fb

Qiso shalay dhacday: Qabrigi uu gacantiisa ku qoday ayaa lagu aasay (Akhriso sababta)!

Published: March 19, 2014, 5:14 pm

Qisooyinka dhabta ah waxa ay u baahanyihiin in lagu cibra qaato, jeesjeesna ma galaan.

Geeridu waa xaq waxaana la doonayaa in aanu mar kasta xasuusnaano oo aan jidka toosan ku taagnaano.

Sidoo kale Alle in aan ka barino in uu khaatumo wanaagsan nagu dilo, maadaama qof walba uusan ogeyn meesha loo soo jiro.

Qisada aan maanta idiin soo bandhigeyno oo ah mid dhab ahaan u dhacday 1 maalin ka hor ayaa waxa ay u bilaabaneysaa sidaan.

Marxuum Cabdi Wali, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo da;diisa lagu qiyaasayo 28 ilaa 30 sano jir.

Waxa uu in mudo ah ku noolaa magaalada Garissa ee gobolka waqooyi-bari Kenya, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada suuqleyda ah ee ka ganacsata dhinaca qudaarta.

in ta badan ganacsatada yar yar ee suuqa garissa ugu weyn oo lagu magacaabo ‘suuq mugdi’ isaga ayaa qudaarta ka iibin jiray.

Maalintii Axada oo ay Taariiqda miilaadiga ku beegnayd 16-03-2014 ayuu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Garissa.

Marxuumka waxa uu dhawaan gatay Mooto uu marna lacagaha uga soo aruursan jiray macaamiishiisa, marna uu ku shaqeysan jiray oo uu dad kiro ahaan ugu qaadi jiray.

Mudo 21 maalmood ah ayuu Mootadaas kaxeyn jiray, si wanaagsana uma uusan baranin waditaankeeda.

Waqtigiisa ayaa dhamaaday, waxaana Axadii isagoo Nin kale ku wada Mootada ku dhacay Gaari weyn oo soo fariin goostay.

Allaha u naxariistee C/wali isla goobta ayuu ku geeriyooday ninkii Rakaabka u ahaa ee la socdayna waxaa soo gaaray dhaawac aad u culus.

Hase ahaatee sheekada soo jiidashada leh ee ku saabsan marxuumkaan ayaa waxa ay tahay in markii uu dhintay isla markiiba lagu aasay Qabri uu isaga qudhiisa gacantiisa ku qoday.

Qabrigaasi ayaa waxa uu qoday 1 habeen ka hor dhimashadiisa, waxaana markaasi loogu tala galay in lagu aaso oday ay isku xaafad ahaayeen oo geeriyooday, Allaha u naxariistee.

Hadaba Qabrigii qodostiisa markii ay dhameeyeen dhalinyaro uu ka mid ahaa Marxuum C/wali ayaa waxaa soo daatay Roob xoogan isla markiina waxaa Qabrigii ka buuxsamay Biyo fara badan oo Roobka ka dhashay.

Ileen meydkii qarigaas loo qodaayay looguma tala galin in lagu aasee, waxaa markii uu waagi baryay la qoday qabri hor leh oo aan halkii ka ag fogeyn odaygii meydkiisa yaalayna Qabrigaas ayaa lagu duugay.

Iyadoo ay xaaladu halkaas mareyso ayaa maalintii ku xigtay waxaa timid Geerida C/Wali, waxaana la arkay qabrigii uu wax ka qoday oo qalalay diyaarna u ah in wax lagu aaso.

Durbana qabri kale maba la qodine waxaa lagu aasay isla qabrigaasi oo uu qoditaankiisa ka qeyb qaatay 1 habeen ka hor.

Qisadaan ayaa noqotay mid ay dad badan la yaabeen, waxaana ay tahay mid muujineysa Qadarta Allah Subxaana wa tacaalaa iyo sida wax kasta uu u qorsheeyay.

Walaalkeena Waxaan Alle jalla wa calaa uga baryeynaa in uu u naxariisto, Dambigiisa u dhaafo, Qabrigiisana u waasiciyo.

Hadaba walaalaha muslimka ahow wiilal iyo Gabdhoba, mar kasta aynu xasuusnaano geerida, iyo Qadarta Rabbi oo sii diyaarsan.

Qof Kastow ka war qab in uu ku sugaayo Qabri Ciriiri ah, oo diyaarsado Camal fiican oo aad Alle hortiisa la tagto.

Ilaah isagaa Qaadir ahe Khaatumada ha noo suubiyo, Qabrigana ha noo nuuriyo.

Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply