fb

Qeybtii 28aad Ayaamaha NoloShada Iyo Sheekadii Qaalid:: Maxaa Xigey Balantii Wax Sheega

Published: January 8, 2013, 5:29 pm

Waxa Aay IsbuCii Hore Inoo Joogtey Ladan Oo Loo Wada Habar Wax Sheek Ah. Maxa Xigey?.

Ka BogoSho WaCan Qeybtii 28aad Ee Sheekada Hadii Rabbi Raali Ka Ahaado Aqristoow.

Ladan: weey ku gacan seertey hadalkii hooyadeed waxeeyna hoos ka xiratay albaabkeeda ayada oo laheed hooyo macaan,ha aamini quraafaadka iyo waxa aay dadka kuu sheegayaan,maxeey kula tahay in habar cajuusa ah oo meel fadhisa kuu sheegi kartaa mase xanuun miyey iga qaadi kartaa.

Hooyadii hadalkaa uma muuqan ee waxeey aheed mid diyaar u ah ka miro dhalinta balankii aay galeen saaxiibteed waxeeyna u sheegtey ladan ineey furto albaabka oo aay u dhaga nuglato hadalka aay oraneeyso hooyadeed macaan,ayadoo isii la isku hor taagan yahayna waxaa buuqa ku soo kacay ladan aabaheed oo kale dhax galay,waxuuna ku yidhi hooyadii,waxaas ma jiraan ee ka leexo inanta.

Go,aankii odeyga reerka ayaa meel marey ladana sidii beey horey ugu seextay oo maba aaysan furin albaabkii fur lagu haayey,halka hooyana aay dib ugu laabtay qolkeedi,waxa banaankaba jooga waa samiira oo maalmahan danbe ku badatay shaqadii guriga,ciil iyo daalna la daala dhaceeyso. Markii aay hubsatay in ladan aaysna rabin aaditaanka habartii waxeey u tagtey walaasheed oo ku tiri hadaba inanta ku war gali ineey shaqeeyso meeli ma xanuuneeysee hadiiba aay diidey hadalkaadi.

Waa u fursad kale oo samiira ku baadi goobeyso in ladan howsha la qabato ama aay mar kale ku dhaga adeegto hadalka hooyadeed sidaas uu ku sii xumaado xariirka ka dhaxeeya ladan iyo hooyo. Tallow maxaa usoo baxi doono samiira,waxaa la gaarey galabtii oo reerkii iskugu soo baxay casiriyo inuu wada cabbo,ladan oo aad moodeyso ineey ka soo kacdey hurdo macaan wajigeeduna dheeh saarnaa ayaa soo fariisatay dhanacii hooyo waxeeyna ku tiri hooyo macaan raali iga noqo waan yara qaldanaa maanta waan kugu dhaga adeegey,ayadoo intaa u raacisey in haatan aay hada roon tahay.

Sidii balankuba ahaa ladan waxaa lagu war galiyey ineey dhinac ka gasho shaqada guriga aydoo loo sheegey ineey ka biloowdo alaabta hada lagu shaah cabey,ayadoo aanan culeeys u qaadan beey sii guda gashay oo alaabtii la dhaqmo aadey,maba oga in qofka markii caafimaad dareemo la macaan badan tahay shaqada uu qabanaayo,si uu quudhiisu u arko is badalka caafimaad ee la soo darsey.

Ladan alaantii beey la hir dameeysaa waxeeyna ku luuqeeyneeysa cod macaan oo aay leedahay, waxaa jiro wax kuu daran hadana kula wanaagsan, waxeey ula macno jeedey ayaa ahaa sida aay u yasi jirtey zakki iyo saameeynta uu ku yeeshey,lakin cuqdad qabe wax kasto oo la yiraahdo waxa uu u qabaa in asaga lagu jeedee, samiira heestii ka burqaneysey afka ladan waxeey u fasiratay in ayada lagu jeedo waxeeyna markeeda iska soo jartey hees u jawaab ah ladan, akteeda beey mareeysaa oo jikada beey iska dhigeeysaa qof wax usoo doonteey waxeeyna ku haaysaa, ileen doqoni calaf maleh.

Waxaa colaad inteeda la ee ka dhax aloolsan labadooda, intaa ka dib ladan waxeey si haqab tiran u gudatay howsheedii oo aay dib ugu laabatay qolkeedii, samiira adigaa uun baa daaliye ladan meel kale beey ku maqan tahay muuqeeda baa idinla joogo ee uusan war kaa tagin oo waqti ka dhumin.

Ladan waxeey soo haabatay leenkii si aay mar kale u wacdo qaalid ugna wareeysato waxii la soo darsey, waxaad moodeysaa ineey qaadatay go,aan ah ineey naf ahaanteeda la xariirto zakki oo aay la sheeko wadaagto si aay dhagaheeda ugu maqasho hadalkiisa iyo waxa uu dhahi doono balse waxaa ka horeeysa sidii looga dhaadhac siin lahaa qaalid waayo waxaanu wada ogsoonahay inuu qaalid yahay hogaanka ladan oo waxaa ka dhaxeeyey xariir ugub ah waloow hakad jiro malmahan.

Markii aay qabsatey leenkii oo aay heshey qaalid ilaa iyo 5daqiiqo ka dib waxaa dul yimid samiira oo ku tiri teleefoonkaan waa laguu dhamaa iyo dadkaan tuugada ahe kaalayo oo cashada sameey meesha ha ii fadhinine,si waliba kulul oo aad moodeeyso canaan hadalkiina waxuu u gudbey qaalid oo qadka ku jirey,horeyna u qabey dhaawac aay samiira u geeysatey, waa yaab hor leh ladan baa ku iyaduna inta aay xanaaqdey markaan ugu jawaabtey hadal kulul oo saameyn xanuun badan leh waxeyna tiri samiira soo moogid in adiga laguu keeney halkan shaqada guriga, aniga ha,ila tirsane orod oo shaqeeyso hadii kale ku laabo halkii aad ka timid iyo reerkiini, qaalid oo intas xaadir ku ahaana waxuu ladan ku yidhi ceeb abaayo ka xishoo waa waalidka hala tirsanin ee u sabar abaayo.

Waxuuna inta ku darey ineey istaakto oo aay howsha loo direy qabato asagoo u sheegey inuu sugi doono ilaa aya ka sooo bogoto howsheeda guriga,ladan oo mar kasta u dhaga fudud qaalid ayaa ku tidhi waayahay aboowe iga raali noqo maadaama aan hortaada ku idhi hadal xun, dabadeena waa aay jrtay teleefoonkii oo aay biloowdey sameeynta cashadii,halka samiira aay oohin la aadey qolkii.

Isbuucaan intaas ayaan kaga hari doonaa barnaamijka iyo waliba sheekadeeni qaalid yare intaan isbuuca xiga kulmi doonana waa bahda kobciyemedia.com iyo waasuge oo idin wada leh nabad galyo.

Ismail abdi aden “WaaSuge”

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.