaray dhinaca nolosha laakiin akhlaaqdii wanaagsaneyd ayaa ka luntay horumarka akhlaaqda ayaa la oran karaa waa horumar xaqiiq ah,  cid walba oo ku dayatana waxaa ka lumaysa akhlaaqdii, haddaan u daadego dhaqamada fooosha xun ee aan ka dhaxalnay balse iminka laga gaari karo inta aysan nagu fidin aan ka bilaabo qaabka xod xodashada ama shukaansiga cidba siday u taqaan.

Caadiyan haddaan Soomaali nahay waxaanu lahayn qaab ninkii guur doona uu u abaari lahaa ama u doon dooni lahaa inanta uu calmaday, waa tii abwaan Soomaaliyeed yiri ” Beri hore waxaa jiray inan aan bil iyo laba arag kaaga bixinoo raggu baadi goobaa beri arag ku weydaa” ,,,,  midda labaad waxaa caado ahayd in gabadha reerkeeda lala xidido sharaf qoyseedna la muujiyo, waxaa ceeb ahayd in inani nin geya ay meel cidla ah kula haasawdo.

Hadda maxaynu aragnaa??  waxaanu baranay qoys isla nool oo aan misna is qabin balaa ka dhacday!! haddaad su’aashana WAANU ISLA NOOLNAHAY maxaanu guur uga baahanahay, afkii baa juuqda gabay.!!

Ka daroo dibi dhal waxaanu baranay ODAY reerkii ka carooday oo asagii la soo cara celinaayo iyo hooyo ku faaneysa SINGLE MOTHER baa iiga kaa fiican ee iridda ka dag, waxaanu aragnay oo aanu aad ula qabsannay ceebna aysan qaarkeenba u arag heblaayo/ hebel waa saaxiibtay/saaxiibkay maxaa macno ku jira hadduu fasaxyada ila joogo qolkaan waa nagu filan yahaye!, ilaahaw noo ceeb astur!!!!!  waxaa aad u caana oo aanba layskula yaabin NIGHTLIFE  macanaha caweysyada oo aad loogu daaho oo hadaadan adigu laftaada aadan ka qeyb qaadan aad bulshada ka dambeyso macnaha soo galooti ama reer baadiye.laguu arko ,

Taa waxaa sii dheer erayo cusub oo af soomaaligii lagu siyaadiyay kolay kulligood ma soo koobi karee qaarka aan ka xasuusto waxaa ka mida beertuu galay, qoftaas waaweynka waaye, sadex qarax waaye, laba dhalo uma joojiyo, way dhaqantaa, shan habeen buu isku bixiyaa, lacagtaa ku sawiran, magaceeda ma gafo iyo kumanaan kale oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan walaalahay iyo naftaydaba kula dardaarmayaa cabsida ILAAHAY iyo inaan u noqonno dhaqankii islaamka ee wanagsanaa si ay nolosheena adduun iyo teena aakhiraba noogu hagaagto, ha u doodin ebedka tu kaloo ku dayashaa haka deyrin ebedkaa noloshaad la daris tahay, yaan marnaba hilmaamin inaan Soomaali nahay, dhaqan iyo caado aad u qurux badana aanu leenahay waxaa wacan in anaga nalagu daydo maaha inaan anagu dameer dhaan racday noqonno.!

WQ: Ahmed Omar ( S@H@L )


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply