fb

HADAAD I WEYSO XUSUUSTAADA IGA BAAR DHAMBAAL JACEYL AAD U XIISO BADAN..

Published: January 12, 2013, 12:28 pm

Gacaliso maadaama aanu kala fognahay waa hubaal inad cidlooto la’aantey, anna kula mid baan ahay lkn waxa jira waqtiyo macaan oo aynu isla qaadannay innagoo faraxsan sidaa darteed haddaad i weyso xusuustaada iga baar.

Kala maqnaanshaha lamaanuhu wuxu lamid yahay dhul abaaroobay oo roob iyo doog u hiloobay anna waan ku waayayoo ag jooggaaga iyo la kulankaaga ayaan u xiiso qabaa.

Xilli kasta oo aan anfacada laq is iraahdo adiga ayaa igusoo maaxanayya weyna igu adagtahay inan dhuunta mariyo raashiin aadan gacantaada igu siin anna tookadeyda kugu siin gacanteyda midig, malabeey sidaa ayan kaaga fakarayaa had iyo jeer.

Dharaartiyo habeenkii kolkaan jiifsado waxan soo gaddoomaa Anigoo ku tabaya adiga, kana xun hurdada kaliga ah ee aadan lamaan igula aheyn adigu, waxan is iraahdaa anigoo kaa walwalaya “Tolow iyaduna ma huruddaa waqtiga? Maxay ku sugantahay?

Ma sidaadoo kale ayey gogosha ku dildilloomeysaa?”
Sidaa ayad ugu milantahay xusuusteyda had iyo goor xabiibti kamana go’eysid maankeyga intan baaqi noolahay.

Dhambaalkan waxa kuusoo qaabeeyey ruux hadduu adiga ku waayo moodayya in ay dunida cidi joogin oo ay cidlo tahay.

W/Q: Ibrahiim Cisman Afrax.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.