fb

‘Calafkaa Adeego, Ina Kale CarawShaye, Ebed Kuma Cidleeyeen. Qormada IsbuuCa & Qalinka WaaSuge’

Published: March 21, 2014, 10:46 am

Waxaa hubaal in calafku yahay midka qura ee muujiya ficilka dhabta ah ee aadmiga kaasoo sameeyo hadba macno keeni farxad ama murugo, waxaan oga gol leeyahay weedha maldahan ee aan ku ibo furey qormada in aadmigu yaqiinsado wax kastaahi in aay ku bilaawdaan calaf kuna dhamaadaan calaf nolosha aduunyada.

Mudo ayaa ka soo wareegatay markii war iyo wacaal laga waayey faysal taasina waxa ay wal wal iyo walaac joogta ah ku abuurtay ‘Amal’ oo aheed ruux si baaxad wayn u jecel faysal aadna uga murugoon jirtay halka uu ku danbeeyo ama ku sugan yahay maadaama faysal ku noolaa wadan aad u halis badan layskuna dilo.

Laakin shibta iyo war la,aanta sii kordheeysaahi faysal wuu u bareeyey oo afkiisa baa juuqda gabay kadib markii uu yagleeley guur uusan ka fiirsan ee lagu sidkey iyo taaba galinta amar waalid oo aan meel looga fakahaani jirin dusha looga awday, waxuuna go,aansadey inuu afka gacmaha saarrto waayo ma,uusan heli karayn jawaab waafiya oo wax u tareeysa Amal oo aheed inan u hanwayneed helitaanka faysal iyo noloshiisa.

Ku dhawaad sanad ayaa laga joogaa markii isugu war danbeeysay labadooda faysal waxuu ka haajirey kana takoormey dhamaan goobaha adeega bulshada waxuuna noqdey qunyar socod asagoo badalay dhamaanba qaab nololeedkiisii lagu yaqiiney ee uu caanka ku ahaa, saldhigeedu waxa uu yahay inuu ogaa godobta uu ka galay inantii jecleed ee mudada badan usoo sabreeysay sugeeysana ka mira dhalinta xariirkooda jaceylka. !

Hal sano ka dib ayuu faysal go,aansaday inuu runta shaaca ka qaado isla markaana la xariiro amal si uu bal ugu sheego waxii dhacay ee kalifey dhagaha awdan iyo afkan aamusan waxuuna u direy dhanbaal qoraal ah. ‘Calafkaa Adeego, Ina Kale CarwShaye, Ebed Kuma Cidleeyeen: Bilowga dhanbaalkiisa iyo ujeedadiisa.

Asc: Salaan ka dib, waa walaalka faysal marna lamaanahaadii dhabta ahaa ee aadan mudo is arag, abaayo aad baan uga xumahay waxa dhacay iyo isa seega dhaxdeena yimid intaba balse waa qorneed qardarta Alle. Shaqsi ahaan aad baan u caafimaad qabaa Alle wuu ii gar gaarey abaayo adigana waxaan Eebe ka rajeynayaa ka wacan teyda kana aayo wanaagsan mar walba iyo meel walbaba, waxaa intaas ii dheer oo kaa danbeeyey.

Sababta keentey maqnaashaheyga sanadlaha ah wax kale maahan ee waan u bareeray waxaana waayey waji iyo wado aan ku soo maro marba hadii aan ka baxay balankii iyo wacadkii dhaxdeena ahaa abaayo waxaan ula macno jeedaa inaan guursaday oo aah haatan leeyahay reer, in kastoonan guurkaasi ku faraxsanyn ee waalidku amarkiisa I dul dhigey haatan waaan ku qanacsanahay oo waan la qabsaday nolosha reerkeyga.

Aad baan uga xumahay inaan ku guul dareysto hanashadaada aad baan uga xumahaya inaan ku hungoobo ka mira dhalinta farxadaada aad baan uga xumahay inaan diiwaanka u galo godob iyo nabsi balse waxaad ogaataa laabteyda iyo dhamaanteydaba inaan ka bari ahay balse mar walba aanan laga baxsan amar waalid.

Xagaada ma ogi waxa kugu soo kordhey ilaa maalinkii iigu kaa danbeeysay hadii aad wali sidii tahay waxaan doonayaa inaan dabarka kaa furo oo aad u sahan tagto mustaqbalkaada aduun anigoo kaa raali galinayo xanibaada aan u dul saarey, hadii aad iga tashatay oo aad reer yeelatayna waxaan Allaha Awooda Sare leh kaaga baryayaa nolol aayatiin wacan iyo qoys raasimaal badan, aduunyado waa imtixaan mar walba ogoow.

Ugu danbeeyntii qoyskeeyga haadan waa nabad qabaa waxaan leeyahay jaro wanaagsan haduu eebo inoo kaamilayo insha Allah waxaan rajeynayaa ubad qeyr qabba adigana waxaan kugu duceynaa caafimaad iyo inaad mar walba asaagaada ugu horeeyso, mar kale waxaan ku leeyahay waan ka xumahay waxii dhacay.

Waxaan ahay mid kaa dalbanaayo cafis waxaana hubaal ah inaadan maankeyga ka go,i doonin marnaba. Amal waxa aay u marqaati noqotey dhanbaalkii faysal oo aay daalacatay aqrisatay marar badana ku laabatay in kastooy la yaab ku noqotay bilowga hore ee qoraalka hadana waxay ku qanacdey diiwan dhanbaalka.

Si la mid ah ugu duceeysay faysal oo ay u rajeeysay aayatiin qeyr qaba ayaduna waxay waaga baryaa u sahan tagtey mustabalkeeda iyo xal u raadinta mushkiladeeda aduun, laabdoodiiba sidaas ayeey ku kale ahaadeen ifka. !!

Maxaa kaaga baxay Qisada oo qalad ama sax ah ? Waa sidee Fakarkaada ku aadan sida uu sameeyey faysal? Intaas ayaan kusoo gaba gabaynaya qsida isbuuca iyo qalinka waasuge inta aan dib u kulmi doono kobciyemedia.com N/Galyo.

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply