fb

Hablayahoow Daaya Hagar Daamada “Dumarka Iyo Sidey Ragga Ula Dhaqmaan”..

Published: March 18, 2014, 3:48 pm

nin soomaaliyeed nin ma aha waxba kama yaqaano nolosha qoyska ,

ma yaqaano erayo roomaantik xagga gogoshana kaba daran nin ajnabi

ayaa ka fiican ;

waa hadalo ay isla dhexmaraan dumarka soomaaliyeed ; waa

dacaayad raqiis ah ;

nin soomaaliyeed waa nin wuu ahaan jiray wuuna ahaan doonaa

bulshadan soomaaliyeed oo meel walba joogta niman baa dhalay

mise waxaad ka maseyrteen kuwa anshaxa xun oo wadooyinka dhexdooda dhexda is haysta afkana afka isu galinaaya ;

hablaw ogaada ragga soomaaliyeed dhaxalkii awowgood bay dusha ku sitaane

erayga roomaatik hadaysan aqoon maad idinku bartaan idinkaa ilbaxnimo is bidayee macalin u noqo adigu bar wuu kaa daba dhihiye

u noqo dhul wuxuu kuu noqon samad ;

waxaad awoodaa inaad sacaadada gacmahaaga ku samaysato ;

haddii aad doonaysid inuu ubax kuu keeno u keen adiga marka hore .

dumarka ajnabiga sacaadada gacmahooda ayay ku keensadeen .

goorma ayaa roomaantik la idinkula  dhaqmaa gurigiiba buuq baad ku camirteene .

ilbaxnimadiiba waxaad moodeen I love you my dear .

ragga   soomaaliyeed inay waajibkooda dayacaan  idinkaa ka masuula .

intaad bac madow banaanka ugu soo tuurtaan  ayay darbiyada iska fadhiisteen qaarna fadhi ku dirir iska noqdeen .

idinka ayaa ka soo bixi waayay waajibkii alle idin saaray .

masuuliyad aydaan lahayna idinkaa dusha u ritay

idinkaa raggeenii sharafta lahaa ka dhigay naanaab duleysan .

dumarkii waxay ahaayeen kuwo raggooda ixtiraama oo hiil iyo hoo la garab taagan .

markaasay raggiina noqdeen kuwo wax ku ool ah .

dumarkii hore waxay ahaayeen kuwo gurigooda ku eg caruurtooda korsada

duqooda ka fikira aan warwareeg aqoon .

abidkoodna  afkooda lagama maqal roomaantik ma yaqaanaan iyo gogosha naguma qanciyo !!!

burburka ku dhaca qoyska soomaaliyeed qeyb weyn ayay ka qaataan arimahan .

hablayahow alle ka cabsada oo raggiina ihtimaam siiya .

marka hore islaaxiya naftiina waayo alle subxaanahu watacaalaa ma dooriyo qoom ilaa ay naftooda dooriyaan mooyee .

miyaadan alle ka cabsanayn markaad bac banaanka ugu soo tuurayso  ama police ku dacweynayso !!!

miyaadan ogayn in allah uu kula xisaabtami doono maalin aysan ku anfaceyn wax kale ilaa camal wanaagsan mooye .

waxaad ku caasiday rabigaa waxaad godob ka gashay caruurtaada aabahood

waxaad ku cayaartay mustaqbalka caruurtaada .

mise waxaa kula qurux badnaatay in laguugu yeero  (single mother) !!!

waxaa wax lala yaabo ah in gabadh muslimad ah in ninkii dad oo dhan

ka doortay oo noloshiisa ku aaminay in ay ku dacweyso police waliba gaal ah

caku!!! Arxan daranaa oo damiir la;aa!!!

Qeybtan hoose waxay doodi dhexmaraysaa ayeeyo ;hooyadii dhexe iyo hooyada cusub

Hooyada cusub;;iigu yeera police

Ayeeyo;ma tuug ayaa kuu soo galay

Hooyada cusub ;mayee ku baas baan rabaa inaan dacweeyo

Ayeeyo :acuudu billaahi waa kee kan baas

Hooyada cusub ;kii xumaaye aan ilmaha u dhalay

Ayeeyo ;inaa lillaahi waa ina illeyhi raajicuun

Hooyadii hore ;hooyo gabdhaha sabankaan waa sidaa

Ayeeyo ;alla hoogay tanoo kalena ma ii dambeysay ishii dhiman weydaa geel dhalaayana waa ku tustaa naa muxuu ku sameeyay

Hooyadii hore ;hooyo waxay leedahay roomaantik ma yaqaan

Ayeeyo ;roomaantikna muxuu ahaa ma roomadii talyaaniga

Hooyada cusub ;ayeeyo waad dambeysaa yacnii ma yaqaano I love you ;xabiibti cuntadana ilama kariyo !!!

Ayeeyo ;uuw uuw uuw war anagaa wax aragnay naa heedhe miyaad waalatay

Hooyadii hore ;hooyo waa dhaqan cusub ee ay la soo baxeen dumarka maanta

Hooyada cusub ;   gogashana iguma qanciyo

Ayeeyo; naa haduusan gogosha kugu qaniineyn waa nin fiican

Hooyada cusub; ayeeyo waxba laguuma sheegi karo qancin miyaadan aqoon

Hooyada hore ; hooyo waxay ka wadaa ……..waad fahamtay hooyo

Hooyada cusub ; qadadii wuu diiday inuu caruurta u kariyo

Ayeeyo ; ma qarqode ayaad mooday duf ku bax

Awoowgaa alle ha u raxmadee casarkii intaan weel la culay caano ku siiyo

Cishihi intaan sarar cusbaale ku casheysiiyo waa caafimaad ragge ayaan cawadiina cagaha u duugi jiray

Hooyada cusub; gumeysi buu kugu hayay awowgay markaan anoo daalan aan cagaha

U duugayo ma boqor baa

Ayeeyo; boqor kaliya ma ahan waa boqorka boqorada

Hooyadii hore : aniga intaan badarka tumo ayaan haddanna muufo dubis u kici

Jiray biyo soo dhaamin jiray waliba anigoo xaamilo ah

Hooyada cusub; waa laga soo tagay taas xornimaa nala siiyay oo xornimo kale la kor saaray

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaa hooyo kasta oo

Alle ka cabsata ninkeeda adeecda ubadkeeda quraanka barta

Hooyo kasta oo tasbiixda wehel ka dhigata af gaaban macruufka farta

Waxaan allah idinkaga baryayaa janadii fardowsa ahayd  aamiin

walaashiin (umu cabdi caziiz)

WQ: Fadumo Cabdi Geddi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply