fb

DAAWO SAWIRADA:-Somaliya oo kasoo muuqatay Shir Caalami

Published: March 18, 2014, 5:58 pm

Magaalada Jeneva ee dalka Switzerland waxaa si rasmi ah uga furmay shalay oo Isniin aheyd 17ka bisha March shirka Midowga Baarlamaannada Caalamka ee Inter Parliament Union (IPU) ayadoo shirkaasina uu Soomaaliya uga qeybgalayo Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen (Coonka) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa furay Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon oo New York isaga oo jooga khudbad dhanka internetka jeediyey waxaana markaasi kadib la wareegay Xoghayaha guud ee IPU Mr Andenrs Jonson oo isagu khudbaddiisa ku muujiyey muhiimadda ay leedahay in Baarlamaannada Caalamka ay xiligan yeeshaan iskaashi iyo wadashqeyn joogta ah.

Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen (Coonka)oo Soomaaliya shirkan u metelaya ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay xubnaha ka socda walaalaha Jabuuti ee shirka u meteleya,wafdiga ka socda Baarlamaanka dalka Uganda,wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayo afhayeenkooda Baarlamaanka Abuu Axmed iyo gudiga Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyahooda Baarlamaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku guuleystay inuu si buuxda usoo ceshado mudo 40 sano ah kadib xubinnimadiisa midowga Baarlamaannada Caalamka ee (IPU) waxaana maalinnimada khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 20-March magaalada Jeneva ka dhici doonta doorashada Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaannada Caalamka.

 

137139 143144153155158160162168169


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply