fb

Nin Ayaa Wuxuu Weydiiyay Nin Kale Oo Caaqil ah, Sidee Ayaan Ku Ogaan Karaa In Xaaskeyga Ay I Jeceshahay?

Published: March 21, 2014, 10:59 am

Nin ayaa wuxuu Weydiiyay Nin kale oo Caaqil ah, sidee ayaan ku Ogaan karaa in Xaaskeyga ay i Jeceshahay? Ninkii Caaqilka ahaa ayaa yiri waad Ogaaneysaa haddii ay Sameyso 10 Sheey oo aad jeceshahay. Ninkii ayaa yiri ii Sheeg 10ka Sheey. Ninkii Caaqilka ahaa ayaa yiri:-

1- Haddii ay Jeceshahay in ay wax ka Ogaato Qaabka aad Dadka ula Dhaqanto, Ogoow wey ku Jeceshahay.
2- Haddii aysan kaa Caroon markii aad ka Hortimaado Fikirkeeda.
3- Haddii ay kula Murugooto marka aad Murugeysan tahay.
4- Haddii ay kula Tashato mar walba ka Hor inta aysan Go’aan Gaarin.
5- Haddii ay ku Faraxdo marka aad Hadiyad u Keento, wax yarba ha ahaatee.

6- Haddii ay kaa Welwesho marka aad Maqan tahay.
7- Haddii aysan wax Dan ah ka laheyn, Lacagta ku soo Gasha.
8- Haddii ay mar walba ku Dadaasho waxa ku Farax Gelinaaya, waxa aad Dhibsaneysana kugu soo Hadal qaadin.
9- Haddii ay mar walba Mowduuc keento, si ay Kuula Sheekeysato oo kaliya.
10- Haddii ay kula joogto mar walba inta aad Guriga joogto, marka aad Qolka soo Gashaba ay kaa soo Daba Gasho.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply