fb

Meydka Maxamed Saleebaan Tubeec oo berri lagu aasayo Muqdisho.

Published: March 15, 2014, 7:01 pm

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ahna ku-sumaha madaxweynaha
Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in maalinta berri ah magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameyn doono fannaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo
dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Jawaari ayaa sheegay in meydka marxuumka in laga soo qaaday Jermalka isla berrina laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u xil saartay aaska allaha ha u naxariisto Maxamed Saleebaan Tubeec maadama uu ahaa fannaan doorweyn ka soo qaatay horrumarka fanka iyo gobonimada Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan aaska loo sameenaayo marxuumka maadama uu ahaa fannaanka geeriyooday Soomaaliya oo dhan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply