fb

MUCJISO: Fal Naxdin Leh Oo Aan Horay Uga Dhicin Somalia, Wiil Maalin Cad Naftiisa…

Published: March 20, 2014, 8:34 pm

Meel ku dhaw Tiyaatarka Qaranka Somaliya ayaa waxa abaare 1:30 duhurnimo waxa isku dilay wiil dhalinyaro ahaa taasi oo dadku ay aad uga yaabeen.

Wiilkaan ayaa da’diisa lagu qiyaasay 18 ilaa 20 jir isagoo qori AK 47 uu lahaa walaalkiis oo katirsanaa Booliska Somaliya isku dilay iyadoo meydkiisa ay meesha ka qaadeen ciidamada booliska.

Sarkaal ka mid ah ciidankii booliska ee meydka soo qaaday ayaa sheegay inay baaritaano kusameyn doonaan waxa keenay in wiilkaasi dhalinyarada ahaa is dilo.

Dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa hore uga dhicin magaalada Muqdisho waxaase la arki jiray qof sun cabay jaceyl ama maseyr dartiis,dad jaceyl ay isku qabeen markii ay is heli waayeen isku dilay iyo arimo kale.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply