fb

Mo Farah Oo Cusbitaal Loo Qaaday (Maxaa Ku Dhacay?)

Published: March 16, 2014, 7:26 pm

Mo Farah ayaa dhulka ku dhacay islamarkaana cusbitaal loo qaaday ka dib markii uu kaalinta labaad ka soo galay tartanka half-marathon-ka ee ka dhacay New York City.

Orodyahankaan oo labo billadood oo Olimbikada adduunka ah ku guuleystay ayaa lagu sawiray isagoo dhulka yaala ka dib tartanka ka hor inta aan lagu qaadin gaariga dadka curyaanta ah isticmaalaan.

Farah ayaa dhacay kala bar intii uu tartanka socday laakiin waa uu soo kabsaday isagoo kaalinta labaad ku dhameystay waxaana kaalinta koowaad ka galay orodyahanka reer Kenya Geoffrey Mutai.

Waxa uu hogaaminayay orodyahano siddeed ah markii uu dhacay iyadoo si kama ah lugaha la isagu dhuftay.

_73612708_mmathfarahfallv1

30 jirkaan oo tartankaan New York ku guuleystay 2011 ayaa soo dib ugu laabtay tartanka laakiin waxaa dhicitaankiisa ka faa’deystay Mutai kaasoo kaalinta koowaad ku dhameystay.

Orodyahanka reer Kenya ayaa ku guuleystay 60 daqiiqadood iyo 50 ilbiriqsi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply