fb

Qeybtii Labaad Sooyaalkii Faneed ee Hoobalkii Maxamed Saleebaan Tubeec.

Published: March 15, 2014, 12:00 am

HALKAN KA AKHRI QAYBTII 1AAD EE TAXANAHAN

Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec oo ka mid ahaa tiirarkii ugu mudnaa ee soo mara sooyaalka fanka casriga ah ee Soomaaliyeed, xilli ku siman 1941kii ayuu ku dhashay deegaanka Laaleys ee gobolka Saaxil ee Somaliland.

Marxuumku waxa uu badiba noloshiisa ku qaatay hibooyinkii suugaaneed ee ku duugnaa; min curinta iyo halabuurka midhaha, codaynta iyo samaynta alxaanta, luuqda baxsan ee dhegtu hanqaltaagga ku maqasho ilaa masraxa iyo masrixiyadda. Allah ha u naxariistee Marxuum Tubeec waxa uu ahaa qof yaraan ku tamariyay, ku hanaqaaday, deetana ku hirgalay.

Hibadiisa faneed waxa ay dillaacday isaga oo aan qaangaadhin. Toddoba iyo toban sanno oo qudh ah ayuu jiray markii uu tijaabo-galintii ugu horreysay ka gudbay. Sidaas darteed, sooyaalka nololeed ee Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan waa mid si walba ugu milan fankiisa.

SOOYAAL FANEED

Waxa la odhan karaa waxa uu noolaa nolol faneed, waa na taas sababta mar kasta oo laga hadlayo sooyaalkiisa nololeed looga hadlo sooyaalkiisa faneed. Haddaba sidee ayuu Maxamed fanka ku bilaabay? Sidee ayuu se u noqday fannaan shaac baxay oo la jecel yahay? Waa kan Marxuumka oo ka hor intii aanu dhiman weydiimahaas kaga jawaabay xogwarran lala yeeshay oo aannu cajalad wakhti hore lagu duubay dib uga soo qornay:

“Fanka aniga oo yar ayaan bilaabay. Dadku inta badan marka ay fanka soo galayaan waxay u baahan yihiin in ay tabantaabo helaan ama ay macallin helaan wax bara oo la soo ababiya oo la hagaajiya. Laakiin anigu waxaan fanka bilaabay aniga oo toban jir ah. Waxaan garanayaa iyada oo aan muyuusig ba jirin oo aniga oo yar oo markaas ilaa laba iyo toban meelahaas jira aroosyada la iiga yeedho aan ka heeso. Wakhtiyadaas durbaan iyo daf baa la tuman jiray.

Deetana sidii aan ugu jiray ayuun baan ku soo baxay fannaan weyn. Taas waxaan ka wadaa macallin ma aan lahayn. Wakhtiyadaas waxaan u dhexeeyay Burco iyo Berbera. Xilliga kulaylaha waxaan joogi jiray Burco, xilliyada qaboobaha ahna waxaan iman jiray Berbera. Sidaas darteed, fankaygu wuxu ku soo barbaaray Burco iyo Berbera.”

Geeddigii xigay:

“Jabuuti ayaan tegay aniga oo markaas uun qaangaadhay. Idaacadda Jabuuti ayaan fanka ka bilaabay. Nin ka mid ahaa dawladdii wakhtigaas ee Jabuuti oo Cabdiqaadir Waabari (AHN) la odhan jiray ayaa idaacadda haystay oo ka madax ahaa. Jabuuti waxa wakhtigaas haystay Faransiiska. Xilligaas waxa wax noo tumi jiray nin Cali-Dammaan la yidhaahdo, nin Maxamed-Siciid la yidhaahdo iyo nin Daahe la odhan jiray.

Cali-Damaan iyo Maxamed-Siciid waxay noo tumi jireen bahasha ay Soomaalidu dhexyarta tidhaahdo. Foodhida waxa noo tumi jiray nin Rashiid la odhan jiray. Kamanka waxa noo tumi jiray Xudeydi. Raggaasi waxay u badnaayeen rag Carab u badan laakiin Jabuuti ku dhashay oo af Soomaaliga si fiican u yaqaanna.

Aniga oo fanka halkaas kaga jira ayaa niman aannu saaxiibbo nahay oo aannu mar walba wada fadhiisan jirnay igu yidhaahdeen: ‘Maxamedow, nin cod fiican baad tahay e, halkan iskaga tag oo Hargeysa qabo.’ Idaacadda Hargeysa ayaa xilliyadaas aad u shidnayd, dadka Jabuuti na wakhtigaas gumeystaha Faransiisku dhibaato weyn ayuu ku hayay. Aniga oo dhibtaasna dareemaya ayaan taladaas ku soo wareegay. 1957kii ayaan imid Hargeysa oo uu iyadana wakhtigaas Ingiriisku xukumayay.

 

SOOYAAL-NOLOLEED

La soco qaybo kale oo xiise badan…………………………..

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply