fb

Qeybtii Sadaxaad Sooyaalkii Faneed ee Hoobalkii Maxamed Saleebaan Tubeec.

Published: March 17, 2014, 5:35 pm

HALKAN KA AKHRI QAYBTII 1AAD EE TAXANAHAN

HALKAN KA AKHRI QAYBTII 2AAD EE TAXANAHAN

Waxa ila socday nin Alle ha u naxariistee nin Maxamed Nahaari la odhan jiray oo kamanka tumi jiray.

Nin Gurroonjire la odhan jiray oo raggii fanka ugu horreeyay ka mid ahaa ayaa Nahaarigan aannu wada soconnay walaashii qabay. Inkasta oo ay xilliyadaas uun ka dhimatay, haddana carruur ayay u dhashay. Gurroonjire ayaannu gurigiisii ku degnay. Wakhtigaas waxa uu ka shaqayn jiray idaacadda.

Maalintii dambe ayuu annaga oo iska fadhfadhinna Nahaari ku yidhi Gurroonjire ‘waar ninkani waa nin fannaan ah oo wuu heesaa’. Markaasu yidhi ‘Wallee, oo miyuu heesaa?’ Deetana kamankiisii ayuu Nahaari ii garaacayba oo waan heesay. Wuu yaabay, markaasu Gurroonjire yidhi ‘waar dee haddaa idaacadda ayaan ku geynayaa.’ Deetana waxaan ku idhi ‘tii Jabuuti ba waan iskaga imid ee iminka idaacad dooni maayo oo reerkayagii oo Burco jooga ayaan gaadhayaa.’ Markaasu yidhi ‘haddaba waayahaye Maxamedow bal aynnu tagno idaacadda oo soo daawo oo dadka (fannaaniinta) soo kala baro.’ Qoladii idaacadda joogtayna waa uu u sii sheegay oo wuxu ku yidhi nin yaab leh ayaan idiin keenayaaye yaanu idin dhaafin.

Wakhtigaas waxa idaacadda Hargeysa xukumi jiray nin gaal ah oo Ober la odhan jiray. Waxa sidoo kale jiray rag Soomaali ah oo xilka uga hooseeyay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi, Cabdi Ayuub i.q.k.

Wuu i kaxeeyay oo idaacaddii baannu tagnay. Markaas fannaaniin baa meesha ka shaqaynaysay. Fannaaniintaas waxa ka mid ahaa Cismaan Maxamed Cabdikariin “Gacanlow” (AHN), Maxamed Yuusuf Cabdi (AHN), gabadh Nuuriya la odhan jiray, Xaafuun baa ka mid ahayd, Iftin baa ka mid ahayd, Guduudo ayaa ka mid ahayd. Wax rag ah oo heesa waxa joogay Cismaan Maxamed, Maxamed Yuusuf iyo nin Balweeye la odhan jiray. Qoladaas oo uu gaalkiina ku jiro ayaa Istuudiyowgii i soo fadhiisiyay. Waxa kale oo Istuudiyowga nala joogay nin gaalka maamula idaacadda ku xigay oo Cabdiraxmaan Caabbi la odhan jiray.

Meeshii baan fadhiistay, deetana kamankii baa la ii garaacay. Show ismaba ogi ee imtixaan baa la iga qaadayaa. Saddex heesood baa la i tumay. Heesi waxa ay ahayd:

Hees Carwola yidhaa:

“Ladaadyoodayoo ladh baygu kacoo,

Ii laacday tigaaddii laandheer.”

Iyo hees Aroor la yidhaa:

“Hibo anba waan ku haybinayee,

Inaabti ma ii hanweyn tahay.”

Iyo hees Laac la yidhaa:

“Ladaadyoodayoo ladh baygu kacoo,

Ii laacday tigaaddii laandheer.”

Inta badan innamadu may qaadi jirin heestaas oo way dheer tahay bay odhan jireen. Markii aan qaaday saddexdaas heesood ee la ii tumay ayaa la is eegay. Maxamed Siciid Gurroonjire ayaa deetana igu yidhi ‘waar Maxamed, nimankan meesha fadhiyay ma garanaysaa?’ Deetana waxaan idhi ‘maxaan ka garanayaa dee aniga waxaad igu tidhi meesha waan ku soo daawadsiinayaa e’. Markaas ayuu yidhi ‘ninkan gaalka ahi waa ninka meesha xukuma, raggan kale na waa raggii ka hooseeyay, dee shaqadii waa lagu qoray’. ‘Oo dee ma shaqo ayaad meesha ii keentay, sowdigii igu lahaa waynnu soo daawanaynaa.’ Dood kadib wuxu ku soo gebagebeeyay ‘waar ninyow shaqadii waa lagu qoray, bishu maanta waa 15, 15kaas kumeelgaadh ‘temporary’ baad ahaanaysaa, markay bishu dhammaatana joogto ‘permanent’ ayaa lagu dallacsiinayaa. Wakhtigaas shaqada kumeelgaadhka ah lama jeclayn. Deetana waxaan idhi ‘waar wuxuba hadday temporary tahay ma rabo ee iga dhaaf’. Qoladii buu ku noqday oo uu ku yidhi ‘waar inankii temporary-gii wuu ka booday ee permanent ka dhiga.’ Markaas ayaa la yidhi iminka laga bilaabo shaqaale rasmi ah baad tahay.

Wakhtigaas waxa shaqada laga qaadanayay 230 shilin oo ah lacagtii uu siin jiray Ingiriisku shaqaalaha ee Indian money ga ahayd, libaax iyo shabeel wax ku sawirnaa garan maayo e. 230 shilin waxay waagaas ahayd lacag aad u faro badan. Deetana sidaas ayaan ku degay magaaladii.

Wakhtigaas innamada idaacadda ka shaqeeyaa ma ay samaysan jirin heesaha ee waxa u samayn jiray Cabdillaahi Qarshe (AHN) oo markaas idaacadda joogay iyo Maxamed Siciid. Laakiin anigu wakhtiyadii aan Jabuuti joogay ayaan bilaabay inaan samaysto heesaha. Heestii aan ku bilaabay waxay ahayd:

Inaabti Hodaneey, Heesteenna, aaha

Wax baa ila hadloo, Heesteenna, aaha

Sidii hadhka ii, Heesteenna, aaha

Hareer marayeey, Heesteenna, aaha

Sidii hadhka ii, Hareer mareeyayeey!

Heestaas ayaan ku bilaabay. Waa cod yaab leh hadda codkani (codka heesta) ee ma ogtahay! Markaas waxa jirtay in nin waliba uu heesaha u dhiibi jiray nin ay waxoogay isku yara dhowdhow yihiin. Runtii way iska jirtay taasi, laakiin haddana waa la ii dhiibi jiray oo waxba la igama hagran jirin. Deetana ileen nin halkaas (Jabuuti) ku soo tabobar qaatay baan ahaye, heesihii ayaaban bilaabay inaan samaysto.

Heesaha qaraamiga ah ee wakhtigaas socday, tusaale ahaan, adiga ayaa maanta qaadaya, nin kale ayaa berri qaadaya, saadambe gabadh ayaa qaadaysa, deetana heestii waa la isku wada marayaa. Heestii aan qaado ba si fiican ayaan ugu soo baxay. Deetana qoladii aannu wada shaqaynaynnay ayaa hoosta ka yara shirtay oo ku soo heshiisay in aan heestii qof qaado laga daba qaadin.

Laakiin anigu halkaas lagu soo heshiiyay ma aan joogin. Subaxdii dambe ayaa meeshii lagu soo kallahay oo ay yidhaahdeen ‘maanta shir ayaannu yeelannay oo waxaannu ku soo heshiinnay in aan heestii qof qaado laga daba qaadin.’ Deetana nin Cabdi Ducaale la yidhaa ayaa yidhi ‘Maxamed Saleebaan meesha aad ku soo heshiiseen ma joogay?’ ‘Maya’ ayay yidhaahdeen. Deetana markaas ayuu yidhi ‘Haddaan goobtaas Maxamed joogin heshiiskiinnu waa qarsoodi’. Wixii intaas ka dambeeyay waxa qof kasta loo daayay heesta uu qaaday. Aniguna markii dambe heesihii waaban samaystay.

Waxa ka mid ahaa heesihii aan ku bilaabay: Bal dadyahow adduunka; Ammaanada Ilaahay; Cimrigiiba jacayl; iyo qaar badan oo kale oo aanan xusuusnayn. Waxa jira heeso badan oo aan qaaday oo aanan xusuusnayn. Waxaan badanaa xusuustaa heesihii aannu ku noqnoqonnay ee dadku iska jeclaa ee aannu marka la iska fadhiyo qaadi jirnay. Waxa jira heeso aan laguba noqonnin oo ay kuwa waddaniga ahi ka mid yihiin.

Halgankii Gobannimada:

Wakhtigaas waxa socday dagaalkii Gobannimo doonka.  Waxa aan is qoray jimciyaddii SNL. Halkaas ayaan halgankii ka galay. Habeenkii calanka la saarayay ee 26kii Juun ee 1960kii ayaa SNL-shii na looga yeedhay, deetana waxaan sameeyay laba heesood. Waxaan xusuustaa Maxamed Xaashi oo idaacadda ka leh ‘Maxamed Saleebaan innamada heesa ayuu ahaa, heestan waxa ka keentay farxaddii’. Heestu waxay ahayd:

SOOYAAL-NOLOLEED

La soco qaybo kale oo xiise badan…………………………..

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply