fb

Waa Maxay Dhalinyarnimo “Qormo Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Dhalinta Maanta”..

Published: March 20, 2014, 1:07 am

Waxaan wada ognahay inay nolsheennu tahay maalmo, usbuucyo, bilo iyo sannado laysku daray. Mar kasta oo ay maalini tagtana cimrigeenniii waxaa tagay qayb aan

noo soo laaban doonin ilaa maalinta qiyaamada laga gaaro. Maalinta qiyaamadana waqti kasta oo na soo maray wuxuu imaanayaa isaga oo noo markhaati furaya, ama isaga oo nagu markhaati furaya. Waqtigu waa raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si fiican looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo sida ay xikmaddani leedahay “waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo”.

Dhalinyaronimadu waxay ka bilaabantaa da’da qaangaarka, meesha ay ku dhammaanaysana waa laysku khilaafsan yahay. Qofka dhalinyarada ah waqtigiisu waa ka qaalisan yahay kan dadka waaweyn. Waa qof wax weyn u soo kordhin kara naftiisa iyo ummaddiisaba oo maskaxdiisu heerkii u fiicna ee wax fahanka joogto. Waa qof noloshu ku cusub tahay oo mustaqbal adduunyo iyo aakhiraba hadda tacabkoodii bilaabay oo waxba meel horey ugu oollin. Waa qof muddo gacan dad kale ku soo noolaa, waalid iyo ehel kalaba, oo hadda laga sugaayo miro dhalkii. Waa qof xilka u weyn ee la saaray yahay inuu wax barto, shaqo iyo wax tacab galo si uu naftiisa u anfaco.

Inkasta oo dhanka suugaanta ay yar tahay abwaannada Soomaaliyed ee tix ku tibaaxay ama ku qeexay dhalinyarnimadu waxa ay tahay, bal aynnu soo qaadanno dhawr meeris tix aan ku ma’akubayo kuna qeexaayo dhalinyarnimo waxa ay tahay. Waxaan idhi:

Dhalinyarnimo waa taash milgo lehoo, maamus badane

Waa muuq qurruxoon oo, milicsiyo nuur badane

Waa maskaxiyo garasho, maaliniyo leyl koraye

Waa muruqiyo xoog miiganoo, la muquunin karayne

Nimco mawle inagu manaystayoo, loogu mahdiyo weeyaane.

Fursad maanta laga faa’iidaysto, mowtimaysa weeyaane

War hoy ka muraadsada maantad muftaaxiyo, maamulkeda haysaane.

Haddaan mar kale sii qeexo: Dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka ummad kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, habboonna in si fiican looga faa’iidaysto.

Mujtamac walbana mustaqbalkiisu waxuu ku xidhanyahay dhalinyaradiisa, ummaddii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeeda waxay gaadhayaan guulo badan dhinac walba, laakiin ummaddii iska dayacda dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’ iyo dabar go’.Dhalinyarada maanta joogta, weliba dhalinyarada Soomaaliyeed, dhib badan ayaa haysata dibad iyo gudahaba. Dhibaatadaas wax halkaan lagu soo koobi karo maahan, waana wax aan wada ogsoonahay. Dhibta in laga sheekeeyo waxba ma tarto, ee in xalka laga sheekeeyo ayaa wanaagsan.

Waxaan leeyahay: dhalinyarada maantow is weydiiya, see u isticmaashaan waqtigiina? Ma waxaad rabtaa inaad u isticmaashid:

1.     Laacib khatara oo football-ka ciyaara ama fiirsada, laaciibiinta adduunkana mid mid u yaqaanna, iyaga iyo xitaa qaraabadooda iyo meeshay maalin shaah ka cabbeen. Markii laga sheekaynayana afkiisa la wada fiirsado.

2.     Khabiir sheekada dhalinyarada iyo shukaansiga ku xeeldheer, 20 accounts oo kale duwan ku leh dhammaan social networks oo dhan, contacts-kiisuna kor u dhaafeen……,.habeen iyo maalinna ku dhaafto waxay ila tahay, (like, dislike,Comments i.w.m).

3.     Qof diinta wax uga bilaaban yihiin, laakiin aqoon fiican u lahayn meeshu ka raadsan lahaa waxa ka dhiman, oo markaas ku dhacay websites dad xag jir ah leeyihiin, oo inta caalamkii kale iska soo xirxiray iyaga kaliya wax ka dhegaysta. Adduunkii kalena u xanaaqsan, taasina u keentay inuu noqdo qof xanaaqsan oo xirxiran, ilaa noloshu ciriiri ku noqoto.

4.     Qof belwadda mukhaadaraadka dhex dabbaalanaya oon ba la socon waxa adduunka ka socda iyo waqtiga laga hadlaayo.

5.     Qof intuu dalkiisa ka tagoo intuu dhoofo ama mahlako naftiisa galiyo tahriiba oo hadduu Alle nabad galiyo oo uu noolaado inaad calooshaada uun la ciyaarto oo aaad car gurato adoo alle caqli iyo awood taama ku siyey ka dibna sidaa waqtigiisa ku qaata oo qurbojoog nolosha u nool uun aad noqotid…

Mise waxaad rabtaa oo aad jeceshahay in laguu yaqiinsado:

1.     Qof dhalinyaro ah oo hami adduun ku jiro, ku dadaala hadba wixii uu fursad eebe u siiyey,(waxbarasho, shaqo), aakhiro inay sugaysana xisaabta ugu jiro.

2.     Qof ku fekara inuu waqtigiisa si fiican u isticmaalo, is weydiiya marwalba in sida uu u dhaqmayo sax ama khalad tahay iyo inkale.

3.     Qof ay la weyntahay talada waalidkiis/ehelkiisa/ waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is leeyahay wax bay kugu dhaaamaan. Niyada ku haya ciddii oo korisay inay markaan miro iyo manfac ka sugayaan.

4.     Qof aan u samayn waxa uu samaynayo dhalinyarada kaleba waa samaynaysaa, ee u sameeya waa sax ama dantaa saa ku jirta. Wixii xuna isaga hara xitaa haddii dhalinyaradu dhammaan sameeyaan.

5.     Qof og oo xasuusan xaalka xigtiyo gacalkuu ka yimi oo waxtara una guntada siduu uga taageeri lahaa dhan kasta ha ahaato dhaqaale, baraarujin, cilmi(inuu uu faa’iideeyo cilmigu bartay).

Doorkaaga dhalinyarnimo muxuu yahay?

Diinteennuna qiima dheeraad ah ayay siisay dhalinyarada taana waxaynnu ka qaadanaynaa Qur’aanka iyo sunnada Nebiga (NNKH). Ilaahay oo dhalinyaro mu’miniin ah amaanaya waxuu aayad quraana ku yidhi: “waxay ahaayeen dhalinyaro Rabbigood rumeeyay waxaanannu u siyaadinay hanuun” (Alkahf).

Nebiguna (NNKH) waxa uu yidhi: “waxa laygu gargaaray dhalinyarada”. Waxa kale oo uu yidhi:“waxa ii gargaaray dhalinyarada markii odayaashu i diideen”.

Sidaynnu la wada soconnana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro, doorkii dhalinyarada Asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta diinta Islaamka waynnu wada garanaynaa. Haddaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeenna ama xilka ka saaran ummaddooda, maxaa yeelay horumar gaadhi maynno, dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa sida ay aniga ila tahay dhawr arrimood oo haddii aynnu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeennii inuun rajo yeelan doono.

1.     Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyad ku dhisan: – waxa inala gudboon inay nolosheenna ka dhigno mid istiraatiijiyad ku dhisan taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba kama beddeli karo mujtamaca uu la nool yahay. Waxyaabaha saldhiga u ah nolosha ujeedada leh waxa ka mida:

a)     Cilmiga:qofkii doonaaya inay noloshiisu noqoto mid ujeeddo leh waa inuu cilmi yeesho, cilmigaas oo mid diineed iyo mid adduunyaba ah. Waayo qof jaahil ahi noloshiisu hadaf iyo ujeeddo midna ma yeelan karto, taana waxaynnu ka qaadanaynaa Qur’aanka kariimka ah, ilaahay markuu damcay inuu aadam ka dhigo khiliifkii arlada (dhulka) waxa uu ku doortay waxay ahayd cilmiga uu baray cilmigaasoo aanay malaa’iiktu aqoonin taasaana ehel uuga dhigtay aadam inuu dhulka ka noqdo khaliifo. Ilaahay ayaad ayuu ku yidhi (SWT): “Ilaahay wuxuu idinka abuuray dhulka waxaanu idinka doonayaa inaa camirtaan”:macneheedu waxa weeye ilaahay wuxuu inaga abuuray dhulka markaa wuxuu inaga doonayaa inaynnu cammiro beerano, aqoon la’aanna dhul lama camiri karo lamana beeri karo, sidaa darteedbaa ilaahay markuu ina leeyahay dhulka beera waa inaynnu marka hore cilmigii beeraha baranaa oo la helo engineerkii beeraha iyo dhakhtarkii beeraha ka kib markaas ayaa wax la beeri karaa.

Sida la ogyahayna qof cilmi leh iyo qof jaahil dhinaca iskaga mid maaha. Markaa waa in lagu dadaalo cilmiga, gaar ahaan dhalinyarada ilaahay fursadaha u siiyay inay tagaan meelo laga heli karo cilmi, mid diineed iyo mid maaddi ahba.

b)    Wakhtiga:waxaa muhiimka u ah nolosha u jeedada leh waxa weeye inuu qofku wakhtigiisa ka faa’iidaysto, maxaa yeelay wakhtigu waa nicmooyin waawayn ee ilaahay siiyay dadka loona baahanyahay inaan si macno daro ah layskaga lumin. Rasuulkeenniina (nnkh) waxuu yidhi: “laba nicmo dadka intiisa badan waa lagu dagaa firaaqaha (wakhtiga) iyo caafimaadka.”

Gaaladuna waxay ku horumareen markay garteen qiimaha wakhtigu leeyahay kana fa’iidaysteen. Wakhtigana waxa uugu qiima badan inta dhalinyarada la yahay, markaa ha lagu dadaalo sidii wakhtiga dhalinyaranimada looga faa’iidaysan lahaa.

Waxa mudan inaan halkan ku xuso sida dadkeenna Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradii wakhtiga iskaga lumiyaan, dadkii waddankeenniii joogay intoodii badnayd waxuu wakhtigii kaga lumay qaad cunis iyo makhaaxi fadhi, intii debedaha u soo baxdayna weli waxay ku jiraan badankoodi geedi cocod meel ay ku dambayna uuma kala cadda, dadkeenna badinkiisa waxaad arkaysaa inay dalal badan isku marayaan, markay mid wax yar joogaanba uugasii gudbayaan dal kale.

Dadkaas waxa hubaal ah hadday dalkii ay markii hore luga dhigteen iska degi lahaayeen waxay noqon lahaayeen dad dalka ka mida oo xaq ku leh, wax wayna way ka qabsan lahaayeen, halkay imika kolba dal kale qaxooti cusub ku yihiin. Taasina ceeb qof keliya maaha ee waa wax aynnu ka wada simannay.

Inkasta oo ay dadka qaarkii qasab ku tahay inay meeshii hore ka tagaan oo meel kafiican tagaan, iyagoo ka eega xagga nolosha, haddana guur guurku waa mid inoo caado ah. Halkaana waxa ku dhabowday odhaahdii ahayd “Soomaalidu waa reer guuraa”. Haddii sidaa lagu sii socdana waxa halkaa ku lumaaya cimriga intii uugu qiimaha badnayd ee aynnu wax qabsan lahayn.

c)     Takhdiid/qorshayn (planning):- midda kale ee muhiimka u ah in qofka noloshiisu ujeeddo yeelato waxa weeye in nolosha mid nidaamsan laga dhigo oo wax walba qorshe loo yeelo; maxaa yeelay, marka la doonayo in hawl la qabto haddii marka hore intaan la guda gelin hawsha la sii dejiyo qorshihii lagu qaban lahaa hawshaas ka dib qabashadiisu way sahlanaanaysaa. Tusaale ahaan haddii la doonayo in guri la dhiso ninka engineerka ahi marka hore waxuu sameeyaa wax la yidhaah planning qorshihii siduu u dhisi lahaa guriga iyo waxuu u baahan yahayba qalab, markaa ka dib ayuu ku dhaqaaqaa dhismaha guriga. Markaa waxaan leeyahay haddii aynnu doonayno inaynnu mustaqbalkeenna iyo mustaqbalka mujtamaceennaba dhisno waa inaynnu qorshaynaa waxa uu u baahan yahay iyo noociyadda mujtamaca aynnu doonayno inaynnu wax ka beddelo, uuna kala horraysiinaa arrimaha siday mudnaanta u kala leeyihiin, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “oodo dhacmeed siday u kala sarreeyaanbaa loo kala guraa.”

Waa in dhibaatadu intay le’eg tahay la eego dabadeedna xalkii ku haboonaa loo raadiyo, haddii ay tahay mid dhaqaale ama mid siyaasadeed ama mid bulsho ama mid diimeedba. Waxa kale oo habboon in danta guud laga hor mariyo danta gaarka ah, qodobkan waxaan uuga jeedaa waa in daraaso la sameeyo intaan hawsha la guda gelin.

2.     In Islaamka loo fahmo si qoto dheer:- qodobka labaad waxa looga baahan yahay dhalinyarada maanta inay Islaamka si sax ah u fahmaan, taana waxaan uuga jeedaa maaha in la garto in cibaadaadka sida salaada, soonka,zakada, xajka iwm ay farad yihiin, kuwaas qof kastoo muslim ahiba wuu garanayaa ee waxaan uula jeedaa in loo fahmo Islaamka inuu yahay nidaam dhamays tiran oo wax walba koobaaya, wixii loo baahdana laga helaayo hadday noqoto dhaqaalaha ama siyaasada ama bulshada ama aqoonta ama xidhiidhka ka dhexeeya muslimiinta dhexdooda iyo ummadaha kaleba.waa in Islaamka loo fahmo inuu la jaan qaadi karo wakhti walba iyo ummad walba, taasina waa siday u fahmeen dadkii inaga horeeyay ee salafka ahaa,waa fahamkii gaadhsiiyay noloshooda heerkii uugu sareeyay mid aduunyo iyo mid aakhiraba.

Maaha in loo fahmo Islaamka mid ku eeg masaajidka iyo waxyaabaha shakhsiga ah (personal affairs) oonu shaqo ku lahayn nolosha inteeda kale.  Waxa kaloo looga baahanyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay fahmaan afkaaraha kale ee dunida maanta ka jirta iyo waxa uu Islaamku kaga duwanyahay afkaarahaas cusub. Waayo qofkaan diintiisa iyo dhaqankiisa waxba ka aqoonini wax uu ka beddeli karaa ummaddiisa ma jirto, hadduu is yidhaah diin kale iyo dhaqan kale ku horumarina uuma suuroobayso waayo sida xaqiiqadu tahay ummadina kuma horumari karto diin iyo dhaqan ayna lahayn oo debedaha looga soo waariyee.

Hadalka oo kooban waa in Islaamka loo fahmo sida uu yahay ee aan loo fahmin sida reer galbeedka iyo war baahiyayaashodu ka sheegayaan ama sida dadka muslimka ah qaarkii ku dhaqmaan.

3.     In lagu dadaalo takhasusyada sarsare: – Sidaynnu kor ku soo xusnay cilmigu waa waxyaabaha ummaduhu ku horumaraan la’aantiina aan meel lagaadhi karin. Diinteennuna qiime wayn ayay siisay cilmiga iyo dadka aqoonta lehba, ilaahay (swt) waxuu aayad quraana ku yidhi: -“Ilaahay waxa si dhab ah uuga cabsada culimada,” waa dadka aqoonta leh aayad kale ayaa waxay ahayd “ma simanyihiin ka wax yaqaan iyo ka aan waxba aqoonini”, dabcan jawaabtu waa maya ma sinna iskumana dhowa.

Nebiguna (NNKH) waxuu yidhi:– “cilmiga raadiya xoolka laga bilaabo ilaa intaa qabri ka gelaysaan”,waxa kale oo uu yidhi: -“qofka mu’minka ahi khayr uu maqlo kama dhergo ilaa uu ku eekaado (galo) jannada”.Waxa kale oo uu yidhi: – “xikmaddu waa baadida mu’minka meeshu ka helana isagaa u xaq leh inuu qaato”.

Halkan kuma soo koobi karno aayadaha iyo axaadiista ka hadlaysa fadliga cilmiga, markaa waxa loo baahanyahay waxa weeye in dhalinyaradu ku dadaasho cilmiga nooc kastuu noqdaba, weliba cilmiga casriga ah waa meel fiican laga gaadhaa si ummadda looga helo dad mutakhasisiin ah oo kaga fillaada baahida wixii loo baahdo, haddii taa la waayana waxa dhacaysa in ummadoo dhami dambiile noqdaan ilaa laga helaayo cid baahidaa ka saarta, taa waxaynnu ka qaadanaynaa fiqiga Islaamka, Sheekh Al-Islaam Inu Taymiya ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi: ummadda (muslimka ) haddii ay u baahato irbad markaa laga waayo cid taqaanna samaynta irbadda ummadda oo dhami waxay noqonaysaa dambiilayaal ilaa laga helaayo dad yaqaanna irbadda samaysteeda weliba sameeya wax ku filaada ummadda.

Maanta ummaddeennu wax kasta oo ay u baahataba waxay qasab ku noqotaa inay gaalo/reer galbeed u doonato. Markaa walaalayaal waxa loo baahanyahay dad aqoon yahan ah weliba aqoon sare leh maxaa yeelay dalkeenniii maanta waxuu u baahanyahay dad wax u qabta weliba dhinaca wax barashada faca soo kacaaya, haddaan imika wax loo qaban oon jaamacado iyo iskuullo loo furinna berritoole waxay noqonayaan dad aan aqoon lahayn waxayna halis gelinaysaa mustaqbalka Soomaaliyeed.

Gunaanad:

Ugu dambayntii waxaan ku baraarujinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed inaan la niyad jabin lagana quusan mustaqbalka, waayo waxa laga yaabaa in wareer iyo niyad xumo ku dhacdo dhalinyaro badan markay dhibaatooyinka ka taagan dalkeenniii dib u eegaan, meel ay wax ka bilaabaana garan waayaan. Laakiin waxaan leeyahay dhalinyarada maanta waa inaan laga quusan rajada Eebbe, qofkii dadaalaana Ilaahay wuu la qabanayaa shaqaduu wado. Waxa loo baahan yahay himilo aad u sarraysa iyo camal joogta ah markaa ka dib ayaynnu gaadhi karnaa horumarkaynnu doonayno.

Waxa kale oo aan hadalkayga ku soo gunaanadayaa in lays gaashado waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “far keliyi fool ma dhaqd

o” qof keliyi waxba ma qaban karo awoodiisu in kastaba ha leekaatee ilaahayna waxuu yidhi (SWT):-” isku kaashada samaha (wanaagga) iyo allah ka cabsiga”.

Way jiraan dad dhalinyaro ah oo dalkoodii wax u qabanaya hadday noqoto dhinaca wax barashada iyo dhinaca dhaqaalahaba. Waxa wax lagu farxo ah markaad aragtid dhalinyaro badan oo dalkii mashaariic badan ka wada waana in la garab galaa dhalinyaradaa dalkoodii u faa’iidaynaya.

Wa billahi tawfiiq

Tixraac (reference)

1. Ali Abdillahi Dahir (Ali-Deeq) Somalitalk.com

2. Dr. A. Takar Raxanreeb

3. Moolka cilmiga iyo miidda suugaanta (Maanmaal)

Maanmaal Buureed Gurxan


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply