fb

Qiso Cajiib Ah Oo La Magac Baxday “Arooskii fashilmay” Qalinkii Xamse Cabdi Ibraahim “Qoor Cadde”.

Published: March 21, 2014, 10:21 pm

Halyay hanad ah oo lagu hirto ayaa habaar ku dhacayaa. Mar uun buu hawoonayaa, intuu hamuumo ayuu haween jeclaanayaa… Halkaas ayaa laga abaarayaa. Haybe wuxuu bare sare oo ka ahaa dugsi ku yaalla magaalada Burco. Wuxuu ahaa aqoonyahan aftahamo iyo indheer-garadnimo Eebe u hibeeyay. Wuxuu ahaa deeqsi gacan furan oo kaftan yaqaan ah.

Wuxuu ahaa macallin la majeerto qaabka qurxinta sharraxaadiisa. Ardayda iyo maamulka dugsiguba way jeclaayeen. Xataa magaalada goobta uu joogo lagama waayi jirin bulsho ku xeeran oo agjoogiisa ku qanacsan.

Wuxuu  ahaa  nin hammad wacan oo hal abuur leh. Wuxuu necbaa qabyaalada iyo qof jeclaysiga wuxuu ahaa mufeker xor ka ah aragti lasoo waariday. Iinta(liidasho) kelida ah ee Haybe caanka  ku ahaa waxay ahayd haasaawaha dumarka iyo la hadalkooda. Marka uu  u  hollado in  uu  dumar la hadlo ayaa xishood la dafsiin jiray weligiina caynkaas ayuu ahaa.

Xataa yaraantii muu ahayn dadka aroosyada lagu qaatay. Wax dharaaruhu is daba maraanba Haybe  soddon gu’ ayuu baarka ka gooyay. Wuu hawooday oo hiloobay. Wuu ogaaday in noloshu lammaanaha ku macaantahay,ku faa’iido badan tahay,kuna xasilloontahay. Wuxuu gaadhay go’aankii ugu adkaa noloshiisa kaas oo ah in uu nafta  ku labeeyo naf kale. In badan ayuu ka fekeray qofka u nolosha la qaybsan lahaa: Tolow qof caynkee ah ayaa Alle kuu qoray ayuu is waydiiyay?

Hablaha uu  baraha u  yahay ayuu ka fekeray hadana wuu ka walaacay. Oday abtigii ah oo habllo badan dhalay  ayuu maanka ku qabtay hadana wuu xishooday. Xaafadda ka soo horjeeda gabadh joogta ayuu niyada ku qabtay hadana wuu diiday. Arrinkii Haybe wuxuu noqday: <Waal waalatay ee xerada gal>.

Mudo wuxuu guurdoon ahaadaba maalin ayaa loogu yeedhay tababar Hargaysa ka qabsoomaya, oo  kobcinta  waxbarashada ee gobolka ku saabsan. Judhiiba wuu diyaar garoobay waxaanu isu diyaariyay safar,waxa kale oo maankiisa ku soo dhacday: Hargaysaba ka guurso hadaad hesho qof kuu qalma.

Maalintii ballantu ku beegnayd ayuu  yimi istaanka baabuurta u kala baxda Burco iyo Hargaysa. Wuxuu sitaa shandad oo uu garabka ku sito iyo mid weyn oo malaha xamaamadisii ugu jiraan.

Sidii caadada ahayd ee lagu yiqiin kaariyiinta soomaalida waa lakala boobay Haybe iyo alaabtiisii. Waxay xoogaa ligligaanba aakhirkii mid buu raacay. Wuxuuna fuulay tagsi. Waxaa uga sii horraysay gabadh waxay gacanta ku haysaa  wargays kii shalay soo baxay ah.

Gacmaha cillaaman  waxaa ugu jira dahab.Waxay xidhantahay xijaab dheer oo huruud ah. Indhaha waxaa u marsan sibaaq (make up) u eg  midabka maradeeda Midabkeedu waa maarriin casaan xiga. Jidhkeedu waa meel dhexaad isku siman marka laga reebo horraadada oo marada xaga hoose kasoo tiirinaya.

Waxaa ka muuqda haybad iyo ixtiraan faro badan. Inyar ka dib gaadhigii waxaa soo fuulay rakaab kale. laba oday oo kale ayaa shidhkii  danbe la soo galay Haybe iyo gabadhii. Xoogaa ka dibna wuu dhaqaaqay gaadhigii. Asalkaba dadkeennu waa kuwo hadal badane waxaa bilaabantay sheeko hallaasiya iyo in lays barto.

Oday ka mid ah rakaabka  ayaa sheeko qabtay « Kuwan kaariyada iimaankii baa laga qaaday !wuxuun kugu dhegaya miyaad aragtay ? »Haybe ayaa isna hadlay « Adeer miyay ku qabsadeen ?dhaqankaas xun ayaa bulshadeennii barataye »Inantii ayaa damacday inay sheekada wax ka wadaagto waxay tidhi « anigu waxaan sameeyaa waxaan qortaa telfoonka kaariga misaan wacaa mudo ka hor safarkayga,markaas ayuu guriga iga soo qaadaa. laakiin adoo khabar maafish ah hadaad istaanka timaado waa lagu kala boobayaa ».

Hadalkaasi Haybe dareen buu geliyay. Ninkii dhamaa ee aqoon yahanka isu haystay talo ka maqan baa loo sheegay quruxdii gabadha uga muuqatay iyo maskaxda saaran ayuu isu gaystay. Waxaana galay dareen ah in uu gabadha xod-xoto. Sheeko baqasho ku jirtana u bilaabo. Waxaana dhex maray kaftan goos-goos ah.

Markii Sheekh la gaadhayna  caadi ayaa la isu waraystay. Haybe ayaana bilaabay waydiimo uu xog ku raadinayo « Walal horta  sheekaa inala taraartaye aan iskaa baro magacaygu waa Haybe. Waxaan ahay bare xisaabeed. Waxaan degenahay Burco. Bal adna is sheeg kollay immika rafiiqnaye »? Inantii ayaa hadalkii qaadatay si aan cabsi lahayn..  ku te « Walal anna magacaygu waa Haweeya.

Waxaan u shaqeeyaa urur sama fal.Hada waxaan u socdaa tabarbar(seminar)Waxaan degenahay Burco. Marka halkaa xaal marayo hadalladii way koobmeen labaduba xoogaa feker ayay galeen. Tan ba iska bismillayso ayuu talo ku geeyey. Waa hadayba ku yeesho’e. Oo maxay kuu yeeli weyday si walba uga adkide ayuu isku qanciyay. Waxaa la gaadhay buurtii dawga Sheekh dadkuna xoogaa way daaleen. Markii buurta laga dagey oo xoogaa Hudisa loo dhawyahay ayaa Haweeyi lulootay oo si kamma ahna ugu gataati dhacday garabka Haybe.

Haybe wuu yaabay boqol wax oo kala jaad ah ayaa maskaxdiisa ku so dhacay. Dhunko ayuu ku hamiyay kumuuse dhicin. wargayskii ay gacanta ku haysay oo dhulka ku dhacay ayuu qaaday.Odoyaashiina yaab ayaa Alle isugu keenay gabadhan ninka aanay garanayn garabkiisa ku seexatay.

Nin ka mid ah rakaabka ayaa ku dooday “ Haweenku waa iska carruur ilaalin bay u baahan yihiin sida ubadka” misaa Oday kalana ugu jiibiyay “Haa..saw xikmad Rabbaani ah lagama lahayn markii muxrimka loosoo rogay”waxba yaan ku dawakhine  Hudisa ayaa  la yimi la iska qadee. Aadna la isu baray.

Waxa se Haybe ka degi wayday quruxda basharkaa Ilaahay saaray. Mar ay daaqada iska furaysay oo lugta soo qadintay ayuu kubkeeda halacsaday.Xanuun uu arkayo iyo wadne garaac aan xad lahayn ayaa la daf siiyay. Doob dareenbaa dila’e tani yay ku dhaafin ayuu ku tashaday…Safarkii halkii ayuu ka soo socday. Waxaan la gaadhay Hargaysa.

Waxaana lakala qortay ciwaano iyo telefoonno. Waana lawada hadlay oo la is fahmay. Bilba lama joogin markii guur iyo guri yagleelis la isla gaadhay. Waxba yaan hadalku ila durkine  saddex bilood gudohood waxaa laga dig siiyay meher iyo is wata. Waxaana la abbaaray dhabbada  nolol qaybsi xaqiiqo ku dhisan.

Asalkaba guurku wuxuu ku wacan yahay :In wakhti la qaato mudo la is fahmo. Mayse dhicine iyagaan toddoba bixinba waxaa bilaamay is qabsi iyo muran. Wax kalana la iskuma qabsane waxaa la isku qabsaday :

Gabadhu maadaama ay ahayd qof yaraanteedii lagu soo tabcay waxay go’aansatay in ay shaqadeedii sii wadato. Irsaaqadda suuqana ay u sinnaadaan iyada iyo  ninkeedu. Dhinaca kale waxay aamin sanayd in ninkeedu yahay qayb nolosheeda ka mid ah,sidaa darteed aanay marnaba suura gal ahayn in ay gacantiisa uun wax ka sugto.

Habeye isna wuxu rabay in maadaama uu shaqaynayo ay gabadhu guriga joogto oo marba sidii Alle wax u soo geliyo uu wax ugu dhiibo. halka ugu daran ee lagu kala baydhay waxay ahayd: Habeen sidii s warka telifishanka loo daawanayay ayuu arkay Haweeya oo  tababar (seminar) ku jirta isla markaana goosan rag iyo dumar ah(group discussion)gundhada ugu jirta. Qac! Markii uu arkayba galaan ayaa la daray. Wuu cadhooday oo cunuhu xidhmay.

In kasta oo Haybe aanu ahayn dadka go’aanka ku deg dega hadana habeenkaa hadallo deel qaaf ah ayaa afkiisa ka soo baxay wuxuu yidhi: Wuxu miyaanay waxba isku falayn? Miyaanay cawro iyo caar ahayn? Miyaanay cad bisil ahayn? maxaa waxaas o nin dhex fadhiisiyay? Markii ay timina wuu caayay nasabadeeda ayuu wax ka sheegay.

In uu gacan u qaado ayuu damcayba. Habeenkaas wixii ka danbeeyay xidhiidhka dhexdoodu caadi muu ahayn. Waxay ahaayeen cadaw wada jooga. Iyana hurdadii way diiday. Wuxuu ku xigayna wuxuu ahaa dalqadii oo Haweeya loo yeedhiyay. Iyo qoyskii sida hawsha badan loo dhisay  oo si hawl yar loo dumiyay.

Xamse Cabdi Ibraahim “Qoor Cadde”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply