fb

Qeybtii Afaraad Sooyaalkii Faneed ee Hoobalkii Maxamed Saleebaan Tubeec.

Published: March 18, 2014, 10:57 am

HALKAN KA AKHRI QAYBTII 1AAD EE TAXANAHAN

HALKAN KA AKHRI QAYBTII 2AAD EE TAXANAHAN

HALKAN KA AKHRI QAYBTII 2AAD EE TAXANAHAN

Soomaaliyey dallacnoo

Maanta dawlad baynnu nahee,

Derejaynnu leennahayee,

Dalkeennaa u sara kaca’eey!

Heesta kale na waxay ahayd “Caawa waa habeenkii” oo aanan iminka garanayninba sidii ay ahayd.

Dhammaan bahdii Raadyow Hargeysa oo dhan, habeenkaas 26kii Juun waxaannu tagnay beerta xorriyadda. Markaas ayaa waxa isku beegmay 12kii habeennimo markii calanka la saarayay iyo heestaas caawa waa habeenkii oo aan jiidjiidayo oo noocnooc u samaysan! Deetana Wallaahi waxa is qabsaday cirkii iyo dhulkii.

Aad ayaan u xusuustaa habeenkaas. Waa habeen aan xusuustiisu iga hadhayn. Waa habeenkii aynnu xorownay. Waa habeen wax loo dhigaa aanu jirin. Soomaalidu aad ayay waagaas isku jeclayd. Xisbi-xisbi ayaa la isku jeclaa. Haddii xisbigan adiga oo ku jira aad gabadh guursatid, wixii kugu baxaya ama qaraamaad ah xisbiga ayaa bixinaya.

Xataa gabadha aad guursanaysid xisbiga aad ku jirtid ayaad ka guursanaysaa. Laakiin wax dagaal ahi ma jirin. Habeenkii oo dhan waa la is dacaayadayn jiray oo dadku iyaga oo kala xisbi ah ayay is jeclaayeen.

Heeso badan ayaan habeenkaas calansaarka qaaday. Heesihii aan qaadayay waxa kale oo ka mid ahaa:

La gaadh lixdankii la haybin jiroo

Liibaannay haddaan luggooyo qabnee

Caawaan ledayaa lammaanahay!

 

Waxa kale oo ka mid ahaa hees uu Cali Sugulle lahaa oo ahayd:

 

Dhaaxaan gunnimiyo dhibaato mutoo

Dhoomaa layga saaray dhinacyada’e

Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee

Calanka dhidbay sow ma soo dhicin!

 

Dhaaxaan baqay sidaan dhufaan ahayoo

Dhiggay qaar ah aan ka dhawrsanayee

Dharaartaan asaaggay dhinac galayee

Ku dherersaday sow ma soo dhicin!

 

Dhaaxuu gaalku qaatay dheeraadoo

Anigoon dhiman maalka layga dhaxlee

Dharaartii xaqayga lay dhigayee

Lay dhiibaayay sow ma soo dhicin!

 

Dhaaxaa lay lahaa lagaa dhacan

Dhowaadaye waanigaas dhakhsadee

Dharaartii walaalkay loo dhisayee

Hortii dhashay sow ma soo dhicin!

Wixii gobannimadii 1960kii ka dambaysay Hargeysa anigu waan ka wareegay oo  waynnagii (Waqooyi) calanka dhiibnay. Markii xigayna waynnagii yaacnay ee jaanta la rogay ee nin waliba guri ka dhistay Muqdisho. Iminka aniga afar guri baa Muqdisho iigu yaalla oo berigii dagaalka (1991) ayaa iigu dambaysay. Hadday Hargeysa iiga dhisnaan lahaayeen miyaad waalan tahay waan iska hadhsan lahaa. Dee Waqooyi oo dhan ayaa yaacay oo guryahoodii ka wada dhisan yihiin. Markaas guryahaygaasna waan heli doonaa ileen meesha Soomaali uun baa joogtee.

Markii aan Muqdisho tegay dhammaan fannaaniintii Idaacadda Hargeysa na way iga soo wada daba dhoofeen oo xaggaas (Muqdisho) ayaannu isugu wada tagnay. Muqdisho dad fannaaniin ahi way joogeen, wakhtigaa se, Hargeysa ayaa fanka haysatay.

Laakiin markii fannaaniintii Muqdisho u wareegtay ayuu fankiina raacay. Qoladaas Koonfurta rag badan oo xarfaan ah oo wax tumi jiray ayaa ku jiray. Waxa ka mid ahaa Xuseen Mabruki (AHN), Xuseen Baajuuni (AHN), Xasaani iyo Maxamed-Siciid. Raggaas aan tirinayaa wada xarfaan bay ahaayeen, aad ayaanay muyuusigga u yaqaanneen.

Waxa kale oo aannu ugu tagnay gabdho iyo rag heesa oo badan, kuwaas oo aan hadda ka xusuusto: Axmed-Naaji, Dalays, Duniyo iyo gabdho kale oo faro badan kuwaas oo dhammaantood ka shaqaynayay idaacadda Muqdisho. Halabuurka heesaha Muqdisho kumay wacnayn oo heesaha Hargeysa ka soo baxa ayay qaadi jireen.

Aakhirkiina, qoladii aannu u tagnay waannu iskala qabsannay. Wakhtigaas tiyaatar ma jirin ee Idaacadda Muqdisho ayaa subaxdii lagu kallihi jiray, halkaas ayaana heesaha lagu soo duubi jiray. Halkaas ayay ku soo baxeen inta badan heesaha aan qaaday. Muqdisho waxaan joogay ilaa burburkii dalka ee 1991.”

Aynnu intaas kaga gudubno xogwarranka Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec iyo ballaysinkii badweyntiisa fanka. Haddaba, wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Marxuum Tubeec waxa uu ku noolaa qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Iswiisarlaan, ilaa laga soo gaadhayay dabayaaqadii bishii Febraayo ee sannadkan oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbital ku yaalla magaalada Rotenbeg ee dalka Jarmalka oo uu ku geeriyooday 11/3/2014.

Taxanaheennan oo aynnu si gaar ah ugu falanqayn doonno qaybo ka mid ah dhaxalkii faneed ee Marxuum Saleebaan Tubeec, waxaynnu si qubane ah ugu googoyn doonnaa wixii ay Maxamed Saleebaan ka yidhaahdeen dadkii yaqaannay: bahdii fanka, kuwii siyaalo kale ula jaalay, kuwa fanka xiiseeya,

Inta lafa gurta ee dhuuxa ka eegi taqaanna iyo cid kasta oo sifayn cuddoon ka bixisay fankiisa iyo fannaannimadiisa labadaba. Abiib Iimaan Xasan waa suxufi fan-yaqaan ah oo Hargeysa deggan, muddo dheerna ka hawlgalayay Idaacadda Hargeysa iyo Telefishanka (SLNTV). 11/3/2014 oo uu marxuum Tubeec xaqii u yimid ayuu boggiisa Facebook ku baahiyay dheeggan hoose oo uu ku sifaynayo baadisoocdii faneed ee Maxamed Saleebaan, Allah ha u naxariisto e.

“Allah ha u naxariisto’e, Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu ka mid ahaa tiirarkii heellada Soomaalida (1962-2014). Marxuumka waxa lagu xusuusan doonaa codkiisii sida hirarka halka ugu sarraysa ee laga heeso “alto” iyo halka ugu hoosaysa “paso” isku mari jiray.

Waxa aan la illaawi doonin heerkii uu gaadhsiiyay heesihii qaraamiga ee Soomaalida oo kuwa ugu badan uu codadka ama laxanka u sameeyay Abwaan Cabdillaahi Maxamuud Maxamed Xirsi “Qarshe” – sida Aroor, Beerdillaacshe iyo tobannaan kale oo aan lagu gaadhi karin – sida aan Maxamed Axmed Kuluc loogu gaadhin codka iyo xarragada heesta Raaxeeye oo uu luuqdeeda sameeyay nin la odhan jiray Makaroone.

Lama soo koobi karo heesaha Maxamed Saleebaan ka hadhay, waddani, jacayl, guubaabo, Ciido, Ramadaan, caloolyow iyo waayosheeg inta ba. Eebbe naxariistiisa ha ugu deeqo intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.”

SOOYAAL-NOLOLEED

La soco qaybo kale oo xiise badan…………………………..

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply