fb

DAAWO SAWIRADA:-Aaskii Qaran ee Muqdisho Loogu Sameyay Marxuum Tubeec

Published: March 16, 2014, 1:27 pm

Allaha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa maanta waxaa si weyn loogu aasay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, markii maanta meydkiisii laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde.

Marxuumka, ayaa waxaa lagu aasay Khabuuraha School Polizio, oo kaabiga ku haaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaasi loogu aasay ammaanka oo sugan.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Saraaiisha Ciidanka, Abwaanada, Fanaaniinta, ehelada marxuumka iyo qaybaha bulshada Somaliyeed, ayaa ka qaybgalay aaska Boqorkii Codka.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in Maxamed Saleebaan Tubeec uu ahaa, mid si weyn saamayn ugu lahaa Suugaanta Wadanka, wuxuuna qaaday sida uu qabo heeso Wadani ah, oo aad u qiiro badnaa.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa markale tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii, asxaabtiidii iyo Ummada Somaliyeed, oo uu ka baxay Hobolkii weynaa ee Tubeec.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Tubeec, ayaa waxaa ka soo muuqday wiilashii uu dhalay, sida Mustaf Maxamed Saleebaan, Mahdi Maxamed Saleebaan iyo Faysal Maxamed Saleebaan. Sidoo kalana waxaa ka soo muuqday xaasaskiisii Faadumo Duur iyo Khadiija Ismaaciil.













HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply