fb

Akhriso Shantaan Qodob Haddii Aad Rabto In Aad Guul Ka Gaarto Noloshaada…

Published: March 18, 2014, 12:00 am

Akhriste ku soo dhawow maqaal ka hadlay sidda horrumar iyo guul uu qofka ku gaari karo.

Muhiimadda Ay Leedahay Is-Hormarintu Waxa Ka Mid Ah:

* Ugu Horeyn Ma Jiraan Aduunkaan Wax Sugan, Ee Isbedel Joogta Ah Ayaynu Ku Jirnaa, Sidaa Darteed Waxaa Loo Baahanyahay Sidii Loola Qabsan Lahaa Isbadaladaas, Uuna Qofku Si Joogta Ah Isu Hormarinlahaa Si Uusan Uga Harin Tareenka Nolosha.

* Waxaa Kaloo Jirta Baahi Joogta Ah Oo Ah Dhinaca Xirfada Iyo Macluumaadka Intaba, Qof Kastana Wuxuu U Baahan Yahay Si Joogta Ah Inuu U Baadi Goobo.

* Suuqyadda Shaqadda Ma Naxariistaan Ee Waxay U Baahanyihiin Xirfado Cusub Iyo Macluumaad Dheeri Ah. Hadii Aadan Aheyn Qof Si Joogta Ah Isku Hormariya, Tartanka Shaqadda Waad Ka Hareysaa, Wayna Kugu Adkaaneysaa In Aad La Qabsatid Shaqadda.

* Culaysyadda Nolosha Soo Wajaha Weey Badan Yihiin Sidaa Daraadeed Waxaad U Baahan Tahay In Aad Markasta Baratid Tabaha Iyo Sidii Aad Ula Dhaqmi Laheed Ama Uga Gudbi Laheed Culeeysyadaas. Tiirarka Eey Ku Taagan Tahay Is-Hormarinta Wax Kasta Sal Iyo Asaas Ayey Leeyihiin.

Hadaba Halkan Waxaan Si Kooban Ugu Sharxi Doonaa Shanta Tiir Ee Is-Hormarintu Ku Taagantahay.

Waxayna Kala Yihiin Sidan Hoos Ku Qoran:

1. Waa In Aad Istaqaano Qofku Waa In Uu Isweydiiyaa Kumaa Tahay? Maxeyse Tahay Awoodaada Iyo Xirfadda Aad Leedahay? Hadii Uusan Qofku Su’aalahaas Jawaab Rasmi Ah U Helin, Waxaa Ku Adkaan Doonta Inuu Is-Hormariyo.

2. Waa In Eey Kuu Cadahay Waxa Aad Ka Damacsantahay Noloshaada. Waxaa Loola Jeedaa Qofku Waa In Uu Leeyahay Qoraal Cad Oo Cadeynaya Hadafka Uu Leeyahay Kuwo Dhow (Short Term Goals) Iyo Kuwo Fogba (Long Term Goals). Hadafyada Fogi Waa Kuwa Lagu Higsado Gaaritankooda Mudo Ka Badan Sanad Sida In Uu Qaato Degree Jaamacadeed Iwm.

Hadafyada Dhawi Waa Kuwa Lagu Higsado Gaaritaankooda Mudo Sand Ama Ka Yar Ah,Waxeeyna U Adeegaan Sidii Lagu Gaari Lahaa Hadafyada Fog Sida Barasho Loqadeed Iwm. Taasi Macnaheedu Waa In Qofku Leeyahay Meel Uu Ka Duulayo, Ogyahayna Meesha Uu U Socdo, Laakiin Hadii Uusan Ogeyn Meesha Uu U Socdo Iyo Meesha Uu Hada Joogo Waxaa Cad In Uu Ku Fashilmayo Is-Hormarintiisa.

3. Waa In Aad Taqaanid Sida Aad Ula Dhaqmi Laheyd Naftaada Iyo Dadka Kale Intaba Waa In Aad Taqaanid Waxa Aad Ka Rabtid Ama Ka Damacsantahay Nafsadaada Iyo Tan Dadka Kaleba, Aadna Ka Dhaadhicin Kartid Waxa Aad Damacsantahay, Weydiin Kartidna Waxa Aadan Fahmin, Adigoo Adeegsanaya Qaabka Iyo Sida Ugu Wacan Ee Lagula Xeriiro Dadka Kale.

Hadaba Waa Lama Huraan In Aad Hormarisid Xirfadaha Kaa Kaalmeynaya Xeriirka Iyo Bulshanimadda, Isla Markaana Aad Ogaatid In Ay Lama Huraantahay In Aad Xeriir Fiican La Yeelatid Dadka Kale, Ogowna Waxa Kula Saxani, Qof Kale Waa Ay La Qaldanaan Karaan.

Tusaale Ahaan 20 Qofood Hadii Aad Weydiisid “Maxaa La Dhahaa GUUL?” Mid Kasta Sib Uyuu Kuugu Sheegayaa Taasoo Ah Sida Uu U Arko Inay Tahay Guusha Macnaheeda. Sidaa Darted Waa In Aad Taqaanaa Sida Aad Ula Dhaqmi Laheyd Naftaada Iyo Tan Dadka Kale Intaba.

4. Waa In Aad Leedahay Xirfad Aad Kaga Faa’iideysankartid Hantidaada Waxaa Loola Jeedaa In Aad Leedahay Hanti Aad Uga Maarmi Kartid In Aad Dad Kale Wax Weydiisatid.Soomaalida Ayaa Tiraahda “Bukto Badan Iyo Baryo Badan Waa La Isku Nacaa” Taasi Waxay Kugu Dhiiri Galinaysaa In Aad Abuuratid Illo Dhaqaaleed. Maxaa Yeelay Hadii Aadan Heysan Lacag Aad Isku Hormarisid Ama Aad Isku Maal Galisid Is-Hormarintu Wey Adag Tahay In Ay Sidii La Rabay Noqoto.

5. Waa In Aad Leedahay Xirfado Aad Wax Isku Bari Kartid Tani Waxay Tilmaameysaa Awooda Aad U Leedahay In Aad Si Fudud Ama Dhaqso Ah Ku Heli Kartid Kuna Kobcin Kartid Macluumaadka Iyo Cilmigaagaba, Adigoo Adeegsanaya Marba Xirfadda Aad U Baahantahay Ee Kaa Kaalmeyneysa Waxa Aad Ubaahantahay.

Tusaale Ahaan Maanta Oo Caalamkii Uu Noqday Tuulo Oo Kale (Global Village), Oo Macluumaad Kasta Aad Ku Heli Kartid Muddo Kooban, Bal Kawaran Hadii Aadan Aqoonin Sida Loo Adeegsado Internet-Ka. Sidaa Daraadeed Waa In Aad Abuurtaa Amaba Kordhisaa Xirfadaha Kugu Saacidaya Kororsiga Cilmiga. Shantaan Tiir Ee Aan Soo Sheegay, Ayaa U Ah Jiridka Ay Ku Taagantahay Is-Hormarinta, La’aantoodna Ay Adagtahay Inuu Qofku Is-Hormariyo. Hadaad Jeceshay Guul Iyo Hadaf Horumar Leh Waa Kan

W/Q: Wariye Cawaale Warsame Sandhool


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply