fb

Akhriso Gabadh Ka Sheekeyneyso Walaal La’aanta Iyo Dhibaatada Aay Leedahay.

Published: March 17, 2014, 3:25 pm

Waxa aan ahaa wiilka tobnaad ee saddex iyo toban wiil oo aan la dhashay. Wax hablo ah lama aan dhalan. Saddex hablood oo hooyaday caloosha ku qaadday midina nasiib umay yeelan in ay noolaato oo dhammaantood

yaraan ayay ku geeriyoodeen. Wiil kasta oo dhashaa adduunkan aynu ku noolnahay jacaylka u horreeya ee uu dumar ka helo wa ka uu ka helo hooyadii. Jacaylka hablaha uu la dhasho ayaa ah kan ugu soo xiga ee uu ninku arko marka uu koro.

Waxa uu ku soo gebagabeeyaa jacaylka oorida uu nolosha la wadaago iyo midda uu dhalo. Run ahaantii waa saddex jacayl oo isku daba xig xiga waana kuwa ninka ragga ah bara kalsoonida, ragganimada, dulqaadka iyo jacaylkaba. Saddexdaa dumar ah ayaana ninka astura.

Waa tii Al-fannaan Cawaale lahaa “Saddex magac waa marriinka i astura, waa gob ay mudan hooyaday kamid tahay, waa marwada ii dhaxdiyo mid aan ladhashee.”

Waa saddex jacayl oo wiilkasta oo nool aanu kamaarmi karin. Sidaas oo ay tahay qasab ma’aha in qofkastaa helo saddexdaa jacayl. Wiilasha qaar ayaa laba kamid ah hela, qaar aya mid ka mid ah hela, qaarna waxaaba dhici karta in aanay saddexdaa midna helin.

Haddaba anigu kuman soo hana-qaadin jacaylka hooyaday, waayo hooyaday imay soo korin. Waxa aan ku barbaaray dhabta ayeeyday. Naaska hooyaday waxa aan nasiib u helay lix iyo soddon cisho oo kaliya oo aan jaqay. Kadib waxaa ila wareegtay ayeeyday.

Hooyaday iyo aabbahay waxa ay ahayeen dad shaqeeya sidaa darteed waxa ay dan moodeen in ayeydeey ii geeyaan si ay ii koriso. Saddex iyo toban-ka wiil ee hooyaday dhashay waxa korniin hooyo arkay toddoba-da hore.  Lixda danbe oo aan ka mid ahay waxaa lagu koriyay masaasad ay nagu habi jirtay ayeeyday Rabbi naxaristii janno ha ka waraabiyee.

Hooyo iyo aabbo waxa ay u kala gooshi jireen magaalooyin, noloshoodu taraag bay ahayd inta badan. Hooyo iyo aabbo waxa ay ku dadaali jireen in ay hubiyaan in aanu helno baahiyaha asaasiga ah sida: huga, hoyga iyo cuntada. Waxase meesha kabaxay kalgacalkii hooyonimo e ilma kasta ka heli jiray hooyo iyo aabbo.

Waxa aan ahaan jiray ilmo yar oo runtii tabey wehelki hooyonimo, kii aabbonimo taasina inta badan way ka muuqan jirtay noloshayda. Sidoo kale maan helin waligay jacaylka, koolkoolinta iyo daryeelka lagu yaqaan hablaha ee ay siiyaan wiilasha ay la dhashaan maxaa yeelay nasiibba umaan yeelan in aan helo gabadh walaal ii ah. Fiicnaan lahaydaa in aan haysan lahaa, malaha sidan waan dhaami lahaa oo ma dareemeen ka hooyo iyo aabbo ee iga maqan.

Se hadda geed keligii meel ka baxay ayaan noqday. In kasta oo ay ayeeyday I jeclayd ina daryeeli jirtay haddana waxa ay ahayd qof wayn oo way ku adkayd hawshaydu waxaana iga maqnaa waxyaabo badan oo carruurtu helaan sida ciyaarsiin oo kale.

Saddex jir markaan ahaa ayaa uu dagaalkii lagula jiray xukuumaddii Siyad Barre uu gadh wadeenka ka ahaa ka dhacay Hargaysa. Sidaas awgeed reerkayagu waxa uu kamid noqday boqollaalka kun ee qoys ee u qaxay xeryihii qaxoontiga ee waddanka Itoobiya ku yaalay.

Marka laga reebo labadii wiil ee u waynaa caruurtayada o iyagu doortay in ay kamid noqdaan dhalinyaradii hubka qaadatay ee ku biiray dagaalkaa. Ilma kasta waa u muhiim jacaylka hooyo iyo aabbo oo ah kuwa ay kuba afbartaan. Anigu taana nasiib umaan yeelan.  Waayo markii qaxoontiga latagay lafteeda wax badani ismay badalin.

Halkii ay waalidku safaro dhaadheer u kala gooshi jireen ayaa waxa halkan dhacday inuu aabana magaalo kale kashaqo bilaabo oo noo dhawayd hooyana ay suuqa kashaqayso.

Tani waxa ay keentay in aan toddobaadkii hal mar arko aabbahay.  Hooyana aanan maalin oodhan arag ee ay timaaddo habeenkii xilli danbe oo aan seexday, arroortiina ay kallahdo annaga oo aan wali toosin.

Hantidii iga xoogtay jacaylkii waalidkay ee ay waqtigooda u hureen markii aanu Hargaysa deganayn iyana lama calfan.  Sida lawada ogsoon yahay barigaa qofkastaa wuuka qaxay wixi uu hanti haystay.  Aan waayaba kalgacalkaa an xaqa u lahaaye bal wixi iga mashquuliyayna waxa u danbeeyay in meel lagaga dhaqaaqo.

Haddii aan afar jir noqday kuna indho dillaacsaday xero qaxoonti o layidhaa Dulcad kuna taalay galbeedka Itoobiya, waxa aan saddexdii sanno ee xigay noloshayda marlabaad u noqday maxbuus boholyaw waalid.

Mid hooyo, mid aabbo iyo mid hablo ila dhasha.  Runtii wiilal alle naguma yarayn, laakiin ma’aha wiilashu qaar kafayn kara jacaylka dumar Ilaahay inoo galiyay.  Jacayl waxa kusiin kara hooyo, aabbo iyo hablo kula dhasha. Dadku way kala nasib fiicanyihiine waxa jira mararka qaar habaryaroyin iyagana haddaad hesho layihdaa kama dhaco kan hooyo.

Hal -habar yar ayaan lahaa.  Taasina waxa ay ku biirtay oo ay noqotay dumarkii raashinka u karin jiray ciidanka.  Wax eddooyin ah mid ayaan ladashay iyana waxa ay deggenayd deegaan durugsan oo ay carruurteedu kasoo jeedaan.  Waa tuulada Adarroor oo ay u qaxday dagaalkii.

Afar sanno markaan ahaa ee aanu degenayn xerada  oo  ahayd mid aad uga duwan halkii aan aqaanay ee aan ku barbaray,  sida: dhismaha oo an wax daar kujiraa jirin ee laga siman yahay taandhooyin cad cad oo qaxootiga loo qaybiyay.  Waxa aan bartay asxaabtaydii iigu horaysay ee caruurnimo.  Dabcan waan dareemi jiray farqiga u dhaxeeya noloshayda iyo ta carruurta ila saaxiibka ah ee ay ka agdhawaayeen aaboyaashood, hooyooyinkood iyo hablo ladhashay.

Kala duwanaanshahaasi  waxa uu ahaa mid iiga muuqday muuqaal ahaan iyo mooraal ahaan labadaba. Muuqaal ahaan waan ka duwanaa marka aan leeyahay  waxa aan uga jeeda:. had iyo jeer waan ka boodhwaynaan jiray iyaga,  waan ka uskag badnaanjiray,  waan ka cawlnaanjiray.  Sababtana markaa maan garanayn hadda se si fiican ayaan u fahmi karayaa.  Kolay cidkasta oo ku barbaarisaba  cid ka wanaagsani  majirto qof aan ka ahayn hooyada ku dhashay ama hablo kula dhashay oo kaa waawayn oo kugu dadaalaya.

Kuguna  mashquulaya oo kaabadalaya kolba dharkaad wasakhayso , kuu feedhaya, kuuna  dhaashiyaaya. Labadaa haddaad waydo wixi soo hadhaaba wa mar iyo dhif in uu kugu daalo oo uu kuugu dulqaato dhaqanka ciyaalnimo ee jecel is boodhaynta, is kharibidda iyo dhoobo ku ciyaarka.  Lakin markaa wan yaraa oo may xumayn in aan ka muuq duwanaado carruurta kale.

Waayo u qurxinta,u feedhista,dharka oo laga badalo,in loo maydho wax yaalahaas carruurtu maba jecla ee kolay cid iyaga jecel ayuunba ku qasabta oo ladaba socota.   Waxaaban moodi jiray in aan ka nasiib badanay kuwa kale ee had iyo jeer lala dabasocdo.

Xagga mooraalka laftiisa wan ka duwanaa qayrkay.  Waxa aan ogaa in aanay jirin hooyo ama aabbo ama hablo ila dhashay oo ii qiil sameeya markaan danbi soo galo oo aan ku dhuuman karayay.  Waxa aan arki jiray saaxibbaday oo markaanu wax soo wada kharibno, so wada shiidno,dad soo wada rabashno u midkastaa inta uu taw soo yidhaa  uu galaayo dhabta hooyadii isaga oo karaba hooyadii inay difaacdo.

Waxa uu ku dhuumanaya dhabteeda.Waxa dhagahayga ku soo duuli jirtay inbadan hooyo wiilkeeda difaacaysa oo qiil u samaynaysa wuxu soo sameeyay oo ku doodaysa in wuxu carruur yihiin oo ciyaarayaan ee laga raali ahaado.

Haddii sidaa ay ku noolaayeen iyagu aniga iyo wiil iga yaraa taayadu waa ka duwanayd. Anagu markaanu guriga ku soo dhuumano, may jirin hooyo nagaga sii horaysa oo aanu dabadeeda galno. May jirin hablo nala dhashay oo aanu walaalo naga celiya dadkan nidhaa.

Kaliya waxa nalagu so gaadhi jiray anagoo dhex joogna taandhadayada oo dadka kaliya ee joogaa ay jihiin ayeeyo oo runtii ahayd qof neceb adyadda.  Iyo kuray naga waawayn oo markaa inamo ismooday oo ah runtii xilliga ay ugu dulqaadka yaryihiin. Ugu naxariista daran yihiin ugu samirka yaryihiin.

Runtii markasta o anu wax soo samayno waanu sii ogayn waxa naga horreeya. waa ul iyo dhangad kulul iyo hadal dagaala,hanjabaada,caga juglayn iyo naxariis la’aani kamuuqato oo ay nagula kacaan kurayda nala dhalatay ilayn waa wiilal oo waa Aarar ee maaha hooyo iyo goolol kula dhashaye.

Mararka qaar intaanu ka cabsano guriga ayaa marka asxaabtayada iyo anagu aanu sidii caadiga ahayd wax soo qaribno ayaanu door bidi jirnay inaanu iyaga labaxsano oo aanu u raacno guryohooda bal inaanu iyaga ladhuumano si aanu bal jacaylka iyaga hooyooyinkood u qabaan ee lagaga dufaacayo eedaha ay wax nooga soo gaadhaan oo aanu uga yara raysano aararkan wada cadhada ah ee nala dhashay.  mararka qaar way shaqaynjirtay kaartidaasi oo waxaanu ku beegmi jirnay hooyo aad u fiican o nagala mid dhigta kan ay dhashay ee nala socda markaasaa meel lanagu wada dufaaci jiray.

Mararka qaar waxaanu kusoo beegmi jirnay hooyo tidhaahda maxay ahaayeen kuwanina o nasoo dayrisa oo tidhaahda kan aniga idinka ceshen kuwaas laakiin reerkoodu waa kuwaa ee orda u taga.

Run ahaanti aniga iyo walaalkayga iga yaraa waxay noloshu nabartay in markii aanu waynay jacayl waalid iyo mid walaal aanu lasoo baxno farsamooyin cusub oo run ahaantii markaan dib u milicsado aan marna qoslo marna ooyo. Waa yaabe waxaanu baranay in halka namadhan ee aanu wax katabayno aanu ku buuxino qorshe kale kaasoo ah inaanu iska ilaalino murugada oo aanu farxada laqaybsano asxaabtayada oo iyagu kolay naga yara farxad badnaa intabadan.

Marka ay farxaan aanu lafaraxno, marka ay ooyaan aanu la oyno. dhaqanka uu barigaa waayuhu i baray waa mid aan maantadaa leeyahay in aan jecelahay in aan saaxibaday laqaato waqtiga, lafarxo, lamurgo lana qaybsado waxkasta oo ay ku sugan yihiin. Waxaan illaa hadda aad u necebay qofka aan carruurta koolkoolin qalad kasta ooy sameeyaan ma jecli in carruurta la ciqaabo.

Sida dhaqanka Soomalida lagu yaqaan carruurta marka laqadeeyo waa laseexiya oo badiya lama arko carruur bannaanka joogta. Laakin su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay sidee loo seexiyaa? Tusaale waxa iigu filnaan jirtay Sidiiq wiil la odhan jiray oo taandhada nagu xiga ku noolaa ayaa wuxu ladhashay afar hablood oo kawada waawayn.

Wuxu lanoolaa aabbihii iyo hooyadii. Maalintii marka laseexinayo wuxu ku dhex gam’i jiray afar hablood oo timuhu u tidcan yihiin oo kuligood ku indhakuusha walaalkooda yar o aan ogalayn inu saxar fuulo. hadduu heblaayo dhabteeda ka caajiso wuxu ku booda takale dhabteeda.

Halkaana kudarsoo waxa kasoo daawanaysa boqoraddii dhashay oo aad moodo gool cadceed casar isu dhigaysa o il kalgacal leh ku soo dayaysa sida wiilkeeda shanta magac lihi uu hableheeda kolba mid timaha u jiidayo, kolba mid laad ugu kicinayo,kolba mid kolba mid ilaa uu ka gam’ayo. Waa shan magac leh.

Waa  Suldaan yare, waa ina boqor. Cidi buus ma tidhaa, markuu doonuu seexda, markuu doonuu kacaa. Kalsoonidaasuu qabaa waayo waa mid uu ku barbaaray.

Haddii uu saaxibkay sidaa ku gam’i jiray aniga iyo walaalkay taayadu way ka duwanayd. Horta  waxa aan maanta ogaaday ilmaha yar waxa uu uga jeedo marku isu waalayo waalidkii ama hablohooda. Marka uu leeyay maanta ma qadaynayo, maseexanayo, dugsi matagayo. dhammaan waxyaabahaas waxan ogaaday inuu ilmaha yari ku baadhayo hadba inta uu leeg yahay kalgacalka loo qabo. Wuxuu tijaabinaya sida loogu dabacsanyay, sida loo siinayo dookhakh kala duwan.

Waa kalsooni uu qabo markuu sidaa leeyay. Wuxu ilmaha yari arkayaa inay jirto cid u heelan oo koolkoolisa, cid jecel una dulqaadata. Wuxu rabaa inuu ogaado bal illaa heerka loo diyaar yahay in laraalli galiyo. Sidaa wuxu u yeelayaa kalsooni buu qabaa labaray lasiiyay lagu koriyay.Wuxu ogyahay inuu yahay lajaclaw, inuu yahay nuurka guriga, in uu yahay Suldaanyare.

Aniga iyo wiilka yar ee ila dhashay oo da’da igu xiga ahaa marka lagaadho xilliga qadada xaalkayagu wu ka duwanyahay kan saaxibkayo ee Sidiiq. Waxa inta badan guriga nala jooga laba kuray oo midna shan iyo toban jir yahay kan kalana toddoba iyo toban jir yahay. Bal ogaw waa xilliga raggu kilaankilada ursadaan.

Waa xiliga aanay jixin jixa aqoon. Ku darsoo waa xilliga raggu haasaawaha barto o midkastaa intuu qadeeyo o u shaadhka labaxo ayaa xilligaa may jirin telefoonada gacanta e maanta laga haasaawaaye, wuxu raba intu dhabarka u jiifsado inuu kasii fikiro heblaayada u caawa u tagayo wuxu odhan lahaa. Mar wuxu ka fikirayaa sheekadii xalay dhexmartay.

Wuxu ku jira caalamkiisa gaarka ah ee ay hablaha iyo jacaylku hoggaaminayaan. Waxaanu laakin ogayn inaanu anaguna ka caruur ahaan leenahay caalam noo gaar ah. Caalam aan kabasii fogayn kubaddii galabta laciyaarilahaa. Islaantaanu saaka shiidnay inay hooyo caawa iman anagoo soo jeedna, bal iiddii inta kahadhay iwm.

In haddii uu ka fikirayo heblaayo iyo halkuu caawa qabanlahaa inaanu anaguna kafikirayno hooyada naga maqan,aabbaha naga maqan iyo hablaha qudhayada naga maqan ee haddii ay joogi lahaayeen naga celin lahaa aarkan qooqan ee aan rabin wax filimada uu maskaxda ka daawanayo ka yara mashquuliya.

Uma dulqaadan karaan hal mar qof is rog roga. Ma ogola in aanu xitaa yara sheekaysano aniga iyo walaalkayga iga yar si aanu caalamkayaga noo gaarka ah ee aanu ku noolnahay aanu uga sheekaysano waabaanu iska gam’i lahayn intaanu wadnee. Waa qadee oo seexo. Hadalkooda hadal lama dulsaari karo runtii saacada duhurkii bacdal qadada illaa inta u dhaxaysa salaadka casar ee carruurta la fasixi karo anaga waxay noo ahayd maalinta dhan intaanu ugu necebnahay.

Xaggayaga lagama yaqaan waxa layidhaa koolkoolis. Lagama yaqaano magacyo farabadan oo la noogu yeedh yeedho. Waa waryaaa seexo haddaad diiddana waa dhirbaaxo kulul iyo cay. Ayeeyaba waa dumar oo sikasta ha isaga waynaatee bal ogaw waa halka kaliya ee aanu ka urino kalgacalka dumarka.

Waa dhabta kaliya ee aanu marmar ku ooyno walaw aanay naba xejinkarayn dhabteedu. Codkeeda ayaaba noogu dhaw kalgacayl dumar. Waqtiga ugu xiisaha badan maalintii iyo habeen kii waa abaaro toddobada habeenimo marka lagaadho ee ay ayeeyo listo afarteeda riyaad cashadana qaybiso ee ay daaradayada ooddu ku wareegsan tahay dhigato cawda si ay cishaa’i u tukato. Waa waqtigaanu u jeclayn aniga iyo walaalkayga iga yar. Waxa ay nooga sheekayn jirtay xiddigaha oo ay naga dhex tusi jirtay wax ay leedahay waa laxo.

Qaar ay leedahay wa nin lagigay. Markaanu daawanayno xiddigaha waa in aanu dhabarka u seexanaa si aanu dhegtana uga maqalno tilmaanteeda indhahan ku daawano muuqaalada widhwidhaya ee quruxda badan ee ay xiddiguhu samaynayaan. Waa sababta aanu habeen kasta ugu gam’i jirnay dibada ee marka hooyo timaado illaa siddeedda habeenimo ay nagu soo daabuli jirtay taandhada anagoo dhalalawsan.

Saddex sanno haddaan ku qaatay halkaa qaxootiga ayaa waxa naso gaadhay war sheegaya in wiilkii noogu waynaa uu kamid noqday dadkii naftooda u huray xoriyaddii dalkan oo markaa SNM u dagaalamaysay. Run ahaantii waxan arkayay in xaafadda laga barooranayo laakin aniga igamay qasnayn waayo waa mide ninka la leeyahay wuu dhintay maba aqoon anigu aragiisana mabaan xasuusan karayn.

Waa mida kalee umaba hayn kalgacal wax wiil ah oo ila dhashay oo waxaaban leeyahay waxba muu soo wadin kolay sida kuwan ayuunbuu ul kula dul taagnaan lahaa. Dabcan xaafaddu nalama qabin fikirkaa oo wa labarooranayay.

Anuu geeridiisa waxaaban ka faa’iiday arimo aan jeclaa oo geeridisu fursad noo siisay aniga iyo walaalkayga yar. waxaabanu helnay ugu yaraan hal wiig o aabo iyo hooyo ay guriga joogeen oo ay ka nasteen shaqadii. Runtii xoogaa farxad ah ayaaban anagu dareemaynay oo mabaanu shidaysan ninkan dhintay carruurnimo darteed.

Warkii warkaa ku xigay ee Hargaysa naga soo gaadhay waxa uu ahaa dalkii waa la xoreeyay. Aniga oo lix jir ah ayaa reerkii u soo hayaamay Hargaysa oo bahalo galeen noqotay. Waddooyinkii xidhmeen geed ku cusub dalka awgii oo meel kasta jiq kadhigay. Halkaa ayaa markii u horraysay malcaamad naloo diray.

Run ahaantii macallinka lanoo geeyay muu ahayn macallin u naxariista carruurta. waxa uu ahaa nin aad u kulul oo dhangada aad ugu jeexjeexa jidhka caruurta. malcaamaddiisa waxa la gali jiray marka salaada subax laga soo baxo. Carruuraha hooyooyinkood u baqaan lama gayn jirin. Waxa lagayn jiray kuwa ay dhaleen hooyooyinka yara caloosha adag.

Macalinkayaga  Alle naxariistii jano ha ka waraabiye hadda wuu dhintay. Waxa la odhan jiray macalin Xasan Nuur oo xaafadda Jameecada wali magaciisu waa kacaan. Wuxuu kamid ahaa wadaadadii ka qayb galay dagaalkii Baydhabo ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadkii ay hogaaminayeen maxaakiimta Islaamiga ah.

Xilligaa waxa aan xiise wayn ku hayay daawashada filimada o marka dalka ku cusba o lagu dhigi jiray goobo lagu daawado cajaladah Video-Casseteska ka loo yaqaano. Filimo hindi ah ayaa inta badan lanoo galin jiray inta lanaga qaado lacag dhan 500SHILIN. Dabcan macalinkayagu wu mamnuucay daawashada aflaantaa ilmaha u hogaansami waayana waxa la ciqaabi jiray subaxii marka salaada subax laga soo baxo.

Waa xilli dhiiga qofku qabaw yahay waana xili qofku aanu u adkaysan karin wax lagu dhufto. Qaabka ciqaabta macalinkaasi waxay noqotay mid wali aan xasuusto maadaamo oo ay shafkayga korkiisa wali laga dheehan karo dilaaca dhangadaha salaada hore u gaystaan jidhkayaga curdinka ah oo runti si fudud ku dilaaci jiray.

Sidaan  hore u sheegay malcaamadan waxa dhigan jiray caruurta ay dhaleen hooyooyinka aadka u caloosha adag. Hooyo calool jilicsani maalin kumay dayn jirin ubadkeeda. Subaxii markaanu salaada tukano ee aan tagno aya inta foyniis lashido aya waxa u horreeya ee macalinku ku dhaqaaqaa waxay ahayd inuu jeebka kasoo saaro warqad yar oo lagu soo qoray magacyada ardaydii xalay lagu arkay fiidyawga. Waxa qasab ahayd in aan ugu horeeyo subax kasta.

Ciqaabtu waxay ahayd sidan. Waad soo kici, shaadhka iyo garanka ayaa lagaa saari, surwaalka wad bixin hadaad nigis xidhantay, haddii aanad xidhnayna waa laguu laabi illaa la qaawiyo bawdyaha. Kadib shaadhkaaga ayaa indhaha laguugu xidhi, adigoon markaa waxba arkayn ayuu macalinku kuu bilaabi hadba inta dhangadod ee kuu qoran. Inta badan daawashada aflaanta waxa lagu mutaysan jiray qiyaastii inta u dhaxaysa 20-30 dhengadood oo lagaaga kala dhufanayo bawdyaha qaawan, kubabka, dhabarka qaawan iyo shafka oo inta badan ahaa meelaha caruurta dilaaci jirtay.

Barigaa maan garanayn waxa igu salliday ee aan aflaanta Hindiga ah habeen kasta ugu daawasho tagi jiray anigoo og ciqaabta daran ee subaxa i sugaysa. Maanta way ii caddahay sababta aan sidaa u yeelayay. Qofka daawada aflaanta hindiga ah wuxu markiiba ka dhex milicsan karaa in ay ka buuxaan jacayl hooyo. Aflaanta hindiga ah lagama waayo jacaylka xooggan ee ka dhexeeyo hooyada iyo ilmaha.

Waxa  kale oo aflaanta Bollywood aad looga dhex arkaa jacaylka isna xoogan e ka dhexeeya wiilka iyo walaashii. Badiya waa aflaan ay ka buuxdo caadifad qiiro galinkarta qofkasta oo jacayladaa aan soo sheegay aan yaraantiisii lagu soo korin. Inta badana qofka way kiciyaan dareenkiisa. Waan  la ooyi jiray marka atooraha iyo hooyadii isku ooyaan.

Shaw meel i madhan ayaan ku buuxin jiray oo waa sababta aan ugu falnaa aflaantan subax kasta jidhkaygii lagu googoyn jiray. Dabcan xaga dugsiga iyo xaga malcaamadaba waxan ku noqday arday firfircoon oo maskax wanaagsan. Dugsiga waxan ku fiicnaaday xisaabta iyo luqadaha ajanabiga ah.

Malcaamadana Qur’aanka.  Noloshayda waligeed intaa aan soo koroyay waan dareemi jiray sida aan uga madhanay kalgacal ka dumarka ee diiran ee laga wada shidaal qaato ee raggu dareemaan xilliga qangaadhka. Haddaan soo koray oo aan soo gaadhay xilligii ay marayeen aararkii ila dhashay ee barigaan yaraa i dili jiray ayaan dareemay inuu igu so kordhay dareen hor leh oo aan u qabo nooc ka mid ah dumarka.

Waa  dareen aan ahayn kii aan u qabay hablo ila dhasha. Waa dareen kaduwan kii aan u qabay hooyo. Muxu  yahay dareenkan cusub ee aan isku arkay. Waxa aan dareemay inaan u baahanay gabadh laabta igalisa. I dhunkata iina sheegta in aan ahay qof fiican oo ay i jeceshay. Haddaan halkaa ka fod tabiyay ayaan u sahamis tagay dookhayga. Shaw dhibka i haystaa wuxu yahay inaan kaba baqayo haween oo dhan. Illayn kumaan korin kalgacalkooda e.

Walaalnimo la’aantu runtiisaamayn badan ayay ku yeelatay noloshaydii ciyaalnimo iyo taydii danbeba. Waanan tabaa illaa maanta oo waa meel iga bannaan oo dhaxani iga xigto.

W/Q Ladna Rashiid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply