fb

Akhriso Qormo Cajiib Ah Gabadh Diiday Iney Wiil Saaxiib Ka Dhigato & Ayadoo Qirtay Sababtee U Diiday..

Published: March 19, 2014, 12:07 pm

Mid ka mid ah iyaga (ragga) ayaa weydiintan igu kediyay “horta quruxeey maxaad saaxiib (wiil aan ku qabin) u yeelan weyday?”

“Su’aasha aad i weydiisay way khaldan tahay!” ayaan u celiyay.

Aad ayuu indhaha u taag taagay waxaanan wejigiisa ka akhristay in uu is lahaa inantu jawaab adakaa; midda kale ma meel bay u sii taallay dhowaa falcelinteedu. Isaga oon weli erey ka soo bixin ayaan ku idhi “walaal maxaad igula jeclaatay in aan wiil la saaxiibo?”

Markan wejigiisa wuxuu ku sawiray dhoollacaddayn aan dibnaha dhaafsiisnayn (Plastic Smile) laakiin indhihiisa ayaa ka markhaati kacayay in aanay warcelin ka soo socon. Ka dib ayaan go’aansaday in aan u sheego sidan “Ina Aabbo, waxaa kaa muuqata in aanad sabab xoog badan u haynin soo jeedintaada; laakiin anigu sababo dhowr ah oo muhiim ah ayaan u haystaa in aanan wiil xidhiidh gacaltooyo la samaynin guurka ka hor. Waar hadda ma fahantay wiiloow?”

Isaga oo si aan turjumi kari waayay madaxa u ruxaya ayuu ku tiraabay“Haa…haaa… eeen…waan fahmay, laakiin walaal sababahaas wax ma iiga sheegi kartaa?”

Waxaan isku hawlay warcelinta su’aashan cusub. “Haa. Waa ta koowaad’e, waxaan ahay Muslimad, mana awoodo oo ma rabo in aan sameeyo wax Eebbe ka cadhaysiinaya, Eebbana waa ka yidhi ha sameysannina jacayllo qarsoon (Al-Nisaa.25).

Waa ta labaade waxaan ahay gabadh nin dhalay, ninna la dhalatay oo ma doonayo in aan rag igu qaali ah niyad jebiyo! Waxa jira nin saddexaad oo aanan isna doonayn in aan hoos u dhigo!”

Waa Soomaali’e wuxuu hadalka igaga boobay su’aalo kala tagsan “oo sidaad hoos ugu dhigi?! Ka saddexaad se wa ayo?”

“Isagu waa mudanaha qalbigayga ee mustaqbalka, hoggaamiyaha noloshayda berri, saygayga mustaqbalka. Naftayda waxaan u ilaalinayaa si aan isaga oo qudha u ahaado, si uu isna aniga oo keliya ii ahaado haddiiba Eebbe qadaro in aan isku soo baxno mustaqbalka!”

Kuye “Haye….” sidii wax weli hadal kale u jeeda. “…dhinaca kale waxaan maqlay in jacaylka kowaad yahay kan ugu weyn ee ugu saameynta badan markaa saygaygu wuxuu noqon doona kan ugu horreeya ee gala qalbigeyga.

Waa midda saddexaade, hooyaday waxay i bartay in aan ka mid noqdo hablaha dhowrsoon, ma xasuusto goor ay ii sheegtay in aan ka mid noqdo hablaha wiilasha maaweeliya ee cawaysiiya markaa waxaan go’aansaday in aan taladeeda qaato oo aanan ka cadhaysiin iyadoo og ama aan ogayn!

Waxa kale oo noloshu ay i bartay in midhaha dhirtu noocyo badan tahay, dhirtana  aanay isku meel kaga oollin, una kala qaybsan yihiin kuwo laamaha hoose ka baxa, qaar ta dhexe ka baxa iyo in jirridda geedka ka baxda. Kadib waxaan go’aansaday in aan noqdo sida hoobaanta geedka halka u sarraysa ka baxda.

Waayo iyaga waxaa soo gaadha oo keliya qof geesi ah oo geedka oo dhan soo koray, rabitaan dhab ahina wado, dabcan han uu ku gaadhi karo figtana leh!.”

Shaafici Maxamed Colaad


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply