fb

Maxaa Kal heysta 6 Hobol ee u Loolamayay Fananaka vs Fanaanada Sanadka 2013-2014..

Published: March 17, 2014, 12:00 am

Waxaa Maalintii 4 gashay Codeyntii EL Clasico ee loo Qaadayay Fanaanka vs Fanaanada Sanadka 2013-2014.waxaana Codeyntaan oo soo gaartay Kama dambeysta ay soconeysaa inta u dhaxeysa 12-20 Maarso 2014.
6 musharax ayaa isagu soo haray Finalka waxaana ay kala yihiin.

Dhinaca Wiilasha.

Axmed Cabdikariin Maxamed’ Axmed Biif’

Cabdirisaaq Yuusuf Xirsi’ Cabdi Holland’

Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan’ Nimcaan Hilaac’
Dhinaca hablaha waxaa ku hardamaya Finalak Fanaanada sanadka 2013-2014.
Farxiyo Axmed Cadaawe’ Farxiyo Fiska’
Hodan Cabdiraxmaan Dheere
Nimco Muxumed Xasan’ Nimco Dareen'[
Ilaa hada Codeyntu waxa ay u socotaa si habsami ah iyo Hanaankii logu Talagalay waxaana loolanka Fanaaniinta laga dareemayaa santuuqa Codseynta oo kala jiidasho xoogani ka jirto.
N.B Codeeyuhuw axa uu u codeyn karaa sidaan horay u sheegnay Wiil iyo Gabar,ama Wiil kaligii ama gabar kaligeed,uma codeyn karo 2 wiil ama 2 hablood Santuuq kaliya waxaana Codeynta lagu kala qaadi doonaa Cod hal dheeri ah sida sharcigu Qabo Maadam ay Finalkii Wareega 3 soo Gaartay.

Codeynta Fanaanka vs Fanaanada Sanadka 2013-2014 ayaa soo bilaabatay 25-2-2014 waxaan wareegii ugu Horeeyay ka qeybgalay 24 hobol oo isagu jiray Rag iyo Dumar,Wqarega sami finalka waxaa isagu so Haray 6 wiil iyo 6 Hablood,halka kan Finalka ee hada soconaya ay isagu soo ahreen kama dambeysta 3 Wiil iyo 3 Hablood


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply