fb

Ninkii Boqorka U Shaqeyn Jiray Iyo Sidii Cajiibka Aheyd Ee Uu Ugu Badbaaday Go’aankii Boqorka “Qiso Dhab Ah”..

Published: March 18, 2014, 11:03 am

Boqor ayaa wuxuu lahaa gole wasiiro ah oo la shaqeeya amarkiisana aad u adeeca oo u dhego nugul ninkii ku dhego adaygana ama amarkiisa diidana wuxuu yidhaahaa inta la xabiso dabeed Ey haloo dhigo cuna isagoo nool.

Maalintii danbe ayaa wasiir u shaqayn jiray  mudo ka badan 10 sano ama la shaqayn jiray boqorka ayaa boqorkii u cadhooday waxaanu yidhi hala xidho sidii caadada ahaydna haloo dhigo Eyda oo ha cuneen.

Ninkii waziirka ahaa wuxuu arkay inaan boqorku ka noqonayn goaankiisa waxaanu u soo gudbiyey codsi uu yidhi : ii ogolow inaan 5 cisho la soo dardaarmo reerkaygii.

Boqorkii ayaa u ogalaaday in uu tago 5 casho ka dibna is keeno waziirku si loo mariyo xeer ciqaabeedka u yaalay dawladiisa.

Ninkii xagee ayuu tegay 5 tii cisho? Wuxuu u tegay eydii dadka cuni jirtay ee loo geeyn jiray shantii cisho wuxuu ku dhamaystay inuu Eydii u geeyo hilbo oo xanaaneeyo oo mar marka qaarkoodna u maydho.

Shantii casho ayaa eydii barteen oo noqdeen kuwo la saaxib ah ninkii waziirka ahaa maalintii lixaad ayaa lagu fuliyey xeer ciqaabeedkii oo waxaa lagu xidhxidhay xadhko oo Eydii ayaa loo tuuray eydiina way ku soo yaaceen oo waxay saarsaareen afka  iyagoo aad moodo inay dhunkanayaan oo aadna u qaylinaya waxaabad moodaa inay ka cadhoodeen saaxiibkoodii  xanaanayn jiray oo la xidhay.

Boqorkiina waa daawanayaa isagoo doonaya inuu ku raaxasyto sida Eydu u kala googoostaan hilibkiisa laakiin waxaa meesha uga muuqda wixii uu sugayey waxaan ahayn.

Markii Eydii waziirkii cuni wayday ayaa boqorkii yidhi xadhiga halaga furo oo haloo maydho oo dabeed ii keena si aan u waraysto.

Markii loo keenay waziirkii ayaa boqorkii wuxuu waydiiyey : maxaad ku samaysay Eydan oo ay kuu cuni waayeen?

Ninkii wuxuu ku jawaabay : boqorow Eyda ayaa kaa fiican oo kaa abaal gud wacan anigu waxaan kuu shaqayn jiray in ka badan 10 sano abaalkaygiina waxaad ka dhigtay inaad I disho , Eydaasna waxaan u shaqaynayey 5 cisho oo waxay iiga abaal gudeen intii aan u taray waanay I badbaadiyeen.

Boqorow Eydaa kaa abaal wacan.

Waa xikmad  cidii inta abaal loo galo kaga jawaabta xumaan tani ama qisadani waxay ina baraysaa

In aynu cidii wanaag inoo gasha aynaan xumaan ugu abaal gudin balse aynu isku dayno inaan si fiican ugu abaal gudno. Ugana mahadcelino wixii uu inoo qabtay.

Sidoo kale waxaynu halkaas ka fahanay in xayawaanku uu yaqaano cidii wanaajisa oo uu jecelyahay tusaale ahaan marka neef xoolo ah aad u xuluulayso ama aad si gaara ugu soo gurto caws neefkaasi dadka wuu kaa yaqanaa waanu kugu soo cararaa marka uu ku arko, taasina waa maxabad iyo jacayl uu u qaado cida wax siisa ee xanaanaysa.

Isku soo duuduuboo qisadani waxay ina leedahay

Abaal galoo aayatiin dhigo ayaanta danbaad u aydaa.

Hadii aad abaal gasho mustaqbalka ayaad u aydaa oo ka faa’iidaa.

 W/Q Hussein Jama Ahmed.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply