fb

Sagaal Qodob Oo Kuu Sahlayo Inaad Naarta Kaga Badbaado..

Published: March 22, 2014, 10:43 am
NAARTA KA BAQA WALAALAYAAL.

Allaah SW, wuxuu yiri:- Ka Baqa Naar, Taas oo loo Diyaariyey Gaalada.(Suurat- Aala-Cimraan 131).

Waqti kasta iyo Meelkasta oo aad Joogto Xasuuso Cadaabka Alle, Naftaadana uga Baq, Waayo Nafna kama Aamin qabto inay ka Badbaadayso Cadaabka Rabbi, ilaa inuu Alle ka Badbaadiyo mooyee.

Wallaal U Deg-deg Waxaad Cadaabta Naftaada kaga Badbaadin lahayd kuwaasoo ah:-
1- Acmaasha Wanaagsan oo dhan
2- Xuska Alle Oo uu Ugu Fadli badan yahay Akhrinta Quraanka…
Iyo Alle oo aad Carabka Ka Xusto Marwalba, Saaxiib la noqo Markasta Kalmadaha Alle ugu Jecelyahay Sida:- Subxaanallaah, WalXamdulilaah, Walaa ilaaha Ilallaah Wallaahu Akbar.
3- Istiqfaarta oo aad Badisid.
4- Waalidka oo aad u Baari noqotio.
5- Akhlaaqda Wanaagsan oo aad Naftaada ku Tarbiyadeysid.
6- Qaraabada oo aad Xiriirisid.
7- Masaakiinta oo aad Quudisid.
8- Naftaada oo aad Xumaanta ka Daahiryeesho.
9- Carabkaaga oo aad Xan iyo Xumaan oo dhan ka ilaalisid.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAARTA NAGA BAD-BAADI).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply