fb

Sheeko Qosol Badan Oo Dhex Martay Xalwo Iyo Xaawo “Yaan La Isku Qoslin”..

Published: March 17, 2014, 12:33 am

Maalin maalmaha ka mid ah ayay isku raaceen suuqa laba gabdhood oo la kala yidhaahdo Xaawa iyo Xalwo. Markii ay baskaka degeen ayay isha ku dhufteen meel internet-ka lagu isticmaalo (internet cafe).

Midkoodba midda kale ayay weydiisay waxan ay dadku wada eegayaan.

Xaawa oo ka yara ilbaxsaneyd ayaa mar danbe tiri “waa computer.”

Xalwo ayaa si degdeg ah u weydiisey “oo ma taqaannaa aynnu inana daawannee?”

Xaawa: haa waan aqaannaa.

Internet cafe ayey galeen. Ileen waa hablo u heellan inay waxan ay dadku eegayaan ay iyana eegaan. Xaawa way taqaannaa sida computer-ka loo shido iyo in browser la soo kiciyo, se intaa wax dhaafsiisan ma taqaanno. Markay intii samaysay ayay  fahmi weyday wixii ka dambeeyay.

Waxay go’aan ku gaadhay inay iska xidho. Dabadeed waxa meesha kaga soo baxay box yar oo leh “close all taps or current tap” isaga oo dhawaaq samaynaya  ileen browser ayey dhawr jeer furteye.

Xalwo ayaa weydiisay “naa waa maxay waxani?”

Xaawa oo is xariifinaysa ayaa tiri “waa message oo waa la ila hadlayaa.”

Xalwo: dee u jawaab.

Xaawa: ma karayo oo wakhti ma haysannee hore meesha inooga saar. Intay muraayaddii bakhtiisay ayey u tagtay wiilkii meesha joogay.

Xaawa: imisa weeyaan lacagtu?

Wiilkii: inta uu xoog u qoslay ayuu ugu jawaabay lacagtee maanaaba kuu furay internetka. Xaawi way illowdee marka la fadhiisto waa loo suul dhabaaleeyaa si laguugu furo.

Xalwo: walaalo wuu u furnaa oo waa kii farriinta la ii soo diraayay.

Wiilkii ayaa haddana xoog ugu qoslay oo ku yidhi “waxba ha bixininna ee iska taga”.

Xaawa oo aad u cadhaysan ileen waa la khashifee ayaa tiri “yaan la isku qoslin!”

Amaal Ismaaciil Mire


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply