fb

Wax Badan Aadan Ogeyn Hadaba Ka Baro Faa’idada Ukunta Doorada.

Published: March 20, 2014, 7:03 pm

Ma ogthay in hal xabo oo ukun ah aad ka heli kartid fitamin E -ga iyo B 12 -ka uu jirkaagu u baahan yahay in uu maalintii ka helo cuntada. Nafaqada inteeda badanina waxa ay ku jirtaa inta jaalaha ah.

. Digaagadaha buniga ahi waxa ay dhalaan ukun buni ah.

. Digaagadaha da’da yari waxa ay dhalaan ukumo yar yar halka digaagadaha da’da waawayni ay ka dhalaan ukun waawayn.

. Ukunta dahaadhkeeda cad ayaa waxa uu ka samaysan yahay nuurad ama kaalsiam. Digaagada ayaa waxa ay u diyaarisaa ukunta yar iyo ta wayn xadi kalshiaym ah oo isle’eg. Taasina waa sababta ukunta wayni uga dahaadh khafiifsan tahay ukunta yar.

. Digaagadaha da’da yaryar ee bilaabay in ay dhalaan ukun ayaa waxa dhacda in ukuntoodu yeelan karto laba jaale ah.

. Ukuntii ugu waynayd aduunka waxa 2008 dhashay goroyo lagu hayo wadanka Sweden. Culayska ukuntaasina waxa uu ahaa 2,589 kg.

. Waxa ninka u dhashay wadanka Maraykanka ee la yiraa Zachery George jabiyay rekordkii aduunka markii uu sanadkii 2009 hal gacan ku hayay 24 xabo oo beed ah.

. Hadii aad ukunta cusub oo goor aan dheerayn digaagadu dhashay biyo dhex dhigtid ayaa ukuntu hoos u degaysaa halka ukunta gabowdayna sabaynayso.

Hadii aad waydiisid qof u dhashay erateriya waxa ay ugu yeedhaan ukunta ayaa waxa aad maqlaysaa in erayga ay ugu yeedhaan ukunta uu u dhowyahay erayga soomaaliga ee ah ugxan. Ugaxn waa eray kale oo soomaalidu ugu yeedho ukunta.

Adiguna ukunta maxaad ka taqaanaa hoos ku reeb fikirkaaga ku aadan ukunta..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

3 Comments : Wax Badan Aadan Ogeyn Hadaba Ka Baro Faa’idada Ukunta Doorada.

  1. mohammed says:

    Waxaan maqlay in ay halkii xabo oo ukun ah ay la’eg tahay dhanka proteins ka 1kilo oo hilib ah.

  2. c/fitaax daa,uud warsame rooti says:

    waa sax taaas

  3. Asc kaapo marka xigta waxaan maqlay in xabadii ukun ee aad cuntid ay kugu kor dhayso 1kilo oo mii zaam ah maxaa ka jiro jwb

Leave a Reply