fb

Ninkii Aay Zowjadiisa U Dhali Waaysay Mudo Labo Iyo Toban Sano Ah Iyo Wuxuu Sameeyay. “Qiso Cibro Qaadasho Mudan”..

Published: March 16, 2014, 8:57 am

Waxaa jiray Nin la Oran jiray Maahir oo u Dhashay Dalka Falastiin, wuxuu qabay Xaas, waxeyna is qabeen Muddo 12sano, waxna uma eysan Dhalin, waxeyna ku noolaayeen Waddan ka mid ah Waddamada Yurub, intaas ka dib Xaaska Hooyadeeda ayaa waxey ku tiri Gabadheeda:- Hooyo Maad Dhaqtar u aadid oo aad isa soo Baartid, Gabadhii wey Aqbashay Hadalkii Hooyadeed, ka dib waxey aaday Dhaqtarkii, wuxuuna u Dhaqtarkii u sheegay Ineysan wax Dhaleynin, Haddaba, waxaa hadalkaas qaadan waaye Ninkeeda Maahir oo Dhaqtarkii ku yiri:- Walaal adiga Arrintaas shaqo kuma lihid waa Arrin Allaah SW keliya quseysa, Anaga Muslim haddaan nahay ma Aminsani waxyaabahaas oo kale, sababtoo ah Allaah keliya ayaa Og wax kastoo Dhici doona.

Haddaba, Muddo yar dabadeed ayuu Maahir Wuxuu Cumro u aaday Beytka Ilaaheey (Kacbada), markaas ayuu ku soo Duceystay Kacbada, isagoo ilaaheey Baryaayo ayuu wuxuu yiri:- Ilaahayow, Adiga ayaan Marti kuu ahay, Martidana in la Karaameeyo adiga ayaa na Faray, Ilaahoow waxaan kaa Baryaa inaad igu Arzaaqdid Owlaad Kheer qabta.

Maahir Cumradii ayuu ka soo noqday, Ducadiisiina Ilaah wuu u Aqbalay, Bishii ugu Horeysayba Xaaskiisii Uur ayay qaaday waxayna Dhashay Wiil, wixii markaas ka Dambeeyeyna Dhowr Caruur oo kale ayey u dhashay.
Haddaba, Arrintaasi waxey ina tuseysaa in mar kasta lagu Kalsoonaado Awoodda Rabbi, Qalbigana lagu haayo inuu Allaah keliya wax kasta Awoodo.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII, YAA RABBI)
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply