fb

RUN MISE BEEN? (Sheeko taxane ah Qaybtii 7aad)

Published: March 21, 2014, 11:54 am

Habeenki xigay maqribka kadib ayuu Bashiir aaday Xaafadi Xamar Jajab asagoo Salaanta soo wada mariyay Dareski oo dhan ayuu ugu dambeynta wuxuu garaacay albaabka guriga Haboon oo ay ka furtay Hooyo Faaduma oo maleysan weyday inuu gurigooda yimaado.

Hooyo Faaduma markeey aragtay Bashiir ayay u yeertay Gabadheeda Haboon kuna tiri “Habooneey hooyo waxaa noo yimid Bashiir Xaaji oo caawa nasoo salaamay ee orod Cabitaan ka keen dukaanka” Haboon waxay ka soo baxday qolkeeda oo ay la joogtay Gabar saaxiibteed ah oo ka weyn kuna jirta Macalimiinta BBga oo Xalane ku xareysan, Gabadhaas oo la yiraahdo Xaliimo Cadeey.

Haboon wasay ka tallaabtay Albaabka, Bashiir Bashiir oo diidan Cabitaanka la doonay, iyadoo u baxday dhanka Dukaanka,.Daqiiqado yar kadibna waa ay soo gashay ayadoo wadda cabitaanki oo ay mid ugu tala gashay Saaxiibteed, markaana Bashiir wuxuu Hooyo Faaduma uga waramaayay xaalada Reerkiisa iyo Xaafada Yaaqshiid ee ay degeen oo markaa u muuqatay Baadiyo oo kale.

Waxay noqotay inuu Bashiir galo Qolki ay ku jireen Haboon iyo Saaxiibteed oo la baray, kadibna wuxuu Bashiir bilaabay Sheeko caadi ah, maadaama aanu fursad u haysan muraadka uu u yimid, wuxuu ka sheekeeyay intuu Xaafada deganaa iyo inta jeer ay wada hadleen asaga iyo Haboon, taasoo ay Haboon markhaati uga noqotay intuu tiriyay, Xaliima caddeey oo dhabanka haysata oo la yaaban hadalada Bashiir iyo markhaatiga Haboon ayaa tiri “Aboow horta magacaagi iigu celi adigoo raali ah” Haboon ayaa ugu celisay magaca Bashiir Xaaji, markaa ayay Xaliimo Caddeey tiri “Walaal Bashiir siddee ku xasuusatay Toban jeer oo aad la hadashay Haboon?” Wuxuu ku yiri ” Wuxuu qofku daneeynaayo meel ayay ugu qoran yihiin, tusaale hadda Magacaaga iyo habeenkaan aan isbaranay waan kuu sheegi karaa 10 sano kadib” Xaliima Caddeey ayaa tiri “Waa iga Maskax fiican tahay” Wuxuu ku yiri “Wuxuu qofku xiiseynaayo inta badan si fiican ayuu Maskaxda ugu keydsadaa, waana midda keentay inaan xasuusto Haboon intaan wada hadalnay” Xaliima oo fahamtay ujeedka Bashiir ayaa Haboon su’aashay “Habooneey adiga ma xasuusataa?” Haboon ayaa tiri “Maya, laakiin markuu ii tiriyay Bashiir ayaan wada xasuustay” Kadibna waa wada qosleen.

Xoogaa markuu joogay Bashiir ayuu go’aansaday inuu baxo, waxaana soo sagootiyay Haboon iyo Saaxiibteed, markeey xoogaa soo fogaadeen ayuu Bashiir ku yiri Xaliima Caddeey “Wax yar ayaan rabaa inaan Haboon ku iraahdo, adigoo iga raali ah haddii aad ii ogolaato” ogolaansho kadib ayuu gees intuu ula baxay Haboon ayuu ka codsaday inay ballamaan si uu ugu sheego muraadkiisa, Haboona waa ka ogolaatay, waxayna balameen laba Habeen kadib.
Wallow ay fogaatay Habeenka ballanta loo dhigay Bashiir haddana waxaa uga darneyd inaanu ogeyn sidduu qorshahoodu noqonaayo iyo in aanay meel cayiman ku ballamin, Hadalkoodana aanu dhaafin laba habeen kadib inay is arkaan, markaana fursad uma helin inay Mowcidka goortiisa iyo booskiisa isla meel dhegaan. Markaa wuxuu Bashiir ku khasbanaaday inuu soo aado xaafada Haboon si uu u soo saxo arrimaha ballanta kulankooda ka dhinnaa, Gababti Sabtida 21.11.1981 ayuu nasiib wanaag la kulmay Haboon oo ka timid dhanka Suuqa oo ay ka soo adeegtay una socota Guriga…..LA SOCO QAYBTA 8AAD IYO BERRITO OO SABTI AH

W/Q: Ahmed Hayow

Email: Xaayoow09@hotmail.com

 Facebook: https://www.facebook.com/ahmed.hayow1?fref=ts

W/Tifaftiray: Mohamed Dhaaleey

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley  


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply