fb

Hab Fudud Oo Dabiici Ah Aad Ku Heli Karto Bilicda Maqaarka Jirkaaga! “Qurxinta Jirka”.

Published: March 15, 2014, 11:20 am

Maqaark jirka oo ka mid ah meelaha lagu qiimeeyo quruxda uu qof leeyahay aya aad u muhiim tahay in uu qofku xanaaneeyo. Dadkuna waxa ay jecel yihiin haraga ama maqaaarka aan lahayn finan, dildilaac, laablaabanka gabawga iyo nabaro.

hadaba si aan u ilaalino maqaarka jirkeena talaabooyinkan ayaa inoo sahlaya in aan ka hortagno waxyabaha  dhibateyn kara si uu inagu noqdo mid bilicsami iyo caafimaad badan qaba:

hurdo kugu filan:  in aad hesho hurdo kugu filan aya waxa ay  kaalin mug leh ka qaadaneysa  daryeelka  maqaarka jirkaga  balse hurdo la’aanta aya waxa ay ku horseda  in maqarka jirkaga  uu noqdo mid qalalan oo  doorsomay halisna u noqon kara in xaalado aan wanagsaneyn uu wajaho sida  nabro ama finan in uu yeesho, ka hor inta aadan seexan iska ilaali in aad cabto waxyabaha alcoholka  iyo qaxwada ama cafe hana cunin contooyin culculus.

Nafaqaad isku dheeli tiran:  hurdo kugu filan in aad hesho kaliya qeyb kama qaadan karto dhal dhalaalka iyo bilicsamida jirkaga  waa in aad qaadata cunooyin isku dheeli tiran oo nafaqo badan siin kara jirkaga sida vitamin C  iyo cunoyinka proteinska leh si aad u hesho  maqar quruxsan oo caafimaad qaba

Waxaa aad u mahiim ah in aad mayrato wajiga ka hor inta aadan seexan maxaa yeelay  waxa laga yabaa in aad dhidido maalinta islamarahantana uu jirkaga ku qalalo, dhididkuna waa cusbo, cusbadana waxa ay xeyn daab ku noqoneysaa   dulduleelada uu maqaarka hawada ka heli lahaa, waxana haboon in aad mayrato si aad u dareento istareex iyo fir fircooni.

KaI ilaali Haragaga inuu qalalnado:  maqaarka jirkaga mar waliba wuxuu u baahan yahay in uu ahado mid  dhaldhalaalya oo dux leh  waa in aad  ka taxadar lahaata waxyabaha lumin kara ama u horseedi kara in uu jirkaga qalalnado  waxana siyabo aad kaga hortagi karto sida adigo caba biyo badan , isticmaala creamdka nafaqeysan ee duxda siin kara jirkaga.

Baro nuuca hargaaga: waxa muhiim ah  in aad ogsoonato oo aad aqoon dheeri ah u yeelato nuuca uu yahay hargaaga si aad ula tacasho waxyabaha uu u baahnyahay kana feejignato  waxyabaha dhibateyn kara , nuucyada uu noqon karo  hargaga aya ah in uu yahay mid qalalan, ama in uu yahay  nuuca  saliida leh  iyo mid caadi ah.

Arimaha aadka muhiimka u ah maqaarka ayaa ah qofka oo caba biyo badan, cuno khudrad badan, isticmaalo saabuun sax ah,  joojiyo cabida sigaarka iskana ilaaliyo waxyaalaha jirka lagu cadeeyo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply