fb

Seyga Gabadhii Usama oo Arrimo badan kashifay

Published: March 20, 2014, 1:42 pm

Suleyman Abu Geyth oo ah Seyga Gabadh uu dhalay Usama Bin Ladin ayaa sheegay in Hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Qacida uu isaga ka dalbaday inuu ka qaado Farriin loo gudbinayo Dunida.

Abu Geyth oo Xeer-Beegti Mareykan ah ay ku eedeeyeen inuu Afhayeen u ahaa Al-Qacida ayaa beeniyay Eeddaas.

Ninkan oo iminka loo maxkamadeynayo ka tirsanaanta Al-Qacida ayaa waxay Qareenadiisu xaqiijiyeen inaanu isagu waxba ka ogeyn Qorshayaashii Weerarada Al-Qacida ee ka dhanka ahaa Mareykanka.

Isagoo warramayana wuxuu sheegay in Galabnimada Maalintii Weerarada 11-ka September la fulinayay uu Farriin ka helay Bin Laden oo Buuraleyda Afganistan joogay, si uu Kulan ula yeesho, dabadeedna uu Bin Laden soo jeediyay Su’aal isaga ku socotay oo ahayd “ Ma ogtahay wixii dhacay? Inaga ayaa waxaas samaynay”.

Abu Geyth oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in markaas ka dib uu Bin Laden isaga ka codsaday inuu Farriin ka qaado, Dunidana u gudbiyo.

Ninkan ayaa lagu eedeynayaa inuu soo bandhigay Muuqaalo Video ah oo Al-Qacida iyo Howlgaladeeda lagu buun-buuninayo.

Abu Geyth oo 48 jir ah ayaa Eedeyntiisa darted wuxuu wajihi doonaa Ciqaab gaaraysa Xabsi Daa’in ah.

Waxaa la sheegayaa in Ninkan oo ay Dowladda Mareykanku Sanadkii hore kasoo qabatay Turkiga uu yahay Mas’uulka ugu darajada sareeya Al-Qacida ee haatan lagu Maxkamadeynayo Mareykanka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply