fb

Guurka Badan Ma Ragga Keliya Ayuu Dan U Yahay Ama Dumarkana Waa U Dan??!!!

Published: March 20, 2014, 11:09 am

Sida badan gabadha lala guursado waxaa ku soo dagdageysa in ninkeedii ka daneystay oo ka talo baxay ma haddii uu reer kale sameystay,guurka
ninkeedana waxay u fahmeysaa in uu kaligiis dan u yahah iyadana ayna wax maslaxad ahi ugu jirin.

Wey dhici kartaa in fikraddaasi sax noqoto marka lagu dabaqo ragga qayb ka mid ah oo aan caddaaladda ilaalinin, ama ujeedada guurkooduba ay tahay dal doorsi iyo tijaabi mid cusub, waxaase dhinaca kale jira faa’iidooyin badan oo gabadha lala guursaday ay heleyso, faa’iidooyinkaasna waxaa ka mid ah:

1.waxay heleysaa ilme kuweeda la walaalo ah oo ayna dhalmadooda iyo korintooda ku dhibtoonin, marar badanna waxaaba dhacda inay uga wax tar bataan kuwii ay iyadu dhashay, haddii aad adigu naftaada ka qiyaas qaadatana waxaad ogtahay in aayadaa ama xaaska aabahaa ay hooyadaa kuula mid tahay oo aad u qaddariso sidii hooyadaa oo kale, waliba waxaan ogahay dhallin yaro badan oo biila xaaskii aabohood una xil qaba.

2. Carruurta xaaska ninkaagu dhashay waxay garab u noqonayaan carruurta aad adigu dhashay waxaana in badan dhacda inay walaalohoodaas
dhaqaale ahaan iyo tarbiyo ahaanba u baxsadaan adiga oo nool ama dhintayba.

3. Waxaa gabadha lala guursaday ka kala yaraanayaa cukeyskii ninka, waxayna ka nasaneysaa dhar maydhkii joogtada ahaa iyo cunta
karintii mar walba sugeysay, waxaana u soo baxaya wakhti ay ku nasato, daneheeda gaarka ah ku qabsato, ama ay wax ku barato, mar haddii mashquulkii ninku ku hayay ka yaraado.

4. Gabadha lala guursaday waxaa u soo kordhay saaxiibad ay isku qoys yihiin oo ay waxyaabo badan oo qoyskooda anfacaya isu kaashan karaan,
saaxiibadda lala qabana way uga showdahay saaxiibada kale maxaa yeelay waa isku qoys waana isku dan carruurtooduna waa walaalo.

5. Ninka ku eg xaasas la ogyahay oo uu xalaal ku gursaday wuxuu ka fiicanyahay ninka magaalada iska jibaaxaya ee haddana la moodayo inuu hal xaas ku egyahay, cudurro iyo mashaqooyin dhinacaas ka iman lahaana waa laga badbaadayaa, sidoo kale waxaa lagag badbaadayaa inuu ninku ku khiyaameeyo oo uu meelo xun xun u dhuunto, sida maanta dunida isku sii deyska ah ka jirta

W/Q Abuu xassaan xasan ibrahim.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply