fb

Shan Qiso Oo Cajiib Ah Cibro Qaadashana Kugu Filan Qiimaha Aay Leedahay Sujuuda,,

Published: March 17, 2014, 10:20 am

Qisada koowaad.

Wuxuu u shaqayn jiray Nabigeena scw wuxuuna u qaban jiray adeegyada uu u baahan yahay nebigeenuna wuxuu jeclaa cidii u shaqaysa inuu u abaal gudo ninkan magiciisu waa Rabiica ibnu kacab waa nin faqiir ah oo aan lahayn xaas caruur tol uu weheshado wuxuu seexdaa masaajidka Rasuulka scw maalin ayuu u soo adeegay Rasuulkeena scw markaasaa Rasuulkeenu waydiiyey : Rabiicow maxaad  I waydiisan?

Saxaabigii wuxuu ka fekeray inuu waydiisto Rasuulkeena waxyaabo badan oo uu ku fekerayey dhinac walbase markuu eegay wuxuu go’aansaday inuu u jawaabo Rasuulka oo wuxuu yidhi : Nabi Allow waxaan ku waydiistay (inaan Jannada kugula rafiiqo).

Xabiibkeenu wuxuu ugu jawaabay intaas mooyee wax kale ma I waydiin arintanse yaa kugula soo taliyey inaad Jannada oo qudha I waydiisato inaan Alle kaaga baryo?

Saxaabigii wuxuu ku jawaabay : wax kale kuma waydiisanayo cid igula soo talisayna ma jirto.

Waayo wixii aan ku waydiisto ee kale  waa aduunyo aduunyona wax qiimo ah oo ay leedahay ma jirto waxaanse go’aansaday inaan ku waydiisto inaan kugula rafiiqo Jannada ama kugula jaar noqdo.

Wuxuu ugu jawaabay Xabiibkeenu scw : hadii aad rabto sidaas waxaad igu caawisaa adiguna inaad badiso Sujuuda!

Xadiskani iyo qisadni waxay si wayn u sheegaysaa qiimaha uu leeyahay qofka sujuuda badiyaa salaadaha tukashadooda ama ha noqdeen faral ama sunne e,

Salaadaha faralka ah lama kordhin karee laakiin qofku waa inuu badsadaa salaadaha sunnaha ah.

Hadaba qof waliba wuu jecelyahay inuu jannada gallo waxyaabaha lagu galona waxaa ugu badan Sujuuda badan sida xadiiskani inoo sheegayo.

Qisada Labaad,

Gabadh ayaa nin sheikh ah oo mufti ah u soo dirtay telefoon sida uu ka sheekeeyey laftiisu waxaanay gabadhaasi ku tidhi sheekhii  iyadoo ooyaysa : sheikh denbi aad u wayn baan galee Illaahay ma iga dhaafayaa?

Sheekhii ayaa waydiiyey : muxuu yahay denbiga aad gashay? Waxay ku tidhi { salaadii Sunnaha ahaa ee aan habeenkii  tukan jiray ayaan ka seexday} hada maaha salaadihii faralka ahaa .

Gabadhani waxay aad uga ooyaysaa  salaadii habeenkii ama witrigii oo ay ka seexatay  subxaan Allaah.

Walaalayaal inagu side ku nahay salaadaha faralka ah ma tukanaa oo ma xafidnaa waqtigeeda.

Qisada Sedexaad.

Gabadh aya aad u salaad badnayd markaas waxay ahayd xaalad kasta inay ku dedaasho salaadaha waqtigoodana ilaaliso.

Gabadhii ayaa waqtigedii dhamaaday oo geeriyootay habeenkii la soo aasay ayaa waxaa ku riyooday gabadh jaarkeeda ah oo ku aragtay meel aad u qurux badan oo udgoon markaasay waydiisay xagee joogtaa ? waxay tidhi : waxaan joogaa Jannada Firdoosa la yidhaaho.

Gabadhii ayaa waydiisay : oo maxaad ku gaadhay derajadaas ama Firdoosa? Gabadhii baa ugu jawaabtay: waxaan ku gaadhay halkaas Sujuud badan.

Qisada 4 aad.

Nin ka mid ahaa dad ku tukanayey masaajid ku yaala dalka Pakistaan ayaa markii salaada laga soo dareeray uu oohin iyo qaylo isku daray dadkii masaajidka ku tukaday ayaa ku soo yaacay oo waydiiyey dhibaatada haysta ee ka oohisay ? waxaanu ku jawaabay : Salaadaas aynu tukanay ee faralka ah ayaan ka habsaamay taasaan la ooyayaa !

Halkaas waxaynu ka arkaynaa qiimaha ay la leedahay sujuudu dadka wanaagsan iyo sida ay bilaa qiimaha ula tahay dadka iimaankoodu naaqiska yahay.

Walaalayaal aynu ku dedaalno salaadaha iyo sujuuda oo aynu badsano.

Qisada 5 aad.

Wiilal ayaa Safar galay Wiilashii sidii ay u socdeen ayaa waxaa la gaaray Salaadi Casir, ka dib Darawalkii ayaa Gaariga Istaajiyey, oo ku yiri:- Waa Xilligii Salaadda soo Dega aan soo Tukanee, Haddaba Wiilashii ayaa waxey ku yiraahdeen Darawalkii:- Orod adiga soo Tuko, anaga waan ku Sugeynaa.

ka dib Darawalkii ayaa yiri:- Walaahi kaligeey Inaan Tukaneynin, ee soo baxa aan soo wada Tukanee. Is jiid jiid badan ka dib wey ka Ogaladeen, sidii ayaana leysku wada raacay.

Haddaba, wey Weysaqateen Salaadii ayeyna Galeen, Wiilashii mid ka mid ah ayaa Sujuuda ka soo kici waayay, ilaa ay Jaceecada ka dhameystaan Salaadda, ka dib Salaadii markii laga baxay ayaa la Fiiriyay Xaalka Wiilka, mase waa Meyd,

Wiilashii kale wey Farxeen, ka dib waxaa la weydiiyay Sababta ay ugu Farxeen Walaakooda oo Dhintay? Waxey ku jawaabeen:- Walaalkeen iyo Anaga waxeynu ahAyn kuwo aan Tukan, Maanta ayaa Walaalkeen Salaad ugu Horeysay Alxamdulillaah wuxuu ku Dhintay Khatumo Wanaagsan.

Qalinkii: Hussein Jama Ahmed.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply