fb

Gabar Soomaaliyeed Oo Sheikh Idirs Weydiisay Ninkeyga Qaadka Uu Cuno Ma Iskaga Furi Karaa..??!!

Published: March 16, 2014, 11:00 am

Asalamu caleykum shiq Allah qeyr haa idin ka siyo wanaga ad sameyneysan dhaman culumada

Shiqoow sual an qaba hada wax iga dhihi karto adigo raali ah. Shiq nin aya I qabo dhib neh wan ku qaba wayo jaadka ayoo cuna wana ka ceelin la ahay gedkas.

Labo wadan ayan kala jognay gurkena 2 sano ugu horeysay. will aya ilahay iga siyeey Allxamdulilah wilkeyga 10 bilood ah ayan England uso guray markan uu imid neh waxan ayan ku argay ben buu ii shegay oo wuxu dhahay jaadka wan iska dhaafay…

Markan uu imid neh wan arkay inu ben shegay usan iska dhaafin kedkas wan xanaqay wuu ii dajiyey wuxu dhahay wan dhaafa. Adiga mudo 3 sano wada jogna hada, 3 taas sano sabar iyo malin ayuu iska dhaafi dona ayan niyada ku sabsabi jiray iyo gabar walashey oo markasto igu bararun jirtay ina reerkeyga dhaqto ana ninka waniyo , calafkana waa meelshisa.

Horta sidisa kale nin fican salada wuu tugada marko oo so jeedo usan jaad cunun.. waa qof dadkeyga wanajiyo hadu wax hasto iga ma xasdo…. gabar ayaa laa igu so qalay markasto wuu ii naxa…

lakin dhibka an qabo waa jaadka. Shiqoow reerkeyga wan jecelahay ilmo iyo abahood neh wey isku bahan yihin I know lakin heer waxan marayaa markan jaadka argo dhiga igu kaca madaxa ayaa ii xanuna xanaq dartis waxana daremaya inusan joojin karo lakin usan raban….

marka wan is weydiya reerkan danta adiga bes kugu jirto waa maxay….wayo asagaba hadu reerkisa uu naxayo waxan wuu dhaafi laha.. waa wax Alle rali ka ahen…mana rabi iney ilmaha iga arkan dariqas xun. sheeqow markan sualsheyda waa hadan an ninkas furin ka codsado wax danbi ah miya iga so garayo?

Sheikh intan ka badan ma sabri karo anigoo firinayo xalada caafimadkeyga iyo waxas xun ee carurta iga argeyso…abaha waa ina wax fican loga dayan karo . Ninkas wanagisa iyo ficantisa kale waxa igala xoog badan dhibka jaadka. Marka shiqoow iga raali ahoow qoralka
—-////———

Wac salam

Walaal horta qaad wax la noco waa yahay mana fiicna waana waxa soomaali halkaa dhigay, hase yeeshee walaal halkan waxad ii sheegtay qoys dhisan ilmana leh ninku waa tukadaa reerkana waa daryeelaa xaaskiisana waa jecelyahay ehelkeeda wuu karameyaa gacantiisu ma adka,

Ninka saa u fiican iintiisu waa qaadka, hadaba adduunka walaashay waxaan iin lahayn la waa, rag iyo dumar, ee waxaa la eegaa sida dhib yar, iyo iimaha sidey u kala khatarsan yihiin, marka adigu khayr badan ayaad haysataa walaal, dhibka yaree jirana ku sabir oo u dulqaado,

Hadaad si fiican oo xikmadaysan odaga u shubaalisana waxaa dhici karta inaad ka goyso balwadaas, guriguna inuu dumo cidna maslaxa uma aha oo aad adigu ugu horrayso, furriin iyo warkiisana aflaaga hasoo marin, caruurtana ha baylihin, ilaahayna u bari, wax u sadaqay, habeenkii ducada ugu dadaal in ilaahay ka madoobeeyo, wax kaa farxiya oo khayra allaha ku siiyo wabillahi tawfiiq


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply