fb

Bishaan oo kale Maarso waxaa lagu Xasuustaa 2 Boqor ee Codka AUN Tubeec vs Magool ( Wax ka baro Suugaantoodii )………

Published: March 17, 2014, 12:00 am

Bishaan oo kale Maarso waxa lagu Xasuusan doonaa Geerida Fanaaniinta Boqorka iyo Boqoradii Codka Maxamed Suleebaan Tubeec iyo Xaliimo Khaliif Cumar ‘ Magool’ oo ku kala geeryooday Jarmalka iyo Hoolland 11 Maarso 2014 vs 19 Maarso 2004.

Hadaba Maanta waxaan idin soo gudbineynaa Suugaanta lagu Xasuusto 2 daasi Hobol ee Caanka ahaa kana tirsanaa Hoboladi Waabari.

aan ku horeyno AUN Boqorkii Codka Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu geeryooday 11-3-2014 Jarmalka ayuu ku geeryooday Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu deganaa Xafaada Horseed ee degmada Waabari intii aanu ka soo bixin Muqdisho.
Heesaha lagu xasuusto Maxamed saleebaan Tubeec waxa ka mida.

Heesaha Wadaniga ee lagu xasuusto Maxamed Saleebaan Tubeec waxaa ka mida,

Gobonimada. oo ay wada qaadaan Hibo Maxamed Hudoon Hibo Nuura

Qolo Qolo

Nin ku siray Wax kuu sheeg. heestaan waxa ay wada qaadaan AUN Xaliimo Khaliif Cumar ‘Magool’Salaad Maxamed Shardi ‘ Salaad’Darbi iyo Fanaanada Saynab Cige Maxamed

Sheydaan Maroole.

Biyo Caafimaad.

Talahaan ku dhaartaye

Kuwii Xumaha Diiday

Wadankeyga

Jaamacada Carabta. Tubeec vs Hobolada Waabari
Dabin. Tubeec vs Hobolada Waabari

Difaac. oo ay wada qaadaan Fanaanada Khadro Daahir Cige

hadaan soo qaato Heesaha Dabcsan ee lagu Xasuusto waxaa ka mida.

Aroor

Hooyo

Waqti

Raaxo

Kaar

Higsad

Hayaan
Hooyo Nuura

Daraadaa Muxubeey

Magan

Miyaad Caawa Moog tahay

Nasteexo

Deeqo

Riyo

Caloolyoow

Dhoolgu

Cimrigiiba Jaceyl

Gufaaco

Jano

Cilmi
Masno
Abuuteeris

Jaceyl dhidibka Aastay

Hidiyoo Hidii

Malyuun Hibo

Adna Ma ila heysaa

Ruuneey Isoo eeg

Bal dad yahow Aduunka

Igu soo dhawoow

Ku Hirasho

Ladanoow Labadeenu

Gunuunuc

Jaceyl dhiig Ma lagu qoray

Sida Laba Mataanaa

Jaawa Geel

Heen seeyay

Hami iyo Jaceyl

Barni

Jaawa Geel.

Ubax Ma u talaal naa

Nasteexo

Kaftan.

Hablaha uu la qqaaday Heesaha Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec waxaa ka mid ah

AUN Xaliimo Qaliif Magool.

Faadumo Cabdulaahi Kaahin’ Maandeeq’

Maryan Mursal Ciise

AUN Marwo Maxamed Ismaaciil

Aamino Feer Xuseen

Nimco Yaasiin Caraale
Heesaha Dabacsan ee uu La qaaday Hablaha waxa ka mid ah.

Minankiina.Neyruus, sida sida, Aramida oo ay Wada qaadeen AUN Magool

Guryosamo,Toogo Waa Ma Huraan oo ay wada qaadeen Maandeeq

Taladaan La ruugin oo ay wada qaadeen Maryan Mursal Ciise
Ha iga goosan oo ay wada qaadeen Aamino Feer Xuseen

Haye Gacale Nabad oo ay wada qaadeen Nimco Yaasiin

Haatana aan soo qaato AUN Boqoradii Codka Magool waxa ay ku geeryootay Isbitaal ku Yaala Dalak Holland 19-3-2004 waxaan meydkeeda lagua asay Qabuuraha Ceelasha Biyaha ee Duuleedka Muqdisho iyo Afgooye.

AUN Magool waxa ay deganeyd xaafada Taleex ee degmada Hodan waa la kulmay waana wareystay Sanadihii 90 meeyadii waxana ay ii Sheegtay in Heesaha ugu Badan talantaaliga ay la qaaday AUN Cismaan Maxamed Cabdikariin’Gacalo’ sidoo kalana Fanaaniinta ay heesha Wada Qaadeen ay yihiin Fanaaniin Magac ku lahaa Fanka.

AUN Xaliimo Khaliif Cumar’ Magool’Heeso dabacsan iyo kuwa wadani ah ayey qaaday waxaana ay ka qeybgashay Ruwaayada fara badan iyadoo Ruwaayadahaasi qaarkood ay markaasi ka ahayeen Aktarka 1 iyo aktarada 1 ee dhinaca Heesaha AUn Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo ay bishaan oo kale ku kala geeryoodeen Wadamada Holland iyo Jarmalka,waxaan Ruwayaadihii ay ka dhex muuqdeen 2 Hobol ka mid ahaa Aabaheey Ka samraye Adiga oo uu sameeyay Abwaan AUN Maxamed Cali Kaariye iyo Ruwaayadii Jaceyl Boob Uma baahna oo uu sameeyay Abwaan Cabdulqaadir Cali Cigaal’ Ciro’

Heesaha lagu Xasuusto Boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Magool waxa ka mida iyo raga ay la qaaday Heesaha

Marka hore fanaaniinta dhinaca Wiilasha o ay isla qaadeen Heesaha Talantaaliga waxaana ka mid ahaa * Maxamed Suleymaan Tubeec ‘Boqorkii Codka’ * Xasan Aadan Samatar * Cusmaan Maxamed Cabdikariin ‘Gacanlo’ * Maxamed Mooge Liibaan * Axmed Mooge Liibaan * Axmed Cali Cigaal * Cabdisalaad Aadan Beerdilaacshe * Axmed Good Shimbir * Xasan Diiriye Faarax * Maxamed Warsame Qasaali * Maxamed Axmed Kuluc * Cabdiqadar Xasan xuseen * Muuse Ismaaciil Qalinle

Heesaha ay la qaaday Fanaaniintaasi kuwii ugu Cadcadaa waxaa ka mid ahaa

* Sida sida.Aramida * Neyruus * Minankiina * Weyrax * Qormo * Amaantaada * u hub qaado meel kale * Dadnimada Aqoonso . * Aan Is helno * Raxmad * Anba kula Mid baan ahay. * Sida Canabka beeraha. * Dhoof dhoof * Deeqo iyo Daahir * Boqorkii Quruxda * Dhoof Dhoof * Aqoon * Dalsan * Dhab U fiirso. * Goroyo Cowl * Caashaqa ha baayicin. * Imadadaali * Ma Macaatay Sheekadu. Heesta Miyaad oo uu sameeyay Alaha u naxariistee Abwaan Xuseen Ow Faarax Dubad ayey wada qaadeen Magool,Axmed Mooge,maryan Mursal iyo Cumar dhuule .

sidoo kale Heesta wadaniga ah heesta la magacbaxday NIN ku siray Wax kuu sheeg ayey Wada qaadeen Magool,tubeec.salaad darbi iyo Seynab Cige. Heesaha Wadaniga ee lagu xasuusto AUN Xaliimo Khaliif Magool waxaa ka mida.Geesiga Birta ah,Africooy Hurudooy,Soomali dhooylaay,dulmi diidow oo ay wada qaadeen Magool,Haboon cabdulaahi iyo hanuuniye

. heesaha dabacsan oo ay caanka ku tahay magool aad bay u fara badan yihiin waxaana kuwa laga tilmaami karo ka mida

. Jowhara luula

subcis

jaceyl dhiig ma lagu qoray

banaadiri

Caashaqii ku dhaga tira

kii dhabaa jaceylka

Aleylehe jaceylkii

Wabiyo Isku Ooman

Kal caano galeen

Armuu idiidaa

Raadkii jaceylka

haboonow

inaan Bogsadaan Is Moodaa

Masal guuro Caashaqu

jaceyl igu ekaa

shimbir

day dayaa ma daalo

Jaaw Nabad galyo

iyo kuwa kale

waxa ay ka qeybgashay Ruwaayado fara badan iyo bandhig faneedyo ka kala dhacay Gudaha iyo Dibada,Ruwaayadihii ay ka qeybgashay waxaa ka mida ahaa, Aabaheey ka samraye adiga,Jaceyl Boob uma Baahna, Dumistii aqalkeyga iyo Arooskii inankeyga, Hagardaamada guurka haatan yaa ka masuula iyo kuwa kale

AUN Xaliimo Khaliif Cumar Magool mar aan weydiiyay heesaha ay sida gaarka ah ugu luqeyso Heesta sida weyn qalbigeeda uu u soo maaxdo waxa ay sheegtay in heesaheeda ay wada jeceshay midkastana tan kale ka daran tahay balse waxa ay qirtay in Heesta Deydayaa Madaalo ay si gaara ugu weyn tahay,

AUN,Janadii Fardowso Alaha ka Waarabiyo Marxuumiinta geeryooday19 Maarso 2004 vs 11Maarso 2014 Boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Cumar’ Magool’ iyo Boqorkii Codka Maxamed Saleebaan Tubeec.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply